Urur Siyaasadeed Cusub Oo Shalay Laga Dhawaaqay Dalka Ingiriiska

0
860

 

ururuLondon(Geeska)- Magaalada Birmingham ee carriga Ingiriiska ayaa lagaga dhawaaqay urur Siyaasadeed cusub oo magaciisu yahay Ururka Shaqaalaha Somaliland.

Ururkan oo ay ku dhawaqeen dhalinyaro aqoonyahan ah oo waddanka gudihiisi iyo dibaddaba ku sugan, ayaa siday siday ka shegeen goobtii xubnihii ku dhawaaqay waxaa inta badan hormuud ka ah dhalinyaro, waxayna shegeen in ururkoodu saxada ku soo kordhinaayo sidii dhalinyadu isaga dhex arki lahayd masraxa siyaadda Somaliland. Sidoo kale waxaa kamid ah mabaadiida ururkan in dhammaan dabaqadaha kala gedisan ee Somaliland uu danahooda ka shaqeeyo.

Haddaba markii uu dhammaaday kulankii lagaga dhawaaqaayay urur siyaasadeedkan cusub ayaanu wax ka waydiinay bal inuu tafasiil dheerada ka bixiyo Guddoomiyaha urur siyaasadeedkan cusub, Khaliif Maxamed Warsame (Khaliif Xinwaal) waxaanan ugu horeyn waydiiyay xubnaha misaanka leh ee ururkan ku jira, wuxuuna ku jawaabay "Urur" Siyaasadeedka Shaqaalaha Somaliland ujeedooyinka loo aasaasay waa qaar runtii ka duwan qababkii hore, ururkani waxaa awooda kobaad leh dhalinyaradda oo dee waxaa mushkiladba noqtay inay saxadii siyaasadda iska arkaan, Madaxweynaha Hadda Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) wuxuu wasiir ku noqday isagoo aan 30-jir gaadhin, maantana waad lasocota 50 jirkii ayaan waxba loo hayn ama la leeyahay wakhtigaagi may gaadhin, halka adduunka horu maray ay ka faa"iidaystaan xooga jiilalka cusub iyo dhalinyaradda, markaa ururkani dhalinyaradu door weyn ayay ku leedahay, way jiraan xubno miisan leh oo dhalinyaro qudhoodu ah oo ururkan ku jira iyo xubno kale oo yaguna miisan leh oo waddanka gudihiisa jooga, dad badan oo bulshada caan ka ahina way ku jiran lakiin maanta waxay ahayd uun ku dhawaqidii ururka".

Markale ayaan waydiinay Guddoomiye Khaliif Xinwaal waxay ku xusheen magaca Shaqaalaha oo badanaa ay labaxaan Xisbiyada waddamada rer galbeedku, wuxuuna ku jawaabay "Magaca shaqaalaha waa mid kulminaaya dhammaan qaybaha kala gedisan ee bulshada, badanaa waxaynu ka baranay in ururada iyo Xisibiya ay galaan dadka wax haysta ama dabaqadaha sare, annagu waanu ka duwanahay oo waxaanu u adegaynaa dhammaan dabaqadaha hoose dhexe sare ee ay Somaliland ka koobantahay. Ugu danbeyntii waxaan waydiinay Guddoomiyaha rajada uu ka qabo in la diwaan galiyo ururkoodan cusub, wuxuuna yidhi "Waxaan hanbalyeynayaa dadkii dareenkooda muujiyay iyo guddidii soo bandhigtay, waxaan sidoo kale rajaynayaa in Madaxweynuhuna isagoo ka dhabaynaaya ballan qaadkiisi wakhtigii ololaha doorashada uu ku jiray inuu saxeexi doono oo furidoono, marka kadib ayuunbay noqonaysaa diwaangalinta iyo wixii ka danbeeya".

Dhinaca kale Guddoomiyaha Ururkan Shaqaalaha Somaliland Khaliif Xinwaal ayaa ahaa ganacsade muddo dheer degenaa waddanka Britain , sidoo kale wuxuu ka soo jeeda qoys caan ka ah Somaliland, iyadoo abihii Xinwaal uu ahaa cuqaashii ugu horeysay ee gayiga Somaliland, isla markaana lasoo shaqeeyay dawladdii Ingiriiska oo xiligaas ay maxmiyad u ahayd Somaliland markii danbena ahaa raggii doorka weyn ka qaatay ololihii xoriyad doonka Somaliland.