Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa oo beenisay inay ciidamo dalkooda ahi fasax la’aan ku soo galeen Somaliland

0
590

Hargeysa, (Geeska)- Safaarada dawlada Itoobiya ku leedahay Somaliland ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaantay warar sheegayey in ciidamo dalkooda ka tirsani soo galeen magaalada xariirad oo ku taal gobolka Awdal, isla markaana ku tilmaamay in wararkaasi yihiin kuwa cadowga Somaliland iyo Itoobiya faafiyaan.

Mr, Taye Tesfaye, oo ah ku-xigeenka Qunsulka safaarada Itoobiya ee Hargeysa, oo wargeyska Geeska Afrika, wax ka weydiiyey  waxa ka jira warar sheegaya in ciidamo ka tirsan Itoobiya soo galeen Somaliland iyo sababta saraakiil Itoobiya ka tirsan hore loo sheegay inay yimaadeen magaalada Buuhoodle  ayaa ku jawaabay, “Markaan ka hadlo warkaa, wax macluumaad ah kama hayo, laakiin, waxaan kuu sheegayaa inuu yahay war ay sameeyeen cadowga labada dawladood Somaliland iyo Itoobiya. Ma jiro haba yaraatee ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gala xuduudka Somaliland ogolaansho la’aanta xukuumada Somaliland.”

Mr, Tesfaye oo la weydiiyey inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixin karo is-afgarad dhowaan wefdi uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Raysal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ku gaadheen kulan ay yeesheen ayaa sheegay, “Waxay ka wada hadleen sidii loo ilaalin lahaa xasiloonida  iyo amaanka gobolka, iyo sidii loo kobcin lahaa heshiisyada iskaashi ee labada dawladood u dhexeeya,”

Dhinaca kale, kulankii  ugu danbeeyey ee labada dawladood ku yeesheen Itoobiya ayaa la sheegayaa in qalinka lagu duugay heshiisyo lagu maalgelinayo mashaariic horumarineed oo dhowaan Itoobiiya ka fulin doonto Somaliland, balse aan la soo bandhigin tafaasiisha noocyada mashaariicdaasi noqon doonaan.