Shirkada HASS Petroleum Oo Bulshada Ugu Bushaaraysay Inay Jebisay Qiimaha Naaftada

0
641

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Shirkadda shidaalka ee HASS Petroleum, ayaa shacabka Somaliland ugu bushaaraysay inay jebisay qiimaha naafatada oo muddooyinkii ugu dambeeyay kor uga kacay suuqyada Somaliland.

Shirkadda HASS, ayaa hore u balan qaaday inay qiimaha naaftada jebin doonto, marka ay Berbera soo gaadhaan maraakiib shidaal u sida. Sidaas daraadeed guddoomiyaha shirkadda HASS Petroleum ee Somaliland Md. Cabdirisaaq Ibrahim Attaash, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay jebiyeen qiimihii naafatada, “Waxay shirkadda HASS Petroleum, hore ugu balan qaaday shacabkeeda inay jebin doonto qiimaha shidaalka. Sidaas darteed markabkii u horeeyay ee shirkadda shidaal u siday waxa haamaha shidaalka lagu shubay khamiistii, waxaanan qiimaha foostada naafatada ah oo hore u ahaa $ 195 ( boqol iyo shan iyo sagaashan Dollar), waxaanu ka dhinay $ 15 dollar, waxaanay foostada naafatada ahi hadda noqonaysaa $ 180 dollar (Boqol iyo sideetan Dollar).” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Somaliland ee shirkadda HASS Petroleum, waxaanu intaas raaciyay, “Markaas waxaanu shacabkayaga u shegaynaa inaanu ka soo baxnay waajibaadkayagii iyo balan qaadkii aanu samaynay.”

Mr. Cabdirisaaq, wuxuu sheegay inay maalmaha soo socda dekedda Berbera soo gaadhi doonaan maraakiib kale oo shidaal u sida shirkaddan HASS Petroleum, isagoo sheegay in shidaalkoodu yahay mid tayadiisu sarayso oo la soo hubiyay.