Maxamuud Axmed Cali: “Sidaan Idiinku Lisay Iigumaydaan Hambayn” By:- Dr Saciid Sh Maxamed Cabdala

12
4948

DR.-SICIID-600x358Hooyaday, Allah ha u naxariistee, oo wacyi diiniya oo badan la hayd, buraanburi jirtayna, marka ay mid kamida caruurteeda u cadhooto, waxay ku odhan jirty “hadho rido” halka dumarka kale ay ka odhan jireen: “lagu qaad, balaayo kugu dhacday iwm”. Markaan yaraa waxan moodi jiray inay na habaarayso. Markaan waynaaday ayaan ogaaday inay noo ducanaysay oo ay lahayd magacaa ha jiray fal  wayn oo wanaagsan oo la idink xasuusto sameeya.  Allay lehe Maxamuud Axmed Cali, ayaa hadhoyin ritay (legacy).

Maxamuud Axmed Cali laba goor oo qudha ayaan arrigiisssa siwayn uga bogtay. Mar waxay ahayd maalintii dugsiga la iqoray, marka kalena waxay ahayd 1966 markii dawladii Cabdi Rasaaq Xaji Xuseen xidhay dugsiyadii sare (Post intermediate Schools) ee ku yaalay gobalada woqoyhi intoodi badnayd. Waqtigaa ayaanu banaan baxyo mudo dheer socday ardaydy ka samayse Hargaysa oo aanu u diidnay, xukuumadii woqiyaga joogtay oo Badasaabku ugu sareeyey, inay sifican u ladaan. Dabadeetana Xukumadii Cabdirsaaq X. Xuseen waxay soo dirtay Maxamuud Axmed Cali, oo waqtigaa shaqada ka fadhiyey si uu ardayda u dajiyo, mashkaladana u xaleeyo.  Maxamuud Axmed Cali dugsiyadii la xidhay oo qudha dib umuu furine, qaar kale oo cusubna wuu ku daray oo ay ka mid yihiin dugsia Farax Omaar ee Hargeisa iyo Camuud oo Intu markii hore ahaa in leeg lagu daray.

 

Maxamuud Axmed Cali, siday macalimiintayadu noo sheegi jireen, odayaashana anuu ka soo gaadhnay, nin amaanan ayuu ahaa. Anigana si gaar ah ayuu iigu calaamad sanaa oo aabahay Sheekh Moxamed Cabdalle ayey xidhiidh sokeeye lahaayeen, isaga iyo Xaji Moxamed Siraad oo labadooduba ahaa culimadii magaca wayn kula hayd wadanka, ee garabka iyo gaashaan ka u ahaa Mahamuud Axmed Cali, judhii marku bilaabay barnaamij kii tacliinta nidaamsan (formal education). Aabahay marka la soo hadal qaado Mahamuud Axmed Cali, amaantiisa afka ka muu dhigi jirin. Maxamuud Axmed Cali marka ardayda dugsiga la qoraayo iyo marka imtixaan ka loo yeedhinaayo, aabahay iyo Haji Maxamed Siraad sigaar ah ayuu u soo casumi jray, iyadoo waqtigaa laba dugsi oo hoose oo qudhi jireen Hargaysa (Fisher iyo Reece) oo imika la yidha Sheekh Bashiir  iyo Sheekh Cali Cismaan.

 

Maxamuud Axmed Cali wuxu aha nin dadka ay wada shaqayaan iyo kuwa yaqaanaba, ay aad u maamuusan. Malintii u geeriyooday June 3, ama 4, 1983 waxan joogay Abu Dhabi aanigoo sarkaal sare ka aha Abu Dhabi National Oil Co. (ADNOC). Waqtigaa magaaladda Abu Dhabi waxa booqasho ku joogay Xassan Cumar oo reer Borama ah,  oo ah oday Maxamuud Axmed Cali ardaydiisii ka mid aha, markii dhambena  ay wada shaqeeyeen. Hassan Cumar markaan fasal ka shanaad ku jiray, ayuu ahaa Agaasimaha Guud ee Tacliinta ee Gobalada Woqooyi, iya doo waqtigaa aanu jirin maamul midayaysan oo ka dhaxeeya labada gobal. Maalintii uu Maxamuud Axmed Cali geeriyooday, Alle Jannda Firdoosa ha geeyee, ayuu iga soo horbaxay Xassan Cumar isagoo geeriyeysan, markaasuu sedex goor igu yidhi maanta Aabihi tacliintaa ayaa geeriyooday, waa maalin madaw! waa maalin madaw! waa maalin madaw!

