UK Iyo Somaliya Oo Muqdisho Ku Qabtay Kulan Lagu Dejinayo Ajandaha Shirka London

0
441

 

Muqdisho (Geeska)- Danjiraha Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Md. Matt Baugh ayaa shaaca ka qaaday in shirka 7da May lagu qaban doono London uu yahay mid ay ajandayaashiisa wada jir uga shaqaynayaan dawladdiisa iyo dawladda Soomaaliya. Waxa aanu sheegay in haddaba Muqdisho iyo London ay ka socdaan hawlo ay iska kaashanayaan labadaa dawladood oo ay ku dhamaystirayaan ajandaha la hor dhigi doono, shirkaas oo qaadhana caawimo loogu ururinayo Soomaaliya.

Waxa kale oo uu Matt Baugh sheegay in Muqdisho uu ka dhacay shir muhiim ah oo marka laga tago ajandaha shirka London wax yaabaha kale ee muhiimka ah ee lagaga wada hadlay ay ka mid tahay habka cusub ee hadda kadib loo mari doono caawimada dalkii hore la isugu odhan jiray Soomaaliya iyo weliba in la mideeyo caawimooyinka ay bixinayaan deeq-bixiyeyaashu si loo mariyo il keliya.

Dan-jire Md. Matt Baugh  ayaa qoraal uu isniintii toddobaadkii dhowaa ee 18ka March 2013ka ku faafiyey bogga uu ku leeyahay barta internet ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska, ayuu kaga sheekeyey kulan khamiistii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho oo sida uu sheegay wax yaabihii lagaga arrinsaday uu ka mid ahaa ajandayaasha shirka Soomaalida ee 7da bisha May lagu qaban doono magaalada London.

Matt Baugh waxa uu sheegay in dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ingiriisku ay marti geliyeen kulankan Muqdisho ka dhacay oo ay ka soo qayb galeen xubno muhiim ah oo ka tirsan bulshada caalamu, isaga oo hoosta ka xariiqay in goobtan uu kulanku ka dhacay ay muhiimaddeeda leedahay, maadaama oo uu yahay kulankii noociisa ugu horreeyey ee Muqdisho lagu qabto intii ay talada haysay dawladda Federaalka ah ee cusubi isla markaana uu astaan u yahay wejiga cusub ee uu qaatay xidhiidhka Soomaaliya iyo bulshada caalamku.

Dan-jire Matt Baugh qoraalkiisan oo dheeraa waxa uu ku sheegay in raysalwasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibadda Fawsiya Xaaji Aadan ay kulankaas ku furtay khudbad ay kaga warramayso guulaha iyo hiigsiga dawladda ay ka tirsan tahay. Matt Baugh waxa uu sheegay in xubnihii bulshada caalamka ee kulankaas ka soo qayb galay ay iyaguna dhinacooda ka hadleen sidii looga midho dhalin lahaa qorshaha lixda tiir ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo weliba arrimaha muhiimka ah ee uu xoogga saari doono shirka Soomaaliya ee magaalada London ka dhici doono 7da bisha shanaad. Arrimaas oo uu isku darkooda ku tilmaamay astaamo muujinaya horumarka ay dawladda Soomaaliya samaysay muddo ka yar afar bilood oo ay jirtay, sida uu qoraalkiisa ku sheegay.

Dhinaca kalana danjiruhu waxa uu sheegay in caqabadda ugu weyn ee shirka London hor taallaa aanay ahayn oo keliya ta ka imanaysa dhinaca Soomaalida balse sidoo kale loo baahan yahay in saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ay adkeeyaan isku xidhnaanta, iskaashiga iyo raadka ay ku yeelanayaan Soomaaliya.

Matt Baugh waxa uu qoraalkiisan ku sheegay in shirkan Muqdisho sidoo kale lagaga wada hadlay qaabka cusub e loo mari doono caawimada la siinayo waxa uu ugu yeedhay maamullada ka jira Soomaaliya oo ay ku jirto dawladda Federaalka ahi, iyo in la mideeyo deeq-bixiyeyaasha.

Dan-jire Matt Baugh waxa uu qoraalkiisan ku sheegay in toddobaaddada soo socda ay dawladdiisa iyo Soomaaliya iska kaashan doonaan sidii ay u sii saxar tiri lahaayeen ajandaha shirkaas, si marka London la isugu yimaaddo Toddoba toddobaad kadib loo helo sees run ah oo xooggan oo u dhexeeya bulshada caalamka iyo Soomaaliya. Isaga oo sheegay in koox ka socota labada dawladood oo Muqdisho, London iyo Nairobi ku sugani ay haddaba wadaan shaqo adag oo arrintan la xidhiidha. Ugu dambayntiina waxa uu Matt Baugh sheegay in ay hayaan jidkii ay shirka 7da May kaga dhigi lahaayeen mid si run ah u guulaysta, ugana midho dhaliya ajandaha wadaagga ah ee shirka.