HCTV Oo Xalay Dood U Qabtay Warbaahinta Dalka

0
546

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Telefishanka Madaxabanaan ee HCTV, ayaa xalay dood u qabtay qaar ka mid ah saxafiyiinta Somaliland, waxaana daadihiyay doodaas Maxamed Cabdi Ilig oo ah agaasimaha HCTV.

Doodaas xalay ka baxday Telefishanka ayaa noqon doonta mid  todobaadkiiba hal mar ka baxda Horn Cable TV, si uu isugu xidho Warbaahinta iyo Bulshada, waxaanu nuxurkeedu ahaa sida ay warbaahintu u gudbiso wararka la xidhiidha xaaladaha dalka.

Doodan oo ay ka qayb galeen Maxamed Cabdi Curad, oo ah guddoomiye xigeenka SOLJA, ahna guddoomiyaha wargeyska YOOL, Faysal Fadhfadhle oo ka socday warbaahinta dawladda, Guddoomiyaha wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuto) iyo Rooble Maxamed Saxardiid, oo ah saxafi madaxbanaan oo reer Somaliland waxa ay isku weydaarsadeen aragtiyahooda doorka xilligan ee saxaafadda Somaliland guud ahaanteed, waxaanay saxafiyiinta Barnaamijka ka qayb gashay sidoo kale ka hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka oo ay u muuqdeen inay ku kala aragti duwanaayeen.

Nuxurka Dooda ayaa ahaa Aragtida warbaahintu ka gudbiso dhacdoyinka Dalka, sida Amaanka, Shirarka Xukuumada ee dalalka dibada, Wada hadalada Somalia, amaanka iyo Musuqmasuqa, Barnaamijkani ayaa waxa xalay  muhiimada lagu saaray sida warbaahinta madaxa banaan kaalin muhiima uga qaato wararka iyo xogaha ay u baahanyihiin.
Barnamijkani waxa uu tilmaam toosa ka bixin doona Doorka ay warbaahintu ku leedahay Xaalda dalka isagoo noqon doona Madal aya warbaahintu kusoo bandhigto fikirkooda iyo hawlaha ay u hayaan Bulshada.