Guddoomiyaha Guurtida Oo Soo Dhaweeyay Hadal Ka So Yeedhay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliya Oo Somaliland Ku Saabsan

0
620

 

guuritdHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Somaliya, waxaanu soo dhaweeyo hadalo ku waajahan Somaliland oo uu madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tiraabay.

 

Md. Saleban oo shalay ka hadlayay fadhigii golaha guurtida, wuxuu soo dhaweeyay hadalkaas madaxweynaha Somaliya oo nuxurkiisu ahaa inaan midnimadii Somaliya lagu soo celin doonin xoog milatari amaba cadaadis diblomaasiyadeed, “Nimankii reer Somaliya waa kuwaa doorashada galay, madaxweyne cusubna waa ay doorteen, wada hadalona waa ay inoo socdeen, iyada oo xukuumadahu ay hoggaaminayaan wada hadalada, hadal fiican ayuu ku hadlay ( madaxweynaa Somaliya ) aniga aragtidayda, mid kooban,hufan ayuu ku hadlay oo odhanaaya “ Somaliland waxaanu ku wada dhaqmaynaa siyaasada iyo wadahadal, dhibaatooyin loo gaystayna way jiraan wax shido, khasab iyo cudur ahna jiri maayaan.” Waa hadal hufan, inaguna waa aynu la wadaynaa, oo waynu soo dhawaynaynaa.” Ayuu yidhi Md. Saleban Maxamud Aadan.

Isagoo madaxweynaha Somaliya ka sii hadlaya wuxuu yidhi  “ Waa nin cusub, waxa la yidhaahdaa siyaasi-maaha, siyaasi hadaanu ahayn muxuu ka soo doonay, aniga waxa iigu horaysay markii liiska magaciisa laga yeedhinaayay, waar ninkan halkuu ka soo baxay baan lahaa, waayo nin aan maqli jirayba muu ahayn, laakiin markii danbe ee taariikhdiisa la sheegay nin muwaadin Somaliya ah, oo dalkaba aan kabaxin ayuu ahaa.”

Waxa kale oo uu Saleban Maxamuud Aadan, ka hadlay doorashada goleyaasha deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomi doonta.