Maqaalkii Taxanaha Ahaa Ee Islaaxda Geeska Iyo Xididadeeda Caalamiga Ah: Waa Qalinkii Axmed Xaaji C/Laahi Rooraaye

16
744

 

Toolmoonihii muxamed yaa u tagay ilaahay

Tii uu na faray looxyaday noogu taal wali

Waana tiir aan naga liicahayn taanu leenahay

Ee wadaadada maan tilmaamo murtaad igu tuhmayseene

Waa murtidii cali jaamac haabiil ee akhristoow dhamayso gabaygaa .

Intaynaan galin qormadan sadexaad aynu inyar dib u jaleecno halkii iyo xuduntii aynu ku daah furnay qormooyinkii hore waxaynu abla ablayn ku samaynay halka iyo dawladah laga soo waariday islaax siyaasada iyo istaraatijiyada ay leeyihiin, maslaxada iyo danaha ay ku leeyihiin geeska waxaan kaloo ku daah furnay sida ay isu dabrayaan ama isaga hor imanayaan ujeedada siyaasadeed iyo istaraatijiyada guud ee ururka islaax iyo jiritaanka rabitaanka iyo yoolka shacbiga reer Somaliland, xasuusta iyo xigashada qormooyinkii hore hadaan halkaa ku dhaafo ii ogolaada inaan dul joogsado dareemadii doodihii iyo difaacaygii ka dhashay qormooyinkii iyo maqaaladii kala danbeeyay eek u waajahnaa islaaxda geeska iyo xididadeeda caalamiga ahaa dareemadaa ugu badnaa ee soo baxay waxaan ka soo qaadanayaa tilifoono is daba jooga oo dhamaantood ah tilifoonada muqdisho laga isticmaalo ee 0616 ka bilaabma dhamaan tood waxay ka midaysnaayeen hanjabaad iyo inaan joojiyo maqaalka hadii kale ay ii raaxayn doonaan waxaan fahmay indhamaan kooxaha xagjirka ahi isku farsamo yihiin dhaqankooduna kala durugsanayn inay aad u necebyihiin in la fahmo, ana taasi wax macno ah iima samayn inaan fahmo mooyaane, waxaa iyana ila kulmay dadbadan oo ergo dadban u eg oo I leh jooji qoraalkan waxaan waydiiyay yaa dhibane ah oo aan ka joojiyaa bal ii sheega cida cabaynaysa iyo waxaan khalday , dhamaantood iima gad bixin kumanay kalsoonayn inay ii sheegaan xaqiiqda iyo ciday ka socdaan , waxaan kaloo xusayaa masuul culus oo dawlada Somaliland ah oo aanu iska soo hor baxnay anagoon wax balan iyo xidhiidh toona lahayn ayaa igula kaftamay inaanan wali gaadin halki laygu xidhayay waxaan ugu jawaabay ha sugi waayin waan soo wadaaye isagaa garanay meehsaa ani se iima sheegin maqaalkan kuma socdo shaqsiyaad gaar ah oo bartilmaameed ah laakiin waa toosh ifinaya cida hawshaa ku jirta .

Halkaa aan ku soo oodno dareemadaa doodaa iyo jawaab celintaa qormooyinkii hore hor iyo horaan aan ka jawaabo su’aashan kaka nee kooxdan sheegatay inay wadaado yihiin ma culimadii ma shaayikhdii soomaliyeed ee jad ilaa jad ama awoow ilaa awoow ixtiraamka karaamada sharafta kal gacaylka inaga mudnaa baa mise waa qolo kale shaki la’aan maaha kuwaa dhaqankii suubanaa iyo naxariistii islaamka ee kun iyo afarta boqol ee sano soo jirtay maaha waa koox aduunyada(maalka) aad ujecel  mansabkana aad u jecel wax kasta oo ay u mari karaan kursiga talada waa u mubaax haday tahay tuugo iyo musuq  tahay haday been iyo khiyaamo tahay haday tahay dumar iyo caruur lala shuraakoobo haday dimuqraadiyad doorasho iyo diin la’aan tahay haday dad la xasuuqo iyo reero laysku diro tahay sabab kasta iyo qiimo kasta oo ay ku heli karaan kursiga waa u furantahay inay maraan kooxda aan ka hadlaynaa waa kooxda calaamdahaa leh, hadab qofkastaa ha qaato toosh uu ku ifiyo cida callamadahaa ama astaan taa leh.

