Dawladda Jabuuti Oo Jamhuuriyadda Somaliland Kaga Cabatay Koontarabaan Xad-dhaaf Ah Iyo Xukuumadda Oo Ka Jawaabtay

1
856

Picture7Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxda dawladda Jabuuti, ka dib safar uu toddobaadkan ku tagay Caasimadda dalkaasi ee Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa sheegay inay dawladda Jabuuti uga cabatay Kootarabaan faro badan oo dhanka Somaliland ka tagga dalka Jabuuti isla-markaana Somaliland ahaan u balan-qaadeen inaan kootarabaan dambe uga tagi doonin.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay qolka nashada ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya waxyaabihii ay ka wada hadleen Wasiirka Afrika u qaabilsan dawladda Ingiriiska ka dib safar ka jabuuti ka horeeyay oo uu ku tagay London, ayaa yidhi “Waxaanu isla afgaranay in Somaliland laga saaro talada odhanaysa yaan Somaliland iyo Soomaaliya la tagin, oo aan ka wada shaqeyno shaqaalahooda halkan (Somaliland) jooga iyo kuwa halkaa kale joogaa aanu sidii aanu arrinkaa u xalili lahayn aanu uga wadahadallo”

Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland, waxa kale oo uu sheegay “Waxa kale oo aanu kala hadalnay gooni isu-taaga Somaliland iyo waxa ummadda Somaliland goosatay, oo ah inay xornimadeedi deg-deg ah u hesho” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya kulamadii uu London kula yeeshay madaxda dawladda Ingiriiska “Waxa kale oo aanu la kulanay hay’adda DFID, baarlamaankooda iyo meesha la yidhaahdo Chautum House, intaaba waxaanu si aad ah ugu sharaxeynay qadiyadda gooni isu-taagu inay tahay wax umaddu goosatay oo u baahan la tixgaliyo”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, waxa uu ka hadlay kulamadii uu Madaxwaynaha iyo Masuuliyiinta kale ee dawladda Jabuuti kula yeeshay Magaalada Jabuuti “Aad iyo aad ayaanu uga wadahadalnay wax wada qabsi labada dal (Jabuuti iyo Somaliland) wada yeeshaan oo ay ka mid tahay dhaqaalaha, xagga jidadka, la dagaalanka budhcad-badeedka, la dagaalanka argagixisada, la dagaalanka kootarabaanka oo ay aad uga cabatay dawladda Jabuuti, in kootarabaan badan oo Sigaarku ka mid yahay uu xaggan (dhanka Somaliland) ka galo” ayuu ydihi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanuna balan ka qaadnay inaanu ka joojino kootarabaanka”

Comments are closed.