Meydhaanka Ereyada Soomaaliyeed Iyo Midnimo

0
564

Muuqaalka sare ereyadan Midnimo iyo Soomaaliyeed waxay inoogu muuqdaan laba erey oo Soomaaliyeed, xilliyada qaarkood se waxay noqdaan dawooyin la iskaga baanto laba xanuun oo reer Soomaaliya ka tallaabsan kari la' yihiin oo ay ku-celcelintooda isku maaweeliyaan, sidii hore loo sheegayna: "Maaweelo ma bogsiiso meel ku bugtoo, Ma bi'iso medadaalo murugada." Bal hadda weedhan aan daliil cad u raadinno innaga oo labadan xanuun xabbad-qaadayna.

bobeee

Soomaali waa magac ay wadaagaan dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Waxa dadkaa kulmiya afka, diinta, dhaqanka, deegaanka, caadooyinka, dhismaha jidhka, midabka iyo waxyaabo badan oo kale. Dadkaasi degello deris ah oo Geeska Afrika ku yaal ayay ku dhaqan yihiin. Marka ay maamul siyaasadeed oo dawladeed noqoto, wax mideeyaa ma jiro, waxaanay u kala baxaan: Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Jamhuuriyadda Jabuuti oo qowmiyado kalena ku nool yihiin, dawlad-deegaanka Soomalida Itoobiya iyo gobolka woqooyi-bari ee dalka Kiiniya oo ay dad Soomaaliyeed deggen yihiin. Waxa intaa soo raaca bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalal badan oo kale oo adduunkan aynu ku nool nahay ka tirsan. Soomaali iyo Soomaaliyeed dadkaas oo dhan ayaa wadaaga ee ma aha wax u gaar ah oo kooto ugu xidhan reer Soomaaliya.

Soomaliya waxa deggen oo ku nool reer Soomaaliya ama Soomaalida Soomaaliya oo ka mid ah Soomaalida. Waxa u dawlad ah ama maamul u ah dawladda Fedraalka ee Soomaaliya. Marka ay sidaas tahay waxa ka reebban in ay sheegtaan dawladda Soomaaliyeed illeyn Soomaali meel ay joogtaba dawlad uma wada aha e'. Waa mararkaa mararka ay ereyadani xanuunka noqonayaan. Waxay kugu dhego-barjaynayaan: dawladda Soomaaliyeed, Madaxweynaha Soomaaliyeed, dalka Soomaaliyeed, 72-guurada ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo tusbax taxan oo aynaan ka geyoonayn haddii aynu halkan ku tiriya  is-nidhaahno. Sidaas ayay iyaga oo aan dalkoodii iyo dadkoodii midnaba hanan u sheeganayaan Soomaali oo dhan oo Ilaahay badiyay,  magacoodana ku hadlaan kuna qadhaabtaan.

Ereyga midnimo isaguna wax jira ma aha ee waa magac la been-abuuray sagaashannadii. 1dii Juulay, 1960kii waxa dhacay is-raac ama isku-dar ay isugu tageen Somaliland iyo Soomaaliya iyaga oo raadinaya mideynta shanta Soomaaliyeed oo beryahaa kala ahaa: Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti, Ogaadeeniya ama Soomaali galbeed iyo gobolkii NFD ee Kiiniya. Waa fikrad ay aamminsanaayeen oo ay ka mideysnaayeen dadka Soomaaliyeed meel ay joogeenba. Si riyadaas loo rumeeyo ayay isugu darsameen ama isu-raaceen Somaliland iyo Soomaaliya. Geeddi-socodkaasi wuxu ahaa is-raac ama isku-dar dulucdiisu ahayd in la xaqiijiyo midnimada Soomaaliyeed oo shan qaybood ahayd sida ay tilmaamaysay xiddigta cad ee calanka buluukiga ah ku xardhani. Sidaas darteed arrinta midnimadu waa arrin u taal shantii Soomaaliyeed ee ku hadaaqi jirtay, arrinta is-raaca ama isku-darkuna waa arrin u taal Somaliland iyo Soomaaliya. Ina-sanweynana u gee, laaxin laga jari maayo.