Aan u nimaadno islaaxdii geeska

Intaanan Somaliland iman aan ku nasto islaaxda jabuuti waxaa nasiib wanaag ah caawa geeska ama arlada soomaaliyeed meesha aan khatarta islaax ka fayoobi ay tahay jabuuti ka dib markii hogaamiyaha aan u aqaan inuu yahay hogaamiyaha geeska afrika ismaaciil cumar geele iyo shacbiga reer jabuuti ay bad baadiyeen iyagoo raacaya shuruucda ay dhigteen ay badbaadiyeen qaranimadoodii iyo maslaxadoodii la dib markii ay xabsiga ku hubsadeen si sharciga waafaqsan cumaashii loo soo diray inay jabuuti khal kal iyo nabad galyo daro ka abuuraan waan u hambalyaynayaa madaxwaynahaa iyo shacbigiisa waxaa kaloon ka codsanayaa madaxwaynaha jabuuti inuu ka caawiyo umada reer Somaliland sidii islaaxdan Somaliland qabsanaysa uu uga badbaadin lahaa

Aan u imaado islaaxda Somaliland iyo somaliya

Marka hore waxa xaqiiq ah oo aynaan isku khilaaf sanayn inay soomaaliya haysato islaax oo ay doorteen xasan sheikh maxamuud markaa taasi faalo kale uma baahna .

Aan u imaado islaaxda Somaliland waxaan shaki iyo asaraar toona lahayn in masuuliyiin badan oo xukuumadan iyo golayaasha kala duwan ganacsatada Somaliland hayadaha samo falka iyo ururada bulshada ee ka jira somaliland ay gacan wayn ku leeyihiin uruka islaax shaki kuma jiro wadaada ku sugan xabsiga jabuuti in dhigoodii somalilan joogay ay iyagu leeyihiin awood ay dadka ku xidh xidhaan ay dhaqaalha wadanka ku maamulaan inay qasriga madaxtooyada ee Somaliland ay awood ku leeyihiin inay iyana xidhiidhka caalamka aynu la wadaagno saamaynteeda ay ku leeyihiin

Fiiro gaar ah

Waxa sii durkaya xidhiidhkii Somaliland la lahayd dawladaha jaarka ah iyo kuwa reer galbeedka ah waxa soo dhawaanaya oo soo kordhay xidhiidhka furmay ee dawladaha islaaxdu xukunto sida dawaldaha masaarida qadar iyo kuwa la mida guntii iyo gaba gabdii maqaalkan waxaan jecelahay inaan yara iftiimiyo xidhiidhka islaax iyo Somaliland shaki kuma jiro in xidhiidhkaasi jiro shaki kuma jiro in cida ka wakiilka ah ay somalilan masuuliyiinteeda ku jiraan aan idin siiyo laba dhacdo .

Wakhtigii daahir rayaale dalka xukumayay waxa Somaliland yimid masuulka qadar u qaabilsan islaax wuxuu ku soo dagay huteel ku yaal badhtamaha hargaysa oo badanaaba ay ku soo dagaan dadka caadiga ahi xukuumadii daahir riyaale kaahin waxay aaad ugu wanaagsanayd arimaha sirdoonka iyo waxa wadanka ku suganyahay kadib markuu ninkaasi soo dagay waxay u qaylisay cid la socota cid la socota oo kor meerta hawlihiisa cida u timaada meesha uu qabto iyo dhamaan dhaq dhaqaaqyada uu sameeyo waxay heleen in ninkii u horeeyay ee u yimaadaa oo dabcan ah qofkii uu u socday uu noqday masuul maarkaa xil ka hayay qaranka waxay amar ku bixiyeen in lala socdo ninkaa isaga ahi maantana wuxuu hayaa xil kii ka duwan waxa kaloo dhacay mudo bishan gudaheeda ah waxa wadankan yimid  safiirkii somaliya u fadhiyay qadar oo ah Ampasador cumar ,hadaba ampasador cumar waxa safiirka qadar u magacaabay cabdi qaasin salad xasan oo islaaxi ahaa waxa isna ogolaaday cabdilaahi yuusuf axmed oo ka danbeeyay waxa sii magacaabay sheekh shariif iyo xasan sheikh maxamuud

Dabcan ampasdor cumar maadaama uu joogay qadar mudo dheer uu helay xidhiidhada boqortooyada iyo islaaxiyiinta waa nin muhiimad wayn ku leh qadar wuxuu ka soo dhoofay qadar wuxuuna tagay muqdisho kadina wuxuu ka soo dagay garoonka berbera waxa loo diray gaadhi ay leedahay madax tooyadu waxa lagu soo dajiyay hudheelka maan soor habeenimadii waxa la casheeyay wasiir ka tirsan xukuumada Somaliland maalin ka dibna waxa loo geeyay madax waynaha Somaliland anigu ma hubee warar u dhuun daloola madaxtooyadu waxay sheegayaan inuu siday warqad casuumad ah oo ka socota dawlada qadar oo Somaliland lagu casuumay qadar waxa is waydiin mudan safiirka somaliya ee qadar xaguu ka soo gala Somaliland waa su’aal u taala umada reer Somalilan wa bilaahi tawfiiq

Waa Qalinkii Sheikh Axmed Xaaji C/Laahi Rooraaye

La Soco Qaybaha Danbe

Comments are closed.