 

Waqtigaa waxan ahaa shir gudoonka SNM ee Abu Dhabai, laanta Emirat ka Carabta, kana mid ahaa ragii maal geliyey shirkii SNM lagaga dhawaaqay London.  Anigu rag aan ka mid ahay oo markaa SNM wada ahayn ayaa go’aan saday in xus taarikh nololeed kii Maxamuud Axmed Cali lagu qabto Jaaliyadda Somalidda ee Abu Dhabi. Waxaanu markaa u baahanay in aanu tariikhdiisii dhakhsoo inta suura gal ah ururino. Aniga ayaa markaa la xilsaaray in aan howsah ka soo baxo.

 

Nasiib daro Xasan Cumar markii ba Imaaraat ka Carabta wuu ka dhoofay. Cid kale oo Maxamuud Axmed Cali ay wada shaqeeyeen oo Imaaraadka ku sugan, maan kayga ku maan hayn. Waxan markaa ka maarmi waayey in la soo waraysto  Cabdirahman Axmed Cali (Cabdirahmaan Tuur), Alle ha u naxariistee, oo wagtiga aha danjiraha Somalia u fadhiya Imaaraatka Carabta. Cabdirahmaan Axmed Cali in kastoo uu aabahay sifiican u yaqaanay, aniga fool ka fool marna isu maanu arag. Wax aqoona oo aanu isu lahayn sidaas ayaanay uu jirin.  Markaa waxan u soo jeediyey gudidii qaban qaabada in cid ay is garanayaan Cabdirahmaan Axmed Cali u tagto oo soo xog waraysto. Markaa waxa qaraar lagu gadhay in cid la igu daro. Waxanu marka israacnay nin la yidha Cabdirahmaan Yusuuf Jaamac oo reer Burco ah, oo ay aad isu yaqaanayn Cabdirahmaan Tuur, gudida qaban qaabadana ku jiray, isla markaana ka mid aha Gudida Sare ee  SNM ee Imaaraat ka. Waxa kale oo la go’aan saday in la raadiyo cid sifiican u garanysaa Tarrikhdii Maxamuud Axmed Cali.

 

Cabdirahmaan Axmed Cali waxaanu ugu tagnay gurigiisii goor

fiida. Si wanaagsan ayuu noo soo dhaweeyey. Arrin kii aanu  u soconayna intii uu ka xusuuna si tafatiran ayuu nooga dhargiyey, iya doo aan mid kaayana marqudha hollan in aanu siyaasad wax iska waydiino.

 

Cajalad ayaan markii dhambe ku qabtay oo anigu codkayga ku duubay. Hase yeeshee, Axmed Cabdi Yare oo reer Burco ah, oo aan filaayo in ay Maxamuud Axmed Cali shaqda isku soo gaadheen, ayaa la hadlay Alle ha u naxariistee Nuur Xaji Jaamac (Nuur Caamiye) oo markaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Wasarada Taclinta ee Qatar fadhigiisu na aha Imaaraat ka shishe (Shariqa ama Ras Al Khimah). Nuur X. Jaamac oo u dhashy Magalada Sheekh, aan filaayana inuu ahaa maclimiintii faca labad ahaa sida Adan Baxnaan, wuxu ahaa nin si mugle u yaqaan Maxamuud Axmed Cali, mar uu ardaygiisii ahaa, iyo mar uu macalin ay wada shaqeeyeen ahaa ba. Ahmed Abdi Yare wuxuu u bandhigay Nuur Xaji Jaamac inuu ka hadlo taariikhdii Maxamuud Axmed Cali oo uu yimaado Abu Dhabi. Nuur markiiba wuu aqbalay. Isagoo aad ugu faraxsan abaabul kaanu wadnay, ayuu yidhi: “Mar Allaaliyo makaydin diyaar garawdaan isoo wargaliya waan imanayaaye”.

 

Intaa dabadeed waxa la ii xil saaray markale, in aan Gudida Jaaliyaadda Somalida ee Abu Dhabai kala soo hadlo in ay madasha noo ogalaadan si xusku halka uga dhaco,maadaama meel ka haboon oo hawshan lagu qaban karaa aanay jirin, goobtuna tahay xundhurta dadka Somaliyeed ee reer Abu Dhabi cidwalibana imankarto.   Gudida jaaliyadda aad baanu iskugu dhawayne. Waxan la kulmay:

 

Axmed Yunis, Gudoomiye Cali Kirish,  , Gudoomiye Ku-Xigeen

Cali Daraabilsi, Xubin Gudida Fulinta, oo aanu saxiib ahayn.

Xubna kale oo gudida fulinta ahina wajireen. Waxay se ahaayeen odayaal aan tacliin lahayn. Sidaa awgeed, sedexdaa nin ayaa siday doonaan Jaaliyadda arrimaheeda u maamuli jiray.  Nasiib daro, gudidii markaan arrinkii u bandhigay way igu  gacan saydheen.

