Urdun: Muran Ka Dhashay Tirada Rakcadaha Taraawiixda Iyo Imaam Mar Keliya Dadkii Ku Daba Tukanayey Ka Dareereen Oo Ay Qasab Noqotay In Uu Kelidii Sii Wato

29
3386

Cammaan (Geeska)- Ramadaanka sannadkan ayaa uu murankii ugu badnaa ka dhex qarxay muwaadiniinta iyo dawladda dalka Urdun, kaddib markii wasiirka arrimaha diinta iyo Awqaafta ee dalkaas Mudane Cabdinaasir Abu Albasal soo saaray amar uu imaamyada masaajidda dalka oo dhan ku farayo in hadda laga bilaabo tirada rakcadaha salaadda Taraawiixda ee ay tukunayaan noqon doonto 20 rakcadood. Halka ay hore masaajidda dalkaasi si la mid ah dunida kale ee muslimkaba ku kala duwanaayeen tirada rakcadaha la tukanayo, oo ay jireen kuwo 20 tukada iyo kuwo 8 rakcadood tukada.

Arrintan ayaa abuurtay ay bulshada iyo culimaduba ku qaybsameen kuwo taageersan 20 ka rakcadood iyo kuwo ka soo horjeeda oo 8 ku adkaysanaya, waxa aana khilaafkaas aad looga dareemayaa baraha bulshada ee internet ka, gaar ahana Facebook iyo Twitter oo ay muwaadiniinta dalkani si aad ah aragtiyahooda is burinaya ugu soo gudbinayeen tan iyo bilowgii bisha soon.

Wasiirka ayaa go’aankiisan oo uu sida oo kale ansixiyey golaha fatwada guud ee dalkaas waxa uu ku yidhi, “Mad-habyada Ehlu Sunnuhu waxa ay isku raacsan yihiin in salaadda Taraawiixdu ay 20 rakcadood tahay” Iyada oo ay golaha fatwaduna taageeradooda arrintan ugu soo tusaale qaateen Xaramka oo rakcadaha taraawiixda laga tukadaa ay 20 yihiin.

Waxa kale oo uu wasiirku ku taliyey in wacdiga taraawiixda la dhexgeliyo la joojiyo si aanu waqtigu dadka ugu sii dheeraan, taas beddelkeedana wacdiga laga dhigo salaadaha duhurka iyo casar. Dhinaca kalana waxa uu imaamyada masaajidda ka dalbaday in ay dadka u fududeeyaan qur’aanka ay ku tukinayaan salaadda taraawiixda oo aanay rakcaduhu aad u dheeraan. Isaga oo imaamyada mawaajidda una digay in ay ka hor yimaaddaan go’aankiisa oo ay dadka tukiyaan taraawiix tirada rakcadaheedu ka yar yihiin 20. Isaga oo ka jawaabaya aragtida dadka qaar qabaan ee ah in ay salaaddu ku dheeraanaysana waxa uu yidhi, “Salaadda Taraawiixdu waa sunne, ee FAral ma’aha. Qof kastaana waxa uu tukan karaa inta uu awoodi karo oo keliya”

Dadka diiddan fikirkan ayaa ku doodaya in sida sunnaha ah ee nebiga ka sugani ay tahay in la tukado 8 rakcadood iyo 3 witir ah. Waxa kale oo ay ku doodayaan in marka waqtiga dalka Urdun la eego’ maadaama oo salaadda cishaayi la tukado 9 iyo badhka ay noqonayso in salaadda taraawiixda laga soo baxo 11 ka habeennimo iyo kaddib, taasina ay qofka ku tahay daal iyo in uu awoodi waayo. In arrintani ay run tahayna waxa ay marag uga soo qaateen masaajidda dalka Urdun oo si weyn looga dareemay in dadkii ku tukanayey ay yaraadeen intii ka dambaysay amarkan wasiirka.

In kasta oo imaamyada masaajidda dalkaas ay qasab ku tahay in ay fuliyaan go’aanka wasiirka ee ahaa in 20 rakcadood la tukado, haddana amarkaasi dadka masaajidda ku tukanaya kuma uu qasbi karin in ay iyaguna raacaan sida la faray oo ay tiradaas 20 ka ah dhammaystaan.

Arrimaha xiisaha leh ee amarka wasiirka kaddib soo baxayna waxaa ka mid ah in dadku ay 8 rakcadood ee hore oo keliya la tukadaan imaamka, kaddibna ay iskaga tagaan masaajidda. Filimkan hoos ka muuqda oo aynu ka soo xigannay BBC qaybteeda Carabiga waxa uu soo bandhigayaa imam ku jira rakcaddii Afar iyo tobnaad ee salaadda taraawiixda laakiin kelidii ah oo dadkii uu tukinayey ay dareereen markii uu gaadhay rakcadda Siddeedaad, laakiin isagu ku qasbanaaday in uu fuliyo amarkii wasiirka, sidaa awgeedna uu salaaddii kelidii sii waday intii ka hadhsanayd 20 ka rakcadood. https://www.youtube.com/watch?time_continue=72&v=GeegXsi4EHs

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here