Uhuru Kenyata Iyo Raila Odinga Oo Ugu Dambayn Ka Heshiiyay Xanaftii Doorashada Ka Dhalatay

0
532

Picture4Nayrobi(Geeska)-Madaxweynaha cusub ee Kenya iyo ku xigeenkiisa Uhurru Kenyata iyo William Ruto, ayaa Jimcihii qaabilay Murashixii ay sida adag u wada tartameen Raila Odinga iyo ku xigeenkiisii Kolonzo Musuyoka.

Mr. Raila iyo Kolonzo, oo xataa diiday inay goob joog ka noqdaan xafladii lagu caleemo saaray Uhuru Kenyata iyo ku xigeenkiisa, ayaa haddana Jimcihii la kulmay. Dad badan ayaa talaabadan u arka inay muujinayso bisaylka siyaasadeed ee hoggaamiyayaasha wadanka Kenya.

Waxa la sheegay inay labada dhinac ka wada hadleen sidii ay u midayn lahaayeen shacabka Kenya ee sida weyn ugu kala qaybsamay doorashadii dalkaas ka dhacday bishii hore ee March. Xisbiga CORD ee uu hoggaaminayay Mr. Raila Odinga, oo wakhtigan ah mucaaradka ugu weyn ee wadanka Kenya, ayaa balan qaaday inuu Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ku barbar istaagi doono sidii ay hawlahooda u  gudan lahaayeen.

Geesta kale Madaxweynaha cusub Uhuru Kenyatta, ayaa balan qaaday inuu wada shaqayn la yeelan doono madaxda xisbiyada mucaaradka.

Doorashadii Kenya ee uu ku guulaystay Madaxweyne kenyatta, ayaa waxa ku gacan saydhay Raila Odinga, oo ku dooday in lagu shubtay, waxaanu dacwad u gudbiyay maxkamadda sare ee dalkaas, taas oo aakhirkii iyaduna xalaalaysay natiijadii doorashadaas.