Dufcadii 1aad Ee Barata ‘Islamic Banking’ Oo Ka Qalin Jebiyay Jaamacadda Beder

36
635

Hargeysa(Geeska)-Dufcadii koowaad ee barata aqoonta xisaabaadka Bangiyada Islaamiga ah (Islamic Banking And Finance),ayaa ka qalinjbisay Jaamacada caalamiga ah ee Beder.

14-kan arday ee qaatay darajada Diploma ayaa ah ardaydii ugu horaysay ee ka qalinjabisa jaamacada Beder, isla markaasna waa wardaydii ugu horaysay ee dalka gudihiisa ku barta aqoonta bangiyada islaamiga ah. Waxaana xaflada qalinjabintooda ka soo xaadiray waasiirka qorshaynta Dr.Sacad Cali Shire,Agaasimaha waaxda tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye,maamulka iyo hogaanka jaamcada Beder iyo martisharaf kale.

Ugu horayntii guddoomiyaha jaamacada caalamiga ah ee Beder Sheekh Aabi Cali Maxamed, oo xafladaas qalinjabinta ah furay waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Sida aan ognahay dhaqaalahii kale ee caalamku waxa uu ku dhaw yahay baa’ba,waxa hore u dhintay dhaqaalihii hantiwadaaga iyo dhaqaalahii shuuciga, waxaana sakaraad ku jira dhaqaalahii raasamaaliga ahaa oo sii socda,aduunkuna waxa uu u soo jeestay in la qaato dhaqaalahii Islaamka,Ingiriiska waynu ognahay in jaamacadihiisii lagu daraayo, in la daraasaynaayo oo la baranaayo,ardaydanina waxay nasiib u heleen inay ka qalin jabiyaan aqoonta caynkaas ah ee Islaamka ku dhisan dhaqaalahiisa iyo baanankiisa. Ardaydan qalinjabisay waa 14 arday,intaas way ka badnaayeen laakiin kolba sidii ini u hadhaysay waxa isugu soo hadhay 14-kaas arday, waanan ku tahniyadaynaynaa.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Jaamacada Beder waxay kaga duwantahay jaamacadaha kale waa in ay bulshadu leedahay oo aanay cid gaar ah lahayn,waa jaamacad aan macaash laga raadinayn,waa jaamcad dhismaheedu u gaar yahay oo aan kiro ku jirin kuna taala magaalada badhtankeeda oo meel walba laga soo gaadhi karo,waa jaamacad la gaar ah dhaqaalaha Islaamka iyo baananka oo iyadu wadanka keentay aqoontaas.”

Picture1Wasiirka qorshaynta Dr.Sacad Cali Shire oo xafladaas ka hadlay ayaa ugu horayntii u hanbalyeey ardaydaas,waxaanu sharaxaad xoogan ka bixiyay faa’iidooyinka ay dhaqaalaha dalka bangiyadu ku soo kordhin karaan, waxaanu ardaydaas u soo jeediyay inay samaystaan urur ay ku midaynayaan ardayda jaamacada ka barta aqoonta bangiyada Islaamiga ah.

Sida oo kale Cabdiqani Xuseen Maxamed oo ku hadlay afka boodhka iyo macalimiinta jaamcada Beder  ayaa bogaadiyay ardayda qalin jebisay.

Cabdiqani Xariir oo ah guddoomiye ku xigeenka Baanka Salaama ayaa dhankiisa aad u soo dhaweeyay ardaydaas qalin jabisay isaga oo ku amaanay aqoonta bangiyada Islaamiga ah ay u leeyahiin ee u kordhay.

Waxaa isaguna madashaa ka hadlay Cabdiqaadir Xuseen Siciid oo afka shirkada Dahabshiil ku soo dhaweeyay ardaydaas, isla markaasna u hanbalyeeyay, isaga oo sheegay inay hore u taageereen jaamacadan Beder, ayna sii taageeri doonaan.

Cabdiraxmaan Cismaan oo ku hadlaayay afka ardaydan qalinjabinysay ayaa isaguna  u mahadnaqay jaamacada iyo malimiinteedaba.

Ugu danbayntii agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Khadar Axmed Diiriye ayaa sheegay ka wasaarad ahaan inay jaamacada iyo ardaydaba soo dhaweynayaan, isla markaasna ay si gaar ah u bogaadinayaan jaamacada oo uu sheegay inay soo kordhisay aqoon qiimo leh, waxaanu ugu danbayntii si rasmi ah u gudoonsiiyay shahaadooyinkii ardaydii dhamaystay aqoontaas.

 

Comments are closed.