UNSOM Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saartay Safarka Uu Ergaygoodu Ku Tagay Magaalada Muqdisho

0
565

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay dalka Somaliya soo gaadhay danjire Nicholas Kay, oo ah ergayga Qaramada Midoobay ay u ku bedeshay danjire Augusine Mahiga, waxaanu hoggaamin doonaa  Hawlgalka Qaramada  Midoobay u qaabilsan Kaalmada Soomaaliya (UNSOM).

Warsaxaafadeedka uu xafiiska UNSOM, shalay soo saaray oo nuqul ka mid ah uu xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa soo gaadhsiiyay Geeska Afrika, ayaa wuxuu u qornaa sidan: “Maanta [shalay], Qaramada Midoobay ayaa hawlgal cusub ka bilawday Soomaaliya iyadoo fulinaysa Qaraarka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 2102 ee 2dii bisha May, 2013. Hawlgalka oo la yidhaa Hawlgalka Qaramada  Midoobay u qaabilsan Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) ayaa isku mar laga furayaa magaalooyinka Hargeysa, Garoowe, Baydhabo iyo Muqdisho. Ergayga Gaarka ah ee cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG), Nicholas Kay, ayaa maanta yimid Soomaaliya si uu ula wareego xilkiisa isagoo ah madaxa UNSOM, wuxuunabooqasho ku tegi doonaa Hargeysa maalmaha soo socda.

Markii uu yimid, Md. Kay wuxuu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan joogo Soomaaliya iyo inaan helo fursad aan ku taageero dadka Soomaaliyeed si nabad, amni iyo barwaaqo dib loogu soo dabbaalo Soomaaliya.”

“Soomaaliya waa dal sharaf weyn lehna taariikh qotodheer, dhaqan niyadsamaan ah iyo qiyam adag. Marnaba ma illaawi doono arrintan aan soo sheegay intaan ku jiro taageeridda Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed oo nabad u ooman.”

“Waxaan bogaadinayaa Dr. Mahiga iyo shaqaalihii UNPOS. Waxay dhammeystireen hawshooda, waxayna ku faani karaan guulaha ay soo hoyeen. Maanta waxaa bilaabmay waa cusub oo u baryay Qaramada Midoobay iyo UNSOM oo ah hawlgal cusub.” 

“Arrintan waa fursad taariikhi ah. Dadka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin inay wax weyn fishaan. Markaa annaguna waa inaan han weyn lahaanaa. Waxaan ku hanweynahay oo aan rajaynaynaa inaan la shaqeyno mas’uuliyiinta dhammaantood oo ay ka mid yihiin madaxda Somaliland. Caqabadaha na horyaalla aad bay u badan yihiin laakiin waa inaan aad u shaqeynaa si aan fursadda uga faa’ideysano.”

 “Maalmaha soo socda waxaan la kulmi doonaa Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaa kaloon la kulmi doonaa saaxiibo badan oo kale oo ku hawlan taageerada waddanka, gaar ahaan bulshada rayidka Soomaaliyeed.”

 “Waxaan daneynayaa oo aan ku talajiraa inaan xidhiidh adag la yeesho dhammaan dadka ka shaqeynaya maslaxadda dadka Soomaaliyeed. Marka ugu horeysa, shaqaalahayagu waxay saldhig ka dhigan doonaan magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Garoowe iyo Baydhabo, waxaana ka go’an inay la shaqeeyaan dhigooda Soomaaliyeed.”

 “Dadka Soomaaliyeed waxay Qaramada Midoobaay weydiisteen wadashaqeyn cusub oo waafaqsan rabitaankooda. Wax qabadka Qaramada Midoobaay wuxuu noqon doonaa mid aad u midaysan loona wada dhan yahay, lehna waxtar dheeraad ah – kuna saleysan mabaadi’da wada shaqeynta dhabta ah ee Midowga Afrika iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya ee kale. Bulshada caalamku waxay aqoonsatay arrintan iyadoo u soo mareysa taageerada ay u fidinayso UNSOM.”

 Ergeyga Qaramada Midoobay wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Anigu shakhsi ahaan, waxaan si aad ah u aaminsanahay hawlgalkan, waxaana u hanweynahay hawsha aan qaban doono bilaha soo socda.”

UNSOM waa hawlgal cusub oo ah hawlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobaay oo hawshiisa bilaabay maanta. Waxaana xilkiisa ka mid ah inuu taageero dhismaha qaranka iyo nabadeynta, isagoo diiradda saaraya maamul-wanaagga, dibuhabeynta hay’adaha amniga, sharciga iyo kala dambeynta, xuquuqda aadanaha, dhexdhexaadinta, dibuheshiisiin siyaasadeed iyo isuduwidda kaalmada caalamiga.  Md. Kay wuxuu horey u ahaan jiray Agaasimaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortoyada Ingiriska, jagadaasoo uu hayey ilaa iyo sannadkii 2012. Jagadaas ka hor wuxuu safiir ka ahaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo sannadihii 2007-2010 iyo Suudaan sannadihii 2010-2012. Wuxuu kaloo ahaa isuduwaha arrimaha Koonfurta Afghanistan ee Dawlada Ingiriiska, iyo madaxa kooxda dib-u-dhiska Gobalka Heldmand laga bilaabo sannadkii 2006 ilaa sannadkii 2007. Bilowgii shaqadiisi ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Md. Kay wuxuu ka soo shaqeeyey jagooyin la xidhiidha siyaasadda iyo waddamada isagoo jooga magaalada London. Sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyay waddamada Spain iyo Cuba. Md. Kay , wuxu leeyahay xaas iyo saddex carruur ah.