Ingiriiska Oo Cadeeyay In Madaxweyne Siilaanyo shirka ka hadlay iyo falanqaynta war-murtiyeedka

4
643

422335_326259724087376_100001100538685_878623_1184577792_nLondon(Geeska)- Wasaaradda Arrimaha dibadda Ingiriisku waxa ay shalay bogeeda Internetka gelisay khudbadihii ay hoggaamiyayaasha dunidu ka jeediyeen shirkas, waxaana madaxda khudbadahooda  oo cod ah boggaas la geliyay ka mid ah Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Sida laga maqlayo codkaas, waxa Madaxweyne Siilaanyo inuu hadlo ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska Mr. William Hague oo shirka guddoominayay, waxaanu hadlay 04:17 (Afar minit iyo toddoba iyo toban sikin), waana marka laga reebo wakhtiga hadalka lagu soo dhaweeyay. Codka Madaxweyne Siilaanyo ee ay wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriisku baahisay ayaa wuxuu jawaab u noqonayaa su’aalo ay bulshadu iska weydiisay halka ay ku dambaysay khudbad ay xukuumadu sheegtay inay ku leeyihiin shirka Ingiriiska.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu khudbadiisa gun-dhig uga dhigay doonista shacabka Somaliland ee qaran madaxbanaan iyo weliba kaalinta uu ictiraafka Somaliland ka gaysan karo nabadaynta dalka Somaliya oo muddo 21 sannadood ah dawlad la’aan iyo jahawareer ku sugan.

Falanqaynta

Shirkaas oo saacado socday waxa laga soo saaray warmurtiyeed culus, waxaana qodobada ugu muhiimsan ee shirkaas ku jira ee khuseeya Somaliland ka mid ah qodob u dhignaa in la taageero wada hadalo dhex mara Somaliland iyo Somaliya si ay isul qeexaan mustaqbalkooda, wada hadaladaas oo ay bulshada caalamku taageeri doonto. Qodobkan ayaa wuxuu u muuqdaa mid ahmiyad gaar ah u leh Jamhuuriyadda Somaliland, tusaale ahaan waxa ay noqonaysaa in haddii uu wada hadal bilowdo in loo wada hadlo laba dhinac oo ah kuwii 1960-kii midoobay oo ahaa laba dal oo kala ahaa Somaliland iyo Somaliya, si ay uga wad hadlaan danahooda,  waxaanay tani meesha ka saaraysaa gobalada tirada badan ee uu dalka Somaliya u kala googa’ay 21-kii sannadood ee uu dawlad la’aan ku jiray iyo weliba aragtida ay siyaasiyiinta Soomaaliya qaarkood ku andacoodaan ee ah in loo wada hadli doono 18-kii gobol ee ay Somalia ka koobnaan jirtay. Haddii aynu si kale u eegno, waxa uu qodobkani cadaynayaa inay dawladda Somaliland metesho dhammaan goballada dhaca gudaha xuduuddii Somaliland ee Ingiriiska ka hadhay, waxaana ku jira kuwa uu sheegto maamul goboleedka Somaliyed ee Puntland. Qodobkan ayaa wuxuu sheegayaa inay Somaliland la hadli doonto dawladan ku meelgadhka ah ee Somaliya ama dawladda kale ee ka dambaysa, taas oo uu macnaheedu yahay inaanay Somaliland ka mid noqon doonin dawladaha ku meelgaadhka ah iyo shirarkooda lagu dhisayo taas oo ah arrin muhiim ah, maadaama oo Somaliland loogu baaqi jiray inay ka qayb gasho shirarka dawlada loogu dhisay Somaliya.

Go’aamada ka soo baxay shirka London waxa ay u quus goynayaan cid kasta oo tafaraaruq la rabtay Somaliland, sida kooxaha siyaasiyiinta ah ee dhawaanahan ku andacoonayey inay samaynayaan maamulo ka madaxbanaan Somaliland. Kooxahan oo filanayey in magacyo maamullo cusub oo ay sameeyaan u suurtogelin doonto inay ka qayb galaan shirarka arrimaha Soomaalida lagaga wada hadlayo.

Arrimaha kale ee qodobkan laga akhrisan karo waxa ka mid ah inay Somaliland iyo Somaliya ka wada hadli doonaan sidii ay isula meeldhigi lahaayeen mustaqbalkooda taas oo muujinaysa inay soo dhawaatay inay kala noqdaan laba dal oo kala madaxbanaan oo uu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo.

Waxyaabaha kale ee shirkan laga halacsaday ee khuseeya Somaliland waxa ka mid ah inuu noqday shirkii u horeeyay ee war-murtiyeedka laga soo saaray aan lagu bilaabin qodob cadaynaya inay qaranimada dhuleed iyo xuduudeed ee Somaliya muqadas tahay. Qodobkan ayaa ah mid caqabad ku noqday qaranimada Somaliland, waana markii u horaysay ee qodob noocaas ah laga reebo shir lagaga hadlayay arrimaha Somalida.

Waxyaabaha kale ee shirkan laga halacsaday waxa ka mid ah inuu Ingiriisku diyaar u yahay ilaalinta nabadgelyada iyo guulaha shacabka Somaliland, taas oo uu macnaheedu yahay inuu ka soo horjeedo wax kasta oo dhibaato ku keeni kara haykalka dawladnimo ee Somaliland.

Caadifadii xukuumadda

Iyadoo ay diblomaasiyiin badani shirkan ku tilmaameen mid lagu barbar istaagay guulaha reer Somaliland, ayaa waxa ay masuuliyinta xukuumadda ee Hargeysa iyo London ku kala sugani ku mashquuleen inay ka jawaabaan dareenka ka dhashay khudbadii Madaxweyne Siilaanyo kulankaas ka jeediyay, waxaanay gees mareen waxyaabaha kor ku xusan ee shirkaas ka soo baxay iyo inay dawladihii ka qayb galay kala xaajoodaan sii ambo qaadka arrimahan. Wufuudii shirkaas ka qayb gashay ee shisheeye oo markii shirku dhammaaday la kulmayay dhinacyadii ka qayb galay shirka, ayaa waxa ay masuuliyiinta xukuumadu xod-xodashada hoggaamiyayaashaas kaga mashquushay inay ka jawaabaan  hadal haynta ahayd in Madaxweynuhu khudbad shirka ka jeediyay iyo inaanu ka jeedin,  waxaanay isla habeenimadii magaalada London ku qabteen kulan ujeedadiisu ahayd in umadda lagaga dhaadhiciyo inuu Madaxweynuhu shirka ka hadlay, taas oo ahayd siyaasad ku salaysan aragti kambal daaq ah.

Gunaanad

Sidii natiijada Somaliland danta u ah ee shirkan ka soo baxday looga midho dhalin lahaa waxa looga fadhiyaa xukuumadda oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, kuwaas oo sida ay hadba u daba galaan uu midho dhal u noqon doono. Waxyaabaha kale ee Madaxweyne Siilaanyo looga fadhiyo waxa ka mid ah inay ka sii diyaar garowda shirka ay dawladda Turkigu kulankii khamiistii ku cadaysay inay qaban doonto bishan June, kaas oo loo baahanyahay inaan sida kan Ingiriiska lagu baraarugin ee laga tabaabushaysto qorshihii lagu waajihi lahaa iyo weliba inaanu xagal daacin war-murtiyeedka laga soo saaray shirkan Ingiriiska ku qabsoomay.

Comments are closed.