Jaamacada Hargeysa Oo Daah Furtay Kuliyada Barshada Xoolaha Nool Iyo Daawayntooda

0
572

Hargeysa(Geeska)-Jaamacada Hargeysa ayaa daah furtay qaybta barashada xoolaha iyo daawayntooda ee Veterinary. Waxaana xaflad daah fur ah loogu qabtay qaybtan cusub ee ku soo koradhay kuliyda Sayniska hoolka jaamcada Hargeysa.

Qaybtan cusub ee Veterinary ayaa  jaamacada Hargeysa laga bilaabay laba sano ka hor waxaana haatan dhigta ardaydii u horaysay, balse jaamacadu waxay si rasmi ah imika u qabtay xaflada shaacinta furitaankeeda.

Ugu horayntoo hormuudka kuliyada Sayniska Pro.Axmed Maxamed Cadaad oo ka hadlay daah-forka qaybtan cusub ee lagu soo kordhiyay kuliyada Sayniska ee jaamacada Hargeysa ayaa yidhi “ Waxa loo wanqalayaa cilmiga barashada xoolaha iyo daawayntooda, iyaga oo sanadkii labaad ku jira ardayda lagu bilaabay, waxaana lagaga aflaxi doonaa shan sano. Markaan aas-aassayay waxaan eegay baahida ay bulshadu u qabto cilmigan waayo xoolahu waa laf-dhabarta dhaqaalaheena,sidaas daraadeed waa in la helaa dad dhakhaatiir ah oo ka qayb qaata taageeridooda. arinka labaad ee aanu ku aas-aasnay waxa uu ahaa inay ardaydan ay doorteen barashada cilmigan.”

Cabdikadiin Cali Cismaan oo ka mid ah ardaydan lagu bilaabay barashada cilmiga xoolaha iyo daawayntooda( Veterinary ) oo ugu horayntii tilmaamay muhiimada ay aqoontan dalka u leedhay iyo sida ay wax weyn ugu tarayso dhaqaalaha dalka oo ku tiirsan xoolaha nool, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Qaybtan cusub ee xanaaanda xoolaha ee la daah furay waxay dalka ka gali doontaa baalalka taariikhiga ah, waxaanan madaxda iyo cid kastaba ka codsanayaa inay is barbar taagaan aqoontan iyo ardaydan bilawga ahba.”

Agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada Md.Khadar Axmed Diiriye ayaa soo dhaweeyay  in jaamacada Hargeysa ay soo kordhisay cilmiga xoolaha iyo daaayntooda ( Veterinary) waxaanu balan qaaday in wasaarada waxbarashadu ay taageeri doonto jaamacada gaar ahaan kuliyada Sayniska.

Wasiirkii hore ee war-faafinta Md.Boobe Yuusuf Ducaale ayaa isaguna dhankiisa hanbalyeeyay ardayndan waxaanu u soo jeediyay sidii ay da’daal nololeed u muujin lahaayeen aqoontan ay barteena ay uga faa’idayn lahaayeen dalkooda iyo nafahoodaba.

Agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Dr. Maxamud Axmed Caga-weyne,  oo dhankiisa halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan aanay war u ahayn qaybtan xanaanada xoolaha ee ay jaamacada Hargeysa furtay, waxaanu xusay inay shaqaalaysiiyeen 150 arday oo Veterinary-ga ka soo bartay Dugsiga Sheekh,Jaamacada Burco iyo Itoobiya, waxaanu balan qaaday inay wasaaradoodu taageeri doonto ardaydan barnaysa cilmiga xoolaha iyo daawayntoodaba.