Ururka Midnimada Somaliland Oo U Mahad Celiyay Saddexda Xisbi

0
756

 

 

ssp

Waxaa marka hore mahadleh Allah awooda leh , mar labaadka waxan u mahad celinayaa tagerayaasha ururka  Somaliland Solidarity Party

SSP oo kala jooga lixda gobol ee jamhuriyada Somaliland waxan kale oo halkan mahad celin ugu soo jeedinayaa  jaaliyadaha Somaliland ee kala jooga dacalada dunida  ku waas oo si xoog leh usoo dhowayey Ururka Somaliland Solidarity Party (SSP).waxaan kaloo aan aad ugu mahadcelinayaa Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) oo fuliyey waxii aanu ugu codaynay oo ahaa furista Ururada Siyaasada.

Sidoo kale waxaanu u mahad naq u soo jeedinaynaa Sadexda Xisbi qaran oo wakhtigoodii soo qaatay. waxa kale oo mahadnaq aanu u soo jeedinaynaa gudidii loo xilsaray furashada ururada siyaasada kuwasoo arintaa kala kulamay howl aad u culus.

Uruka SSP waxa uu Hamlbalyo iyo bogaadin u diraynaa Barlamaanka Jamhuuriyada Somliland , sida wanaagsan oo ay u wadaan xeerka furashada ururada siyaasada.

Ururka SSP haadaanu nahay waxaanu soo dhowayndoona Xeerkasta oo wafaqsan shareecada islaamka oo ay soo saran barlamaanku. Kasoo noqondoona xeerka ururada Siyasada. Sida oo kale waxa uu ururuka SSP codsanayaa in wadanka laga joojiyo shirbeeleedyada madhalayka ah ee aanay dadka dani ugu jirin.

Ugu danbayn waxa uu ruruka SSP soo jeedinayaa in la taageero xukumaada haatan talda dalka haysa oo inteena badan aynu u codaynay.

Ujeedoonka ururka siyaasiga ah ee Somaliland Solidarity Party SSP

1. Planning

2. Organizing

3. Leading

4. Controlling

5. New vision

Gudoomiyaha Ururka Somaliland Solidarity party SSP

Xasan Cabdi Maxamed