Ururada Siyaasadda Oo Kulan Ka Yeeshay Lacagta Muraaqibiinta Doorashada

0
715

 

xaq1Hargeysa(Geeska)-Shan ka mid ah toddobada urur siyaasadeed ee ku loolami doona doorashada goleyaasha deegaanka, ayaa isku raacay inaanay doorasho xor iyo xalaal ahi qabsoomi karin haddii aan la helin dhaqaale la siiyo muraaqbiinta ururada u joogaysa goobaha doorashada.

 

Ururada siyaasadda ee kala ah UCID, UMAD, XAQSOOR, WADANI iyo RAYSayaa shalay shir ku yeeshay xarunta urur siyaasadeedka XAQSOOR ee Hargeysa, waxaana la sheegay inay ka wada hadleen dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin in dhaqaale loo helo muraaqibiinta ururada siyaasadda, waxaanu warku sheegay inay ururadu go’aan ku gaadheen inaanay doorasho qabsoomi Karin haddii aan xal loo helin dhaqaalahaas ku baxaya muraaqibiinta oo ay guddiga doorashadu hore u sheegtay inay deeq bixiyayaashu doorkan sheegeen inaanay bixin doonin.

Ururada siyaasadda oo kulan dambe u balamay khamiista beri haddii Alle idmo, waxa la filayaa inay mawduucyo kale isla gorfeeyaan.