Telesom Oo Burco Ku Soo Bandhigtay Adeegyo Cusub

0
537

 

Picture2Burco(Geeska)-Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa shalay  magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku soo bandhigtay Adeegyo cusub oo ay Shirkadu usoo kordhisay macaamiisheeda ,kuwaasi oo la jaan-qaadidoona Tiknoolajiga casriga ah .

 Adeegyaddan oo ay Shirkadu ugu talogashay macaamiisheedu in ay kaga maar-maan baahiyo badan oo ay u qabeen  ayaa munaasibad lagu daah-furaayay oo ka dhacday xarunta Telesom ee  magaalada Burco waxa ka qaybgalay masuuliyiin kala gadisan oo kala socday Shirkadda Telesom ,Ganacsatadda gobolka Togdheer iyo marti-sharaf kale .

 Cabdisalaan Ismaaciil Nuur oo ka mid ah masuuliyiinta Shirkadda Telesom ee waaxda horumarinta ganacsiga goboladda  oo  munaasibadaasi ka hadlay ayaa ka xog-waramay adeegyaddan cusub ee ay shirkadoodu soo kordhisay iyo faa’idadooda  waxaanu yidhi . “ Waxaanu ku soo bandhigaynaa magaalada Burco adeegyo cusub oo ka mid ah adeegyadii Shirkadda Telesom ugu talogashay macaamiisheeda sanadkan cusub horaantiisa  ,markaa ugu horeyn ,adeegyadda aanu maanta soo bandhigayno, adeega ugu horeeyaa waxa weeye ,adeeg aanu  magac’ahaan u bixinay Kayd ,adeegaasina waxa uu can ku yahay oo aduunka looga yaqaanaa (Sim-Backup) ,ama in qofku Simikaadhkii uu isticmaalaayay lambaradii ugu seef-garaysnaa ,haduu ka lumo in uu ka hele-karo ,Sim-cardka cusub ee uu qaato ama System-ka Shirkadda .

Adeega labaa ee aanu rabno in aanu isgana bulshada usoo bandhigno  waa ,adeega loo yaqaano fariimaha codka ,waxaynu naqaanay in SMS-ka ama fariimaha gaa-gaaban qoraal layskugu diri jiray ,waxaanu runtii imika soo kordhinay adeeg cusub oo qofku fariintiisa uu cod-ku-gudbinaayo sidii qoraalka oo kale ,adeegaasina waxa uu sigaar ah uga farxin-doonaa dadka aan indhaha waxba ka arkaynin ee macaamisha shirkadda ah iyo kuwa aan waxba qorin “ Sidaasi ayuu Cabdisalaan Yidhi waxaanu intaasi ku daray .”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Adeega Saddexaad ee aanu runtii isleenahay bulsho weynta waxa uu u noqon-doonaa Farxad oo aanu macaamiishayada ugu talogalay  waxa  weeye ,adeega loo yaqaano (IVR) ,adeegaasi waxa uu qabtaa in ganacsatadda ama goobaha waxbarashadda  ay soo gashan karaan  xayaysiiskooda sidii Reception-ku codka u qaban-lahaa oo kale ,in si fudud loo heli karo cida kastoo Hay’adaasi ka tirsan oo  loo baahanyahay .”

Wuxuu Mr. Cabdisalaan, intaas raaciyay “Adeega Afraad ee aanu maanta [shalay] isna soo bandhigaynaa waxa weeye ,adeega Missed-Call-ka  oo aad hore ugu taqaaneen Mobilka ,waxa bulsho weynteena baahi ka soo baxday ah guryahiina Lindline ayaa yaala ,Landlinkii yaalay waxa loo baahday in xaaskii ama caruurtii iyagoo aan Mobaylku u furayn in ay aabahood la hadli-karaan ama inankii Bakhaarka hayay inankii kale ee bakhaarka la hadli karo oo uu odhan karo isoo wac ,adeegaasi waxaanu u samaynay in Line-ka oo aan moobayl u furayni oo mobaylkii garaaci karo moobaylkina uu fariintii heli-karo iyo meeshii laga soo wacay ka dibna uu ku celinkaro “ Sidaasi ayuu Cabdisalaan hadalkiisa kaga baxay.

 Sidoo kale Cabdiraxmaan Aadan oo isna ka mid ah masuuliyiinta Shirkadda Telesom ee Xafladaasi ka hadlay ayaa  shaaca ka qaaday furayaal cusub oo ay Shirkadda Telesom ku kordhisay Lambaradeedii hore ee Mobaylka Shirkadda  kuwaasi oo ay dhawaan bulshadda usoo bandhi-gidoonaan isla markaana  Sagaal Nambar ka dhigi-doona Nambarada Shirkadda ,halkii ay awal hore ka ahaan jireen Todoba nambar oo kaliya “  Waxaanu maanta halkan macaamiishayada ka ogaysiinaynaa in Laba Nambar laga horey-siinaayo Nambaradii Mobaylka Telesom , labadaa Lambar-na waxa weeye (63) waxaanu lambarka Mobaylka ee awal hore ahaa Todobada ka dhigi-doonaa Sagaal Nambar ,balse Linku sidiisii ayuu ahaan-doonaa  “ Sidaasi ayuu Cabdiraxmaan hadalkiisa kaga baxay .

 Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay maamulaha Shirkadda Telesom ee gobolka Togdheer Maxamuud X. Ibraahim ,Cali Mahdi Madax suugaynta G\Togdheer iyo masuuliyiin kale oo kala socday Shirkadaha Ganacsiga gobolka Togdheer ,sida Warshadda Ilays ee saabuunta ,biyaha iyo laydhka waxaaney dhamaantood hoosta ka xariiqeen faa’idada ay bulshada u leeyihiin adeegyadani iyo baahiyaha loo qabay .

 Geesta kale masuuliyiinta Shirkadda Telesom ayaa xadhiga ka jaray laba xarumood ay ka furteen xaafadaha Lafoolaydda iyo Hodan ee magaalada Burco ,kuwaasi oo lagu kordhiyay xarumaha Shirkadda Telesom ee magaalada Burco.