Ururka Nasteexo Oo Mashaariic Horumarineed Ka Fuliyay Cisbitaalka Hargeysa

0
569

 

ururkaHargaysa(Geeska):-Ururka Wadaniga ah ee  NASTEEXO, ayaa Mashaariic horumarineed ka fuliyey Cusbitaalka guud ee Caasimadda Hargaysa, iyadoo ay Maal-gelintana bixinaysay Mantal Health Support Organisation oo xaruntiisu guud ku taalo Magaalada Cardif  ee carriga Ingiriiska.

 

Munaasibad si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa Salaasadii waxa xadhiga lagaga jaray Dhisme cusub oo loogu talo-galay inuu noqdo Qolka cuntada loogu sameeyo dadka dhimirka ka xanuusanaya, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan, Agaasimaha guud ee Cusbitaalka guud, Xubno ka mida Guddida Horumarinta ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa, iyo Xubno kale oo Marti sharaf ah. 

Guddoomiyaha Ururka wadaniga ah ee NASTEEXO Niciima Cabdillaahi Haybe ayaa ka war bixiyey sooyaalkii taariikheed ee Ururkooda, waxaanay ka warantay waxyaabihii u qabsoomay Ururka NASTEEXO, waxaanay shaaca ka qaaday inay dhawrkii sanadood ee u dambeeyey taakuleyn toos ah u siinayeen dadka dhimirka ka buka. 

Guddoomiyaha ururka wadaniga ah ee NASTEEXO Niciima Cabdillaahi Haybe waxa ay sheegtay inay si toos ah u garab taagan yihiin bukaanka ku jira Cusbitaalka dhimirka Hargaysa, waxaanay tilmaantay inay khudaar iyo Cuntooyin gaar ah u sameeyaan dadka dhimirka wax ka qaba ee ku jira Cusbitaalka guud ee Caasimadda Hargaysa., iyadoo shaacisay qorshayaal Horumarineed oo ay ka fulin doonaan Cusbitaalka. “Arrimaha khayriga ah ee aanu ka qabano Cusbitaalka guud ee Hargaysa, gaar ahaan qaybta ay ku jiraan dadka xanuusanayaa oo aanu iska kaashano Hay’ada Mantal Health Support Organisation oo fadhigeedu yahay Magaalada Cardif iyo Hablo reer Somaliland ah oo reer Cardif ah.” Ayey tidhi Naciima Cabdillaahi Haybe. 

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan oo Munaasibadaas ka hadal kooban ka jeedisay ayaa u Mahad-celisay Ururka Nasteexo oo dhawrkii sanadood ee u dambeeyey Mashaariic horumarineed ka fulisay, waxaanay shacabka reer Somaliland ugu baaqday inay dadkooda bukaanka ah soo caawiyaan oo ay ku daydaan kaalinta ay NASTEEXO ku jirto oo kale.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadku waxa ay tilmaamay in mushkuladaha bulshada haystaauu ka mid yahay isticmaalka Qaadku, waxaanay Xukuumadda iyo shacabkabba ku ku boorisay inay g;aan ka gaadhaan oo ay meel uga soo soo wada  jeedaan aafooyinka qaadka.