Kaalmahee Ayay Orodyahanadii Somaliland Ka Galeen Tartankii Oorodka Ee Djibouti Ka Qabsomay?

0
511

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Labadii orodyahan ee Somaliland uga qayb galay tartankii orodka ee Jimcihii ka qabsoomay dalka Djibouti, ayaan ku guulaysan tartankaas. Tartankaasi wuxuu ahaa nooca loo yaqaano (Half Marathon) oo ah 21km oo orod ah.

Labadaas orodyahan ee Somaliland metelayay oo kala ahaa Xariir Carab Yuusuf iyo Jimcaale Axmed Jibriil Jibriil, ayaa kala galay kaalmaha 15aad iyo 20aad ee tartankaas oo ay ka qayb galeen 250 qof. Waxaana kaalinta koowaad ee tartankaas galay orodyahanka caanka ah ee reer Djibouti Mr. Muumin Geele Boqore, kaalinta labaadna waxa galay Ibrahim Cabdi oo isna u ordayay isla dalka Djibouti, halka uu kaalinta saddexaadna galay Mr. Patrick oo u dhashay dalka Kenya.

Tartankaas oo ay ka qayb galeen 19 dawladood, waxay dawladda Djibouti si madaxbanaan ugu soo casuuntay Somaliland, dawladaha kale ee ka qayb galayna waxa ka mid ahaa Somaliya, Itoobiya iyo kuwo kale. Marka loo eego heerka hoose ee uu taaganyahay imkaaniyaadka ay haystaan orodyahadanada Somaliland, kaalmaha ay galeen waa kuwo hore, maadaama oo ay ka hormareen orodyahano ay dawladahoodu maal iyo muruq ku bixiyaan tababarkooda.