Maalinta Dhalinyarada Aduunka: Rajo U Iftiintay Dhalinta Soomaaliyeed

10
1188

 

BILD0625

Ugu horrayn munaasibadan qaaliga ah awgeed aan hamblyo iyo bogaadin u diro dhammaan dhalinta soomaaliyeed, anaga oo og xanuunka yo xaalada adag ee ay ku suganyihiin.

Aniga oo ku hadlaya magaca ururka World G18 Somalia, waxaan doonayaa in aan ku wargaliyo dhalinta soomaaliyeed in aanu dareen ahaan la jirno xanuunkana la qabno oo ay na damqayso  xaalada ay ku suganyihiin, mana aha dareenkani mid soomaalinimo oo keli ahe sidoo kale waa dareen aadamenimo.

Dhalinyaradu waa xooga ugu muhiimsan ee ummadi leedahay horseedna u noqda horukaca bulsho, dhaqaale, iyo siyaasadeed. Nasiib darrose, waxa xanuun kugu beermayaa marka aad aragto sida dhalinta soomaaliyeed loo majaro habaabinayo ee haadaanta looga tuurayo xaabadana loogaga dhigay colaadaha macno darrada ah ee halakeeyay dalka. Arintan waxa sabab u ah tacliin la’aanta haysata iyo sida loo kala qoqobay ee ay u kala xidhan yihiin dhalintu, taas oo ujeedada laga leeyahayna tahay in aanay helin fursad ay ku wada hadlaan oo ay kaga tashadaan mustaqbal iyo nolol fiican oo ay helaan si ay mar kasta ugu afduubnaadan shakhsiyaad arxan daran oo ka baayac mushtara dhiiga ummadooda .

Caqabadaha waawayn ee guud ahaan dadkeena horyaal gaar ahaanna dhalinta waxa ugu horreeya shaqo la’aan iyo xirfado uu qofku isku dabbari karo oo aanay lahayn, tani waxay gayaysiisay dhalintii inay si fudud shabaga ugu galaan gabraaratada arxanka daran ee ay ka midka yihiin dagaal oogayaasha iyo budhcad badeedka iyagoo dhibaatooyinka ka soo gaadhi kara aan dhaadanayn.

Ka dib markii aanu ogaanay dhibaatooyinkaa iyo kuwa kalee ka mid noqday nolol maalmeedka dhalinta iyo guud ahaanba dhibta ka jirta dalka waxa dhalinyaro qurbe joog ah oo ujeedo midaysan lihi isla qaateen in ay u guntadaan wax ka qabashada xaalada dhalinta soomaaliyeed ee wadanka ku sugan waxayna abuureen ururkan si ay uga badbaadiyaan dhalinta soomaaliyeed xadhkaha jahliga iyo ma arxamayaasha madiidinka ka dhigtay ay ku xidh xidheen ee dhibaatooyinka aan la soo koobi karin u keenay dhalinta. Ujeedadayadu waa sidii aanu ugu abuuri lahayn fursado waxbarasho iyo xirfadeed oo shaqo abuuris ah dhalinta dalka iyo in aanu dhiiri galino is dhexgalkooda iyadoo la adeegsanayo isboortiga iyo hab dhaqameed kasta oo suurto galin kara inay dhalintu feker iskula timaado oo is dhexgalaan, taas oo keeni doonta in codkooda la maqlo oo uu gaadho guud ahaan bulshada iyo siyaasiyiinta si  waxa ay tabanayaan dhalintu wax looga qabto qorshayaashana loogu daro marka la jaan goynayo siyaasadaha dawlada.

Ururkan waxa ka go’aan ah inuu dhiso biriijyo isku xidha dhalinta qurbo joogta ah iyo kuwa gudaha dalka ku nool si ay faa’iido ugu noqoto labada dhinacba, maadaa uu garawsanyahay in kartida iyo aqoonta ay dhalinta dalka ku sugani u leeyihiin dhaqanka iyo afka hooyaba yahay mid wax tar wayn u leh dhalinta ku kortay qurbaha oo iyaguna dhankooda gacan ka gaysan kara abuurida xirfadaha iyo kobcinta xaalada tacliineed ee ay u baahanyihiin dhalinta dalka ku sugani. World G18 Somalia, wuxu dadaal u galayaa sidii uu kaalmo dhaqaale uga heli lahaa beesha caalamka ee deeq bixiyeyaasha ah si loo maal galiyo mashaariic lagu badbaadiyo oo lagu gacan qabto dhalinta soomaaliyeed.

Waa hubaal in hal haysku ahaa, waa la doogiye yaan la dacaroone, waxa muuqata in  la gaadhay bilawgii dhammaadka dhibta dhalinta soomaaliyeed mar hadii sida muuqata ay ogaadeen dhalintii soomaaliyeed in lagu guurayay oo dhibta iyo khasaaraha soo gaadhay ay in kooban oo faro ku tiris ahi ku macaashayeen, wax badanna ka barteen waayo aragnimadoodii ay ka dhaxleen dhibtaa ay inta dheer ku soo jireen ee ay marwalba dagaal oogayaal iyo horjoogayaal malleeshiyo qawlaysato ah oo kolba shaadh xidhani dabka ugu gurayeen. Iyo arinta kale ee ah in dhalinta ku nool meelaha nabdoon ee wadanku inay si buuxda ugu qaashaarteen wax ka qabashada danaha ummadooda taas oo muujinaysa inay tahay tallaabadii u horraysay ee tallaabooyin kun ah oo lagu dhaafi doono dhibta haysata dhalinta soomaaliyeed looguna gudbi doono horumarkooda.

Waxaa iyana mahad gaar ah usoo jeedinaynaa dhalinta reer Somaliland oo marwalba dadaal ka gala sidii gayiga nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa.

Waxa kale oo aanu jeclaan lahayn inaanu ogaysiino dhalinyarta Soomaaliyeed in aanu u samaynay Facebook web page, World g18 Somalia youth network, halkaas oo ay doodoodu iyo afkaartooda isku waydaarsan karaan.

Mar labaad, aan ugu hambalyeyno dhalinta soomaaliyeed maalintan qiimaha leh oo aan hadana ku celiyo sida ururkayagani ugu heellanyahay gacan ka gaysashada ka samato bixinta dhalinta soomaaliyeed xaaladaha xanuunka badan ee ay u suganyihiin.

Hambalyo, hambalyo dhammaantiin dhalinta soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan. Illaahayna nabad, sharci iyo kala danbayn dib ha ugu soo celiyo dalka.

 

Mustafe Maxamed Jaamac

Madaxa, mashruuca

Taakulaynta dhalinyarada

World G18 Somalia

Comments are closed.