“Haddi Lagu Sheegana Waa La Isa Sheelaa, Haddii Lagu Sheelana Waa La Isa Sheegaa”

19
1259

Picture1Anigoo ah Gudomiyihii Jaamacadda Hargeysa ee xilka wareejiyay muddo ka yar laba bilood horteed, marka hore waxaan salaamayaa oon hambalyo kal iyo lab ah u jeedinayaa 637 ka arday ee ka qalin jebisay Jaamacadda Hargeysa  maalintii Sabtidii, 15/9/2012. Waxaan jeclaa inaan hambalyadaa ka jeediyo madashii qalinjebinta laakiin fursad umaan helin anoo goobta joogay, codsadayna, si ay u dhacdayba.

Anoon ahayn dadka is muujiya oo qunyar socod la igu yaqaan, aflagaaddo aqoon, siyaasi  iyo af miishaar toona ahayn maxaa manta igu kalifay in aan warbixintan ku soo bandhigo? Aad baan u rogrogay inaan sidaas yeelo iyo in kale, waxaanse ka maarmi waayay inan sidan yeelo, maxaa yeelay waxa ila soo gudboonaaday arin sharaftayda taabanaya taas oo wax walba igala qaalisan.

Waxaan Jaamacadda Hargeysa ka shaqeeyay muddo afar sano iyo todoba bilood ah anoo ka soo laabtay qurbaha ( Boqrtooyada Sucuudiga). Mudadaa waxaan isaga gudbay shan (5) xil oo kala ah: Madaxa Qaybta Luqada Ingiriisida, Hormoodka Arimaha Ardayda, Agaasimaha Qaybta Tafatirka ,Nakhtiinka  Qoraalada iyo Baahinta Waxyaabaha la Daabaco, Gudoomiye ku Xigeenka Jaamacadda ee Dhinaca Waxbarashada iyo Arimaha Ardayda iyo ugu dambayntii Gudoomiyaha Jaamacadda. Intaa waxa ii dheeraa anoo ahaa macalin dhiga luqada ingiriisida. Waxa halkaa ka muuqata in mudadaa yar ay xilalkaasi ahaayeen qaar kor u socda macnaheeda ayayna leedahay.

Jaamacadda markii aan xilka Gudoomiyaha qabtay September 2011 waxaan balan qaaday isbedel horumar leh, talaabooyin ku wajahan arinkaana waan isku deyey, laakiin sidan doonayay umay fulin. Anoo soo gaabinaya waxaan goostay inaan Jaamacadda ka sameeyo is bedel maamul oo sal iyo baar ah  oo suurto geliya  isbedelka uu aad ugu baahanyahay horumarka Jaamacaddu. Waxaan ku dhaqaqay in aan soo dedejiyo samaynta Guddi Sare (Board) ka kooban dad la yaqaan oo bulshada ka mid ah oo aqoon iyo karti leh Wasiirka Waxbarashada &Tacliinta Sare ayaanan arinkaa ula tegey waana la hirgeliyay. Mar labaad waxaan goostay inaan xilka ka tanaasula oon u baneeyo gudoomiye cusub oo la jaan qaada Gudiga cusub si dib u habeyn iyo isbedel  dhab ihi uga dhaco Jaamacadda. Waxa kaloo intaa ii dheeraa inaanan Jaamacadda sidaa kaga tegin oon wixii aan la qaban karo la garab taagnaado. Isbedlkii maamul wuu yimi sidii uu xeerka Jaamacaddu ahaana wuu u dhacay oo xulasho ayuu ku yimi waxaana ku guulaystay Dr. Cabdi Hussein Gaas xilkiina si wanaagsan ayaan ugu wareejiyay waanan u duceeyay guulna waan u rajeeyay. Isbedelkani sidaas ayuu ku yimi anaana horseeday ujeedadayduna waxay ahayd keliya inay Jaamacaddu halkay joogtay horey uga dhaqaaqdo maamul ahaan si horumar loogu talaabsado. 

Hadaba, waxaan aad uga xumaaday inaan la ilaba fahmin wixii aan sameeyay oo malaha loo qaatay inaan ahay nin Jaamacadda iskaga cararay oo qas ka sameeyay, amase badheedh loo  inkiray. Runtu waxa weeye sidaan kor ku sheegay waanan u sharxay Wasiirka iyo Gudidaba. Hadaba waxaan halkan maanta ka sheegayaa khaladaad la igu sameeyay oon marnaba ii qalmin, oon weligay isoo marin, kuwaas oon ka tirsanayo kow, Gudoomiyaha Gudida Jaamacadda oo anoo jooga   i baal maray oo dhayalsaday isku dayyo aan sameeyay inaanu wada xidhiidhno isagoon maalin qudha toos iila soo xidhiidhin anoo weli Gudoomiyihii Jaamacadda ah muddo ka badan laba bilood. Laba, Gudoomiyaha cusub oo anoo xilwareejintii si daacad ah ugu guda jira, xafiiskii aan ku wareejinayey dhexdiisa uu si layaab leh ii la dhaqmay anoo ah ninkii shalay xilka Gudoomiyaha iskii uga tanaasulay, danta Jaamacadda awgeed, oo ka mudan sharaf iyo xishmad sida uu dhaqankeena suubani ina farayo. Arinkaa isaga waannu ka heshiinay markay rag debadda ah o odayaal ihi na dhex galeen isagoon sheegin, iguna qancin sababta dhaqaanka caynkaas ah ku kaliftay inuu igula kaco laakiin sharaftii odayaasha ayaan ku dhaafay.