 

Waaqtigaasi wuxu ahaa waqti adag, oo xidhiidh heer sare ah, oo kal gacayly ku dheehanyay ka dhexeeyey Maxamed Siyad Barre, iyo Alle ha u naxariistee Sheikh Zayid Bin Sultaan Al Hayaan, Madax Waynhii hore ee Imarataka Carabta isla markaanahaa Ameerka Abu Dhabi. Labada dawladood ba waxay baac sanayeen cid kastoo ku lugle arrimaha  SNM. Waxa waqtigaa kusugna magaalada Abu Dhabi,  baasaasiin fara badan oo Somaliyah oo wada shaqayni ka dhaxaysay sirdoon ka Imaartka Carabta. Waxa qudha ee loo ham iyo dig laha waxay ahayd in la qabqabto dadka SNM u olaleeyah si dhaqalaha Imaaraatka looga soo diro SNM uu isuu taago, dadka arrinkaa hormoodka ka ahna loo ciqaabo. Sidaas ayay noogu suurtoobi wayday in aanu Hotel kiraysano, xuska ku qabano.

 

Tan iyo Barigaa, waxan naawilaayey inaan abaabulo sidii loogu samayn laha Maxamuud Axmed Cali xus joogta’ah. Adan Baxnaan waan la soo qaaday arrinkaa si kooban mudo laga joogo sanad iyo badh,  waanu ila qaatay fikir kaa. Dad kale oo reer Hargaysa ah iyo qaarkale oo qorba jooga arrinkaa waan ku wargeliyey; dhamaantood way igu raaceen. Waxaan ku tala galay xuska Maxamuud Axmed Cali inaan anigu qabanqaabiyo sanad kan, laakin xalad caafimaad oo ila soo daristay awgeed oo aan wadanka dabadiisa u aaday, ayaan u tahli waayey inaan hawshii galo. Allah mahad le mar haduu waafajiyey dadka reer Somaliland in aay xuskaa qaaliga ah sameeyaan. Adan Baxnaan wuu ku mahad sanyey khudbada dhaxal galka ah ee uu madasha ka akhriyey. Ilaahay ajar badan haka siiyo dadka soo abaabulay iyo kuwa xuska ka qayb galay, iyo kuwa war baahinta kala socday ee u bogay.  Waxan se xusiinayaa Adan Baxnaan, markuu tirinaayey odayaashii Maxamuud Axmed Cali wax laqatay inuu iloobay:

Axmed Xassan Ibraahim, Sheekh Adan Hassan (Kulmiye), iyo Sheekh Mahamed Cabdalle oo dhamaantood kalin wayn ka soo qaatay bilowgiiba halgan taclinta ee u bilaabay Maxamuud Axmed Cali.

 

Maxamuud Axmed Cali wuu ka wayanyey  oo ka mudanyahay in xus kooban oo dhawr saacadood ah loo qabto.  Tarrikhda laguma hayo Maxamuud Axmed Cali inta uu wadankiisa u qabtay, nin in ku daw qabtay. Waxay ku haboonayd inuu xusku todbaad socodo. oo la soo casumu dadkii la shaqeeyey iyo kuwii soo gaadhay oo dhan. Maxamuud Axmed Cali kamuu qiima yareen Alle ha u naxariistee saaxiibkay Maxamed Mooge oo todobaad xuskiisu ka socday Ambassador Hotel, Hargaysa. Maxamuud Axmed Cali haduu goobtaa joogi lahaa wuxu odhan laha: “Sidaan idiinku lisay, iigu maydaan hambayn”. Hase yeeshee xuskani waa bilow, dad kii qaban qaabiyeyna waxba iskulamay hadhin, laakin wax badan ayaa ka qabyo ahaa uu loo baahanyahay door ka dambe la dhamaystiro.

 

Shirarkan oo kale oo laqabtaa wuxu dawo u yihiin oo durba meesha ka saartay tarrikhda runta ka fog ee soof dran habaabiska ah oo ay qoreen niman innala dhashay oo aqoonyahana ah (academic) sida Professor Cabdi Ismail Samatar.  Professor ku maqaal dheer oo uu ka qoray gobal Awdal “Somali Construction and Local Intiative: Amoud University”  wuxuu yidhi:

 

“Ali’s final stop was in Aw Abdi Sheikh Nur’s Madrasa in Borama.

