Umadda Reer Somaliland Oo Maanta London Wacdaro ka dhigaysa

0
597

London(Geeska)- Umadda reer Somaliland ayaa maanta xafiiska raysalwasaaraha Ingiriiska Mr. David Cameron ku hor qabanaysa dibad bax balaadhan oo ay ku muujinayaan qaddiyada madaxbanaanida Somaliland islamarkaana ku dalbanayaan in aqoonsi caalami ah la siiyo, waxaanay goobtaas taagnaan doonaan ugu yaraan 8 saacadood.

Dibad baxan ayaa qabsoomaya maalin ka hor shirka uu Ingiriisku u qabanayo Somalida oo beri oo khamiis ah furmaya, waxaana la qiyaasayaa inay ka qayb galaan in ka badan hal milyan oo ruux oo reer Somaliland ah oo sita calamada wadankooda Somaliland, waxaanay umaddaas tirada badani beesha caalamka weydiisan doontaa  in ay aqoonsadaan jiritaanka Somaliland, isla markaana ixtiraamaan rabitaanka shacbiga Somaliland sida uu dhigayo qoddobka caalamiga ah ee aayo-ka-tashiga ay ummaduhu xaqa u leeyihiin, waxaanay qaban qaabadiisu socotay muddo toddobaadyo ah oo umadda lagu guubaabinayay inay ka qayb galaan.

Dibad baxan oo la filayo inuu soo jiito indhaha warbaahinta u soo diyaar garowday ka qayb galka shirka Ingiriiska, ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku suganyahay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu kaga qayb galayo shirka uu Ingiriisku u qabanayo arrimaha Somalida, waxaana la filayaa inuu umadiisa kala qayb galo dibad baxaas.