UK Oo Caddaysay Hannaanka Ay U Marayso Caawimada Somaliland, Kuna Ammaantay Nabadda Iyo Dumuqraadiyadda

1
896

Picture6London (Geeska)- Waaxda horumarinta caalamiga ah (DFID) oo dalka Ingiriiska u qaabilsan caawimada dibadda ee uu dunida ugu deeqo ayaa jamhuuriyadda Somaliland ku ammaantay nabadda iyo xasiloonida ka jirta iyo weliba nidaamka dowladnimo. Hay’adda DFID (UKAID) ayaa qoraal ay ku caddaynayso qaab-hawleedka ay u geli doonto caawimada uu dalka Ingiriisku ugu talogalay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya illaa sannadka 2015ka, waxa ay ku sheegtay in ay xaaladda Somaliland si gaar ah u waajihi doonto iyada oo weliba muhiimadda siin doonta sida ay dowladda Somaliland muhiimadda u kala siinayso qorshayaasheeda horumarineed.  Dhinaca kalana waxa ay hay’addu Somaliland aad ugu ammaantay nabadda iyo xasiloonida iyo dowladnimada ka jirta, iyada oo hoosta ka xariiqday doorashooyinkii shanta ahaa ee sida guusha ah uga dhacay Somaliland, oo mar ay barbar dhigaysay Soomaaliya ay qoraalkeeda ku tidhi. “Dhulka Somaliland waa meel aad uga nabdoon Soomaaliya inteeda kale, waxaa ka jira dowlad awood fiican u leh in ay dadkeeda wax-gaadhsiiso, in kasta oo baahida dhinaca horumarka ee Somaliland weli aad u sarrayso” iyada oo midhaha nabaddaa Somaliland ka dhalanaya ka hadlaysana waxa ay hay’addu qoraalkeedan ku tidhi, “Loollan iyo xasarad maalinle ah oo aan ka jirin dhulka Somaliland ayaa fursad u noqday in midhaha horumarinta la gaadhsiiyo, iyo in la xoojiyo xasiloonida ka jirta oo faa’ido u ah dadkeeda, gobolka iyo Ingiriiska intaba”

 

Qoraalkan waxa ay hay’addu si dadban iyo si toos ahba ugu xaqiijisay in barnaamijyadeeda caawimo ee ku aaddan Somaliland ay noqon doonaan kuwo ay si toos ah ugala shaqayso dowladda Somaliland, meelaha ay ka shaqayn doontana ay ka mid yihiin xoojinta nabadda iyo dhimista faqriga, waxa kale oo ay iftiimisay in caawimooyinkaas uu Ingiriisku ugu talogalay dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray ay isugu jirto mid uu si toos ah u siinayo maamullada kala duwan ee ka jira, mid uu kala shaqayn doono hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah sida UN-ta iyo bangiga caalamiga ah iyo mid uu dowladaha kale ee caawimada bixiya kula jiri doono, “Si loo abuuro nidaam caalamiya oo hannaan midaysan u maraya caawimada nidaamka siyaasiga ah, amniga, horumarinta iyo bani’aadamnimada” ayaa lagu yidhi warbixintan kooban.

Hay’adda DFID (UKAID) oo ku shaqaysa barnaamijka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Ingiriisku waxa ay sheegtay in ay ka qayb qaadanayso nidaam caawimo oo cusub oo lagu taageerayo deegaannada nabadda badani ka jirto ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, kana jiro nidaam dowladnimo oo dadkiisa adeegyo u fidinaya (Sida caafimaadka), iyada oo si gaar ah uga hadlaysa Somaliland-na waxa ay tidhi, “Waxa aanu hore ugu sii soconnay wacadkayagii ahaa caawinta barnaamijyada horumarineed ee Somaliland, taas oo isku duubi doonta iskuna  dubaridaysa caawimada ay deeq bixiyeyaashu siinayaan Somaliland”

Si kastaba ha ahaato ee waxa ay hay’adda DFID qoraalkeedan kaga digtay in xasiloonida ay Somaliland ku naalloonaysaa ay halis u tahay xasilooni darro iyo qaxoonti kaga soo gudba dhinaca Soomaaliya iyo weliba dhibaato ka dhalan karta xadka ay Somaliland ee ay Puntland ku muransan yihiin.

Comments are closed.