He explained his secular education program for Somalis and his

Disappointing encounters in Berbera and Hargeisa. Aw Abdi told

Ali that he would call a meeting of town elders so that Ali could

directly present the issue to them. When Ali explained his ambition

at the elders’ gathering, they endorsed his mission.23 “Qabuul,” which means accepted in Somali, was the word the elders used to signal their approval. Ali was moved by the elders’ simple response and that approval marked a watershed in northern Somali educational history. Borama’s elders decided to try something, namely secular education, that the leading lights of the northern Somali community had rejected”. Page 116.

 

Professor Abdi Ismail Samatar, isagoo ka fa’idaysanaaya kayd la’aanta tarrikhda Somaliyeed, waxuu halkan ku xardhay inuu Maxamuud Axmed Cali dugsigii ugu horeeyey ee taclinta nidamsan, ka furay Madrasada Aw Cabdi Sheekh Nuur ee Borama markuu ka soo caal waayey hormood kii Somaliland ee reer bariga.  Anigoo aan marnaba qiima ridayn udaygaa Aw Cabdi Sheekh Nuur door ka wayn ee uu kasoo qaatay tacliinta wadankeena, gaar ahaanna gobol Awdal, hadana qoraal ka Professor ku wuu ka fogyey runta. Warqdda markii ugu horeysay een akhriyey, waxan u diray Adan Baxnaan si uu arrinka u hufo oo uu runta oga sheego. In kastoo aniga iyo Adan arrinkaa weli kawada hadal, haddna waxa uu sugay inay Maxamuud Axmed Cali iyo Yusuf Xaaji Adan dugsigii ugu horeeyey ka bilaabeen goobta dugsiga Sheikh Bashir ka didsnyey ee Hargaysa, dhinacana la qabteenYusuf Ismaiil Samatar, Maxamed Shire Gaab, iyo Cabdi Salaan Xassan, dhamaantood Alleh ha u Naxariisto oo Janada halka ugu saraysa ha geeyo. Sidaas ayey ku suganantay tarrikhdii anuu naqiin ee dadkoo dhami hayeen, tasoo ka duwan ta professor Abdi Ismail Samatar jeeb kiisa kala soo baxay, qalinkana ku duugay.  Haddi laga tegi waayo, Maxamuud Axmed Cali wuxu ahaa nin u helan in uu cidii tacliin ku hawlanba inuu caawiyo. Sida ku xusan booga ay qortay Fawziya Yusuf Xaji Adan ee magiciisu yahay: Taariikh Nolaleedkii Yusuf X. Adam, boga 30ad,

 

“Maxamuud Axmed Cali iyo Randall E. Ellison oo nin Ingiriisa ah oo laga soo badaly Nigeria, iyagoo laba duba Berbera ku sugnaa iyagoo shaqaala dawladeed ah, inay 1938 ku qanciyey X. Huseen X. Ducaale  madarasad uu  ku haystay Berbera loo badalo dugsi hoose. Markiibana X. Xuseen wuu ka aqbalay. Sedexdoodii bana  waxay ka noqdeen macalimiin”

 

Taasi waxay markhaati utahay in madarasadda X. Xuseen X. Ducaale ee Berbera ahayd tii ugu horaysay ee School laga dhigo isagoon maamulkii Ingriisku waxba ku darsan

 

Maxamuud Axmed Cali xuskiisu intaa ku ma dhamaan karo. Waa in umadda reer Somaliland magaca halyey gooda  kor u qaadaan si facba faca ka horeeya ugu hirtaan oo ku daydaan. Alle haduu  inna gaadh siiyo, xuska Maxamuud Axmed Cali ee kan xiga, waxaan ku talinayaa:

 

1.       In la soo casumo dad kay wada shaqeeyeen oo dhan iyo kuwa kale ee tarrikh diisa haya;

 

2.       In la diyaariyo qooraalo cilmiyaysan (scholarly papers) oo shakhsiyadiia taabanaya dhinac walba,

 

3.       In la qiimeeyo heer ka ay ku sugugantay taclinta Somaliland, yolka aynu higsanayno toban ka sano ee soo socda iyo carqalada horyaal.

 

4.       In Madax Waynahu u cayimo June 3 Maalinta Maxamuud Axmed Cali ee Tacliinta, oo sanad walba la xuso

5.       In maalintaa dugsiyada Somaliland odhan iyo Jaamicada khudbado Maxamuud Axmed Cali halgan kiisii ku saabsaan ardayda loo jeediyo.

 

Waxan ku soo gunaanadayaa baaq aan u jeedinaayo dadka tarrikhda Somalida daneeyaa inay isu tagaan oo iska kaashadaan sidii tarikhda saxda ah loo ururiyo intaanu sooyaalka Somaliyeed dabar go’in. Aniguna waxan ku yaboohayaa xarunta kaydka tarrikhda iyo cilmi baadhista. .Alleh dhamaanteen xaqa ha ina waa fagiyo.

Comments are closed.