Ururada Wadaniga Ah Ee Mashaariicda Ka Qaata WFP Oo Iska Leexiyey Eeddo Loo Jeediyay

14
482

Picture2Hargeysa(Geeska)-Ururada Wadaniga ah ee kala ah KAYVO, Xaqsoor, SAY, HADDO, SCAN, SEMAD, DARAJO, SALDOR, HCLO, SDJ, SVO, SDRRVO, ROWDO, iyo Sooyaal ayaa shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah ugu qabteen Hotelka Hadhwanaag iskaga leexiyey in ay ku lug leeyihiin Eedaha uu usoo jeediyey Xafiiska Xidhiidhka Mashaarciida WFP ee Xukuumadda ee la yidhaahdo FACO.

Ururadan ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegay in mudadii la magacaabay Maareeyaha cusub ee xafiiska FACO ay kala kulmeen dhibaatooyin aanay hore uga arag masuuliyiintii ka horaysay, iyagoo sheegay tan iyo markii la magacaabay in uu curyaamiyey mashaariic badan oo u xaraysnayd.

Masuuliyiinta Ururadani waxa ay ka dalbadeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo in uu dib u eego xafiiskan isla markaana uu wax ka qabto qaladaadka uu xafiiskani kula kaco Hay’adda, iyagoo xusay in ay jiraan falal ay ku kaceen saraakiisha xafiiskan oo mashaariicda WFP ku keeni kara in ay dalka ka istaagaan, isla markaana ay dhibaato ka iman karto adeegyadii lagu fulin jiray Raashinada ay bixiyaan.

Maxamuud Xusseen  oo ka socday Ururka  Xaqsoor oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay jirin waxa ururadaasi 13 ahi ay Musuqmaasuqeen, isaga oo arrimahasi ka hadlayan waxa uu yidhi. “Anaga oo ah Afar iyo Toban Urur ee halkan ku Liisgaraysan  oo la shaqeeya Hay’ada WFP, kana shaqeyna Mashaariica la yidhado (Food For Work) oo lagu qabto dhaamamka, wadooyinka, iyo Biyo Xidhka, hadaba mashaariicdaasi ayaa la yidhi waala Musuqmaasuqay, Mashariicdaasina  waxa laga fuliyaa Gobolada Barriga Somaliland, 13Urur, urur kali ah oo hay’ada u qaabilsan dawlada WFP ay u timid ma jirto, goob kali ah oo ay tagtay ma jirto.”

Dhanka kale Mid ka mid ah Masuuliyiinta Ururadaasi oo isaguna shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa Yidhi. “Waxaanu jawaab ka bixinaynaa Musuqmaasuq uu hantidhawraha guud ee qaranku uu sheegay in ay ku kacday WFP, maadama oo aanu nahay Ururadii wadaniga ahaa ee mashruucaasi la leeyahay musuqmaasuqbaa ka dhacay gacanta ku hayey waxaanu halkan ka cadeynaynaa in wax la musuqmaasuqay oo jiraa aanay jirin, dhammaan ururada 13 ee halkan ku sugana waxay cadeynayaan in warkaasi aanu sal iyo raad toona lahayn, yahayna mid lagu carqaladeynayo Barnaamijka Cuntada ee Gobolada Barriga Somaliland laga waddo, waxa kale oo aanu leenahay hantidhawraha  guud oo noo yimid oo eegay meelihii shaqadu ka socotay oo musuqmaasuq iyo xuman ku arkay ma jirto, waxa kale oo aan halkan ka cadeynaynaa in wasaradda ama Xukumada ama hay’ada dawlada u qaabilsan Mashaariicda WFP oo yimid meelihii mashaariicdu ka socotay ma jirto.”

Siciid Shiide Xussen  oo isaguna halkaasi  ka hadlay ayaa sheegay ay  nasiib darro tahay in xukumadii cidii ay u igmatay in ay la socoto mashariicdaasi markii ay hawlaheedii gudan kari waydo in ay nashuushadeyso Mashariicdii ururada wadani ku fullinayeen Gobolada Barriga, ee sidda fiican ay u wadeen. waxaanu yidhi. “ninkan masuulka ah  Mashruuca cuntada ee isku xidha dawlada iyo hay’ada WFP, meel allaale iyo meel uu joogo meel uu mashruuc ka socoto oo uu og yahay ma jirto, nasiib darada dhacday waxa weeyi intii uu meeshasi loo magacaabay wax dhaqaaqay way yar yihiin, Mashaariicdii ayuu curyaamiyey, dadkii ayuu curyaamiyey, hay’adii oo dhan ayuu fadhiisiyey, markaanu waydiino cida kula socota arrintaasina waxa uu yidhahdaa Hantidhawraha guud iyo Wasarada Qorshaynta  ayaa igula socda, sida ay sidaasi ku dhacdayna isaga hala waydiiyo iyo sababta ay ku dhacday.”

 

Comments are closed.