Agaasimaha Dib U Dejinta Oo Ka Hadlay Qaxontiga Dalka Ku Sugan Iyo Kuwo Dib Loo Celinayo

1
835

 

db u dejintaHargaysa(Geeska) Agaasimaha guud ee wasaarada dibudajinta Somaliland  Axmed Cimi Bare ayaa ka dhawaajiyay inay wadanka Somaliland haatan ku sugan yihiin dad barakacayaal ah oo tiradoodu ka sarayso 80,000 ( Sideetan kun ) oo qoys, sida oo kale waxa uu agaasimahu sheegay inay wadanka inta la ogyahay ay joogaan dad kor u dhaafaya 30,000 oo qof oo ajaanib ah oo u badan itoobiyan.

 

Agaasimahe Axmed Calmi Bare waxa kale oo uu soo bandhigay hawlaha ay wadanka ka hayso wasaarada dibudajinta, waxaanu ku tilmaamay inay wadanka dadka barakacayaasha ah kala kulmaan dhibaato aad u xoogan iyo inay labada todabaad ee fooda inagu soo haya ay damcsan yihiin inay wadanka itoobiya ay ku celiyaan dad ka badan 500 oo qof oo itoobiyana, kuwaas oo iyagu si iskooda u soo codsaday in lagu caliyo wadankoodii. “Waxan isugu kiin yeedhay inaan ka waramo wasaarada dib u dajinta oo ah runtii mid balaadhan oo kamid ahayd wasaaradii dalka ugu da’da waynaa ee lagu aas aasay, Markaan maanta eegnana ah wasaaradaa ugu da’da yar. Intii madaxwayne Siilanyo uu dib wasaaradan ugu soo celiyay wasaarad nimadeedii waxa hada laga joogaa  dhawr iyo todabaatan maalmood. Wasaaradan sideedaba waxa ay u qaybsantaa afar qaybood oo kala ah waaxda arimaha qaxoontiga, waaxda dibu dhiska iyo bara kacayaasha, waaxda maamulka iyo lacagta iyo waaxda wacyigalinta tahriibayaasha, waxa ku cad magacyada qaybahan wasaarada ujeedooyinka loo aas aasay. Soo celinta qaxoontiyada iyo ilaalinta iyo daryeelka qaxoontiga shisheeye ee wadanka soo gala, waa hawlaha runtii qabato wasaaradani ee u waawayn, dibu u habayna ay ku samaysay mashaariicda aas aasiga ah ee loogu talo galay. Waxa jiray dad Somaliland ah oo ay wasaaradani dub u soo celisay tusaale ahaan ilaa sagaashamaadkii waxa ay soo celisay dad ka badan 400,000 oo qof, waxaanay ahayd xiligii dadku ugu baahida badnaa dibu dajinta. Imikana intaan anigu joogay anagoo kaashanayna hay’ada IOM waxa aanu meelo kala duwan oo ay dhibaatooyinkii liibiya kamid tahay aanu ka soo celinay ilaa 300 oo qof, oo runtii lakiin iyagu iskood u doortay inay soo noqdaan. Waxa jira dad badan oo iyaguna siyaabo kale duwan u soo noqda oo wiigii u danbeeyay oo kale waxa aanu ka keenay Malta dad, runtiina dadkaasu iyaga ayaa iskood u doorta inay soo nodaan. Waxa kale oo aan samaynaa kor u qaadida nolasha dadka barakacayaasha ah ama abaaro ha soo barakiciyaan ama dadkii sagaashameeyadii wadanka soo galayba ah ahaadeene in dadka nolashooda ladhiso ayaan ka shaqaynaa, runtiina wadanka dhib wayn ayaa dadkaa ka haysata, waxaanay gaadhayaan 80,000 ilaa 90,000 oo qoys oo wadanka jooga. Meelaha ugu badan ee ay dadkaasu dagaan waxa kamida Gobalkan Maroodijeex marka laysku wada daro waxa yaala 22500 oo qoys oo barakacayaal ah, gobaka Awdal oo kale isagana guud ahaantiisa waxa dagan 11300 oo qoys, gobala Saaxil waxa isna  5300 oo qoys, gobaka Togdheer waxa yaala imika 18000 oo qoys, gobalada Sool iyo Sanaag waxa aan ku qiyaasynaa inay iyagana joogaan ilaa 12000 oo qoys. Runtii dadkani waa dad aad u balaadhan waxa aan wadaana inaan samayno meelo lagu kaydiyo macluumaadkooda sida tiradooda,meelaha ay kala joogaan,baahiyaha ay u baahin yihiin ee aas aasiga ah si waxii loogu qaban karo loogu qabto, dadkaa waxa kamida kuwo ilaa koob iyo sagaashankii soo barakacay oo ilaa had aan meel rasmiya dagin, waxaana noo qorshaysan inaan dadka deegaamayno oo meelo ay leeyihiin aanu siino oo aanu u buuxino baahiyaha aas aasiga ah ilaa xad aanu gaadhsiino in la dabooli karo.”

