Wefti Ka Socda Kenya Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

0
693

Picture5Hargeysa (Geeska) – Afar xildhibaan oo  ka mid ah Baarlamaanka dalka Kenya iyo saraakiil uu ka mid yahay la taliyaha Madaxwayne ku xigeenka dalkaasi, ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Madaarka diyaaradaha Hargeysa, waxaana soo dhaweeyay xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Somaliland.

Weftigan ka socda dawladda Kenya, oo muddo saddex maalmood dalka joogi doona isla-markaana kulamo la yeelan doona Madaxwayne Siilaanyo iyo guddiyada labada gole baarlamaan, ayaa waxa markii ay ka soo daggeen Madaarka Cigaal, xildhibaanada soo dhaweeyay ay kula hadleen saxaafadda qolka nasashada ee Madaarka.

Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo ku hadlayay Magaca masuuliyiinta soo dhaweeyay ayaa yidhi “Anniga ku hadlaya Magaca Baarlamaanka Somaliland, waxaan soo dhaweynayaa wefti ka socda dawladda Kenya, khaasatan baarlamaanka Kenya iyo saraakiil kale oo ka tirsan dawladda Kenya oo uu ku jiro la taliyaha Madaxwayne ku xigeenka dalka Kenya oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland. Weftigu wuxuu ka kooban yahay 9 xubnood, afar xubnood oo baarlamaanka Kenya ah iyo shan xubnood oo isugu jira la taliyayaal Madaxwayne ku xigeen iyo saraakiil kale, waxay Somaliland joogi doonaan muddo saddex Maalmood ah, waxay booqan doonaan Magaalada Berbera, waxa kale oo ay booqan doonaan meelo kale oo taariikhi ah oo Somaliland ah, waxay la kulmi doonaan Madaxda qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxwayne Axmed Maxamuud (Siilaanyo), waxay la kulmi doonaan guddiyo wadajir ah oo kooban golaha baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada), waxayna dersi doonaan xaaladda dhabta ah ee Somaliland ka jirta, innaga ka qaran ahaan iyo ka dawlad ahaanba fursad weynbay inoo tahay inay inoo yimaadaan wefti heerkan oo kale ah oo ka yimaado dal miisaan culus ku leh bariga Afrika oo Kenya ah, Miisaan dhaqaale leh, Miisaan siyaasadeed leh oo arrimaha Soomaalida aad u danaynaya, inay qadiyadeena, dawladnimadeena iyo waaqaca Somaliland ka jira ay indhahooda ku arkaan ayaanu rejaynaynaa, markaa waxaanu ku soo dhaweynaynaa gacmo furan”

Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxa kale oo uu sheegay “Heshiisyo ayaa dhexe mari doono baarlamaanada Kenya iyo Somaliland, isfaham kale oo ganacsiga iyo nabadgalyada ayaa laga wada hadli doonaa” ayuu yidhi.