Kumuu Ahaa Patruce Lumumba? Qalinka, Axmed M. Aadan Qaybe

0
1199

lumumbaMarkaan Muqdisho ku noqday Bishii August 1960 ayaa xukuumadii Kongo (Congo) ee Patrice Lumumba Somalia ku marti qaaday shir uu ku magacaabay Pan African Conference oo uu Lumumba taageero kaga doonaayay Dawladihii Africa khilaafkii u dhaxeeyay isaga iyo dawlada Belgium ee gumaysan jirtay Kongo (Congo) xidhiidhka Lumumba iyo madaxwaynayaashii Kosafubu uu aad u xumaa.

Dawladii Somalia waxay u dirtay shirkaas wafti uu hogaaminaayo Mudane Maxamed Cali Dacar oo ahaa wasiir ku xigeenkii arimaha dibada, waxaana xubnaha waftigaas ahaayeen aniga iyo Nicolina Maxamed oo labadayaduba ka tirsanayn Wasaarada Arimaha Dibada, waxaa na sii qaaday diyaarad DC3 ahayd oo ka tirsanyd Ciidanka Cirka ee Soomaalia oo ay duuliyayaal soomaaliyeed wadeen, kuwaas oo kala ahaa Duuliye Axmed Macaw iyo Duuliye ku xigeen Cali Jaamac

Markii aanu hawada Kongo (Congo) galnay xili fiidnimo ah maan helin cid na hagta, Tiraba laba goor ayaan siganay markii aanu ku dagnay gegida Diyaaradaha ee kinshaasa ma joogin shaqaale, mana jirin cid Dawlada ka tirsan oo garoonka nagu qaabishay. Xaalad fawdo ah ayaa wadanka ka jirtay Garoonka Diyaaradaha waxaan ka kiraysanay gaadhi yar oo bas ah intii aanu sii soconay jidka u dhaxeeya garoonka iyo magaalada ayaanu aragnay gaadhi noociisu ahaa Cadillac oo taagan meel cidlo ah oo wadada dhinaceeda ah Darawalkii baska ayaa nagu yidhi gaadhigaas waa kii Lumumba.

Haddii aanu eegnay waxa saarnaa Lumumba nin sarkaal ahna dibada kala sheekaysanayay Markii naloo sheegay wuxuu nagu yidhi isoo daba gala, waxa uu na geeyay Hotel uu nin Beligum ahi maamule ka ahaa,  Lumumba ayaa ku yidhi waftigan daji Hotelka laakiin wuu ka diiday. Runtii waxay ahayd arin aad uga yaabisay Lumumba wuxuu sarkaalkii la socday ku amray in habeenkaas nala dajiyo guryihii ay Belgiumku ka carareen subaxdii dambana naloo raro Hotel cusub oo dawladu lahayd (Hotel Memling) uu qolal nooga sii qaban doono

Wufuudii Africaanka markii shirkii u furmay waxay dood ka bacdi iska qaateen gudi dhawr wadan oo soomaalia ku jirto ka kooban, waxaana gudidaasu isla galinkii dambe la kulantay Lumumba waxay kula taliyeen maadaama aanay Madaxwaynaha isku wanaagsanayn inuusan ka hor iman dawlada Belgium, laakiin Lumumba oo ahaa nin madax adag wuu diiday waanadaasi.

Sida uu Lumumba galabtaas nagu yidhi khilaafka isaga iyo Dawlada Belgium waxa uu ku saabsan yahay Belgium oo doonaysay inay Gobolka macdantu ka buuxdo ee Katanga ka goyso Congo inteeda kale iyadoo adeegsanaysa Tchombe oo ahaa madaxwaynihii maamul goboleedkaas Dhibaatadii wakhtigaas ka bilaabantay dalkaas, sida la wada og yahay wali waa socotaa Lumumba isagoo cararaya ayaa lagu qabtay Stanly Ville oo magaaladiisii ahayd  dabadeed waxaa loo geeyay Tchombe oo baangad ku dilay

Waxaa xusuus mudan heestii abwaan Cabdilaahi Qarshe ee halku dhigeedu ahaa

Lumumba ma noola mana dhiman

Heestu waxay ku bilaabantay sidan

Ma noola mana dhiman

labadaa midna haw maleynina

Muuqiisoo la waayay mooyaane

 inuu maqan yahay ha moodina

 Waxa qoray Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)