Ururka Heal Oo Qabtay Tababar Ku Saabsan Horumarinta Cafimadka Carruurta Dugsiyada

0
903

 

Hargaysa(Geeska) Ururuka wadaniga ah ee HEAL ayaa shalay ka furay hotel Hadhwanaag ee magaalda hargaysa tababar ku saabsan sidii loo horumarin lahaa caafimaadka caruurta dugsiyada Hoose dhaxe, waxaana tababarkaas ka soo qayb galay maamulayaasha 30 dugsi oo ku yaala magaalda Hargaysa.

Tababrkan ayaa lagu wacyi galinayay maamulayaasha dugsiyada hoose dhaxe ee magaalda Hargaysa muhiimada ay caruurta u leedahay caafimaad qabku, waxaana ururuka wadaniga ah ee HEAL ka taageerayay tabaabrkan hay’ada Unicef, sidoo kalena waxa la wadaagayay wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarshada.

Waxa tababarkaas furay gudoomiyaha wax barshada ee gobalka Maroodi Jeex Cali Cabdi Jaciir, waxaanu gudoomiyahu ka war baxiyay muhiimada ay u leedhay caruurta caafimaad qabku waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Maanta waxa aynu isku nimid hawl maalmeed ah sidii kor loogu qaadi lahaa nadaafada caruurta, sida bahalaha caloosha ka gala, faraxalka iyo nadaafada sidii loo ilaalin lahaa, waxbarshada waxa kamida Caafimaadka,Akhlaaqda, Waalid ixtiraamka iyo waliba in lagu abuuro caruurta wadani nimo, hadaynu soo qaadano caafimaadka dee qof waliba waa uu u baahin yahay carurtuna wa ay inuugu si baahi badanaysaa, waa inaynu barnaa in cidiyaa laguro,la faraxasha, kabaa meelxun aan ladhigin iyo ina aan candhuuf laysku  tufina, waa inay noqdaan arimahaas dariska ugu horeeya een barayno, waa inan ka fakarnaa waxa uu ilmuu faa’dayo, waa inaynu eegnaa caafimaadka ardayda sida inaga oo odhanayana cidiyaa mayska gurtay,timaa ma feedhatay, waxyaabaa aan daboolnayn ee suuqa yaala mayska dayseen waana waxyaabaa cudurada laga qaadayo.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi gudoomiye Cali Cabdi Jaciir “ Habka inaga laynooga baahan yahay inaynu qaadano weeyaan, waxaanu ku qoran yahay buugta caruurta loo dhigayo ee u horeeya, lakiin maata oo kale waa laynugu baraarujinayaa waayo dunidu intii hore waa ay ka wasakh iyo cudur badatay. Maant waxan joognaa dalkeenii waynu u dul qaadnaynaa dhibta ina soo gaadha lakiin waa inaynu wax barnaa ardayda oo ah mustaqbalka baritoole, markaa waxa aan maanta barno ayaa ay ku soo kacayaan, maamulayaal adinka ayaanay idin dul ku saarantahay masuuliyada u waynee barbaarinta caruurtu waa in aanad ka seexana”

Waxa iaguna halkaas hadalo ka soo jeediyay Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur ( kijaandhe ) waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Runtii hawshani aad iyo aad ayay u tahay mid muhiima, aadna waan ugu mahad celinayaa qoladan fulinaysa iyo hay’ada ka taageertay ee UNICEF,  sababta ay muhiimka u tahay  waxa weeye caruurtu marka ay yar yar yihiin waxa gaadhaa waxa uu la soconayaa ilaa musqabalkooda oo dhan caqligooda ayuu wax yeelayaa, oo koritaankooda wax yeelayaa, intaan waxbrashaba la gaadhin ilmaha koritaan kiisii iyo kaskiisii ayaabu wax yeelayaa aad iyo aad ayuu u muhiim utahay in wax laga qabto”

Waxa iyaguna halkaas hadalo ka soo jeediyay gudoomiyaha ku xigeenka kormeerka ee wasaarada wax barashada Xasan Cali Rooble. Agaasimaha ururka wadaniga ah ee HEAL Xasan Ibrahim Jaamac, oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada uu leeyahay tababarkan oo hal maalin socday, waxaanu u mahadceliyay hay’adda UNICEF ee ka caawisay.

Waxaana kulankaas laysku tusay in caafimaadka iyo fayoobaanta caruurta dugsiayadu tahay mid muhiima. Ururkan HEAL ayaa isagu saddexdii sano ee u danbeeyay waxa uu ka shaqaynayay hawlaha caafimaadka iyo wacyi galinta caruurta dhigta dugsiyada hoose dhaxe, iyada oo ay ku dadaalayeen sidii loo dhimi lahaa xanuunada caruurta kaga dhaca caloosha ee uu kamid yahay gooryaan calooleedku.