Qalin Jebintii 9aad ee Jaamacadda waan tegay anoo si aan ku talagal  ahayn u helay martiqaadka  (wuu mahadsanyahay saxiibkaygii i martiqaaday anoon magac dhabeen). Ninkii barnaamajka hayay oo i yaqaan ayaan u yeedhay oon ka codsaday inuu laba daqiiqadood i siiyo si aan ardayda qalin jebinaysa hambalyo u idhaa kuwii kale ee iyagoo fasax ku maqan aan xilka wareejiyayna aan u sagootiyo. May dhicin liiskiina igumuu soo darin, dabeedna waan ka xumaaday waanan iska baxay.

Waxaan akhristayaasha u sheegayaa macnaha ay ii leedahay madasha quruxda badan ee la fadhiyay. Madasha anaa kal hore dhisay oo ku keenay dadaal shakhsi ah. Anoo hore usoo arkay dhibkii iyo fool xumadii aannu kala kulmi jirnay dhiska madalihii ku meel gadhka ahaa ee bacada ahaa, ayaan weligayba ku fakiri jiray in la dhiso meel sidan oo kale ah oo rasmi ah. Markaan xilka qabtay ayaan Ganacsade Muwaadin ah (Maxamed Aw Siciid) ka codsaday inuu arinkaa naga caawiyo isagoo markaa howl culus ku guda jira, si rasmi ah iyo si khaas ahna waan uga codsaday, waanuu iga aqbalay Ilaahay haka abaal mariyee. Sidaasaan ku dhisay, anaa ka foormaan ahaa,  habeen iyo maalin dul taagna waqtigoo cidhiidhi ahaa si aan u fuliyo balanqaadkii aan ardayda u sameeyay. Waqtigaas oo ahaa kala guur maamul oy ardaydii ka warwarsanyihiin xafladda in la qaban dono  iyo in kale ayaan u sameeyay xafladdii u wanaagsanyd abid ee laga dhigo Jaamacadda Hargeysa. Waxaa kale oo dufcaddan iiga baxayay 15 arday oon sponsor (wakiil) ka ahay fiigoodana aan bixinayay afartii sanadood, afartan kalena way iigu jiraan- waa barnaamij sama fal ah oon ka wakiil ahay fiigoodana si joogta ah oon dibu dhac ku jirin aan u bixiyo, Jaamacaddana dhaqaale u soo hooya.

Arinka qiimahaa ii lahaa, een ahaa Gudoomiyihii Jaamacaddan ka hor laba bilood wax ka yar waxan qaadan waayay in inankii barnamajka hayay, oo shalay yimi, uu igu xushmeyn waayo laba daqiiqadood oon ardaydayda aan aadka u jecelahay  bogaadiyo iyaga iyo Maamulka Jaamacaddaba. Taasaa igu kaliftay inaan sheekadan dheer dadweynaha iyo masuuliinta dawladda u soo bandhidhigo si  ay u  ogaadaan ragga waxaa ku kacay,  ee wadamada Galbeedka ka yimi, inaan waxaasi dhaqan haboon ahayn maamul ahaan,  islaanimo iyo dadnimo toona, oo sinaba aan raali looga noqon karin, gefkaana ay raaligelin ka bixiyaan kana waantoobaan falalka caynkaas ah.

Waxaan rajeynayaa in Jaamacadda Hargeysa magaceedu kor noqdo, ardaydeeda, macalimiinteeda iyo maamulkeedana waxaan u rajaynayaa guul iyo horumar.

Wa Billaahi Tawfiiq.

Muse Adan Axmed

Gudoomiyihii Hore ee Jaamacadda hargeysa

Mob. 4126562

Anigoo ah Gudomiyihii Jaamacadda Hargeysa ee xilka wareejiyay muddo ka yar laba bilood horteed, marka hore waxaan salaamayaa oon hambalyo kal iyo lab ah u jeedinayaa 637 ka arday ee ka qalin jebisay Jaamacadda Hargeysa  maalintii Sabtidii, 15/9/2012. Waxaan jeclaa inaan hambalyadaa ka jeediyo madashii qalinjebinta laakiin fursad umaan helin anoo goobta joogay, codsadayna, si ay u dhacdayba.

Comments are closed.