Umadda Reer Somaliland Oo Shalay Wacdaro Ka Dhigay 10 downing Street, Daawo Sawiradat

0
694

Siilaanyo-mudaharadLondon(Geeska)-Umadda reer Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska iyo wadamo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa shalay dibad bax balaadhan ku hor qabsaday xafiiska Raysalwasaaraha Ingiriiska hortiisa, halkaas oo lagu magacaabo 10Downing Street ee Magaalada London. Waxaanu socday ugu yaraan 8 saacadood oo xidhiidh ah.

2012-02-22 14.17.19

Dibad baxan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ay sameeyaan reer Somaliland, ayaa waxa ay beesha caalamka kaga dalbanayeen in la aqoonsado qarankooda mudada 20-ka sannadood ah soo dhisayeen, waxaanay farriintaas u dirayeen hoggaamiyayaasha ka socda beesha caalamka ee ka qayb galaya shirka maanta ka furmaya magaalada London. Dadweynahaas waxa ku biiray oo dibad baxa kala qayb galay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo si qiiro leh u dhex qaaday umadda halkaas isugu soo baxday oo ku sitay boodhadh iyo calamada qaranka Somaliland oo ay ku soo xardheen halku dhegyo ay ku dalbanayeen ictiraaf caalami ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Siilanyo ayaa isaga oo ay Wajigiisa ka muuqato farxad badani Waxa uu salaan Gacan qaad ah la dhex maray Banaanbaxyaashii reer Somaliland oo Tiradoodu kor u dhaafaysay Kumaanaan kun. Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa wuxuu gudaha u galay xafiiska Raysalwasaaraha Ingiriiska ee ay reer Somaliland hortiisa ku mudaharaadayeen, waxaanu kulan la yeeshay Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron, waxaana la sheegay inuu gacanta ka geliyay qoraal daaha ka qaadayay xaqiiqda Somaliland.

13

Dibad baxan oo qabsoomay iyadoo uu roob ka da’ayo goobtii ay ka mudaharadaayeen ayaa waxay shacabka reer Somaliland u muuqdeen kuwo aanu roobku damqayn, waxaanay ka koobnaayeen waayeel, dhallinyaro, haween, carruur iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo ku jeeni qaaran calanka Somaliland.

Qaar ka mid ah dadweynahan oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay inay shaqooyinkoodii iyo dugsiyadoodii waxbarasho u soo baylihiyeen taageerada qarankooda ay bulshada caalamku indhaha ka qabsatay, waxaanay sheegeen inay dalbanayaan ictiraaf caalami ah iyo taageero dhaqaale oo dalkooda la siiyo.

Geesta kale, shirkii uu Ingiriisku u qabtay Somalida ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada London, waxaana madaxda ka qayb galaysa ka mid ah Madaxweynaha Somaliland oo la filayo inuu halkaas khudbad ka jeediyo. Somaliland ayaa waxa gudaha shirkaga lagaga casuumay saddex xubnood kuwaas oo la sheegay inuu Madaxweynuhu u qorsheeyay inay ku weheliyaan wasiiradiisa arrimaha dibada iyo warfaafinta Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Axmed Cabdi Xaamsade.

Khudbadda Madaxweynaha oo uu ku soo ururin doono saddex daqiiqo oo ah wakhtiga wufuuda loo qoondeeyay, ayaa waxa la filayaa inuu ugu kala qaybiyo taariikhdii Somaliland soo martay, xaaladda ay maanta ku jirto iyo baaq uu u dirayo beesha caalamka ee shirkaas fadhida oo uu ka codsan doono inay ku dhiiradaan aqoonsiga qaranimada Somaliland.

2012-02-22 14.46.36

Si kastaba ha ahaate, dibad baxa shalay ayaa ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee ay sameeyaan qurbo jooga reer Somaliland ee Ingiriiska degeni, waxaana si weyn isha loogu hayaa shirka maanta ka furmaya magaalada London oo ay ka qayb galayaan in ka badan 40 dawladood oo ay ka mid yihiin xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka, Madaxweynayaasha Kenya, Djibouti, Yugaandha, Raysalwasaaraha Itoobiya iyo madax tiro badan oo ka socota wadamada Carabta iyo qaaradda Yurub.