Agaasimuhu wuxuu intaas raaciyay, “Waxa aanu ka bilawnay arintan oo kale hargaysa oo maalin dhawayd watan ka rarnay aqalka badhsaabka dadkii daganaa oo gaadhayay 122 qoys inkasta oo dadkii ku dhawaa ay iyaguna iskaga soo darameen oo tiradii kordhiyeen, runtii dadkaa dhul baa la siiyay waanay dageen, anagoo ka duulayna in baahiyahooda aas aasiga ah la buuxiyo ayaan ilaa laba jeer wax gaadhiinay, sida raashin,bustayaal iyo marakaneecooyin wiigana waxaan u bilaabaynaa in aanu u dhisno musqolo 100 oo wiigan 30-dankii u horeeyay la bilaabayo, Xanaanadii ayaan u dhisaynaa iyo iskuulkii oo aanu u balaadhinayno. Xabaalahan gol jano waxa aanu ka raraynaa dadka dagan oo aan kuwaa ku biirinayno iyagana intaa inleeg ayaan u diyaarinay, waxaan doonaynaa in aanay sida kuwii hore qarbo qarbo ugu dhacin, bacda ramdaan ayaanu galaynaa hawshaas. Dadkan muhaajiriinta ah waa ay inagu badan yihiin, waxaana qiyaasaynaa inay joogaan ilaa 30,000 oo qof inkasta oo aanan hayn tiroda saxa ah, daadkaas waxa ay u qaybsan yihiin kuwo qaxoonti nimo loo aqoonsaday, kuwo qaxoonti nimo soo dalbaday iyo kuwo ku jooga sharci daro. Dadka ilaa hadda ay Somaliland u aqoonsatay qaxoonti nimadu waa ilaa 472 qoys oo ka kooban 1773 qof, dadka soo codsaday iyo kuwa sharci darada ah waa ay isleegyihiin markaa halkaa dhibaataa ka jirta, arinta xanibtayna waxa ay tahay in ay aan lahayn siyaasadii lagu hagi lahaa qaxoontiga, markaa imika ayaan wadnaa in aan samayno waxaanan iska kaashanaynaa wasaarada arimaha gudaha oo ay iyadana dhan ka qusayso, kaa marka la sameeyo ayaanu dadka furaynaa oo aan dib u shaandhayn ku samaynayaa, waxaanay u qaybsamayaan dad qaxoontiya oo la aqoosaday iyo dad aan u qalmin qaxoonti nimada oo qaranku markaa ka gaadhayo talo sidii laysaga celin lahaa. Waxa jira dad iyagu iskood wadankooda ugu noqonaya oo u badan itoobiyaan, waxaanan ila hadda diiwaan galinay dad ilaa 800 gaadhay oo iyagu codsaday inay noqonayaan, waxaanan qaadaynaa ilaa wiiga soo socda ama wiiga ku xiga 500 oo dadkaas kamida, waxanan la kaashanaynaa hay’ada IOM-ta.”

Comments are closed.