Madaxweyne Xasan Sheekh Muxuu Ka Yidhi Kulankii Uu La Yeeshay Madaxweyne Siilaanyo?

0
583

Picture3Geesta kale, Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna u waramay idaacadda VOA, ayaa ka hadlay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.  “Aniga iyo madaxweynaha amuuro aad u badan oo ku saabsan mustaqbalka dadka Soomaaliyeed ee ku nool geeska Afrika, gaar ahaan dalka Soomaaliya ayaan isugu nimid aad iyo aad ayaana uga wadahadalnay. Dhibaatooyin badan iyo duruufo horay u dhacayna way jiraan kuwo hadda taagan oo siyaasad iyo wax kale lehna way jiraan. Dadka waa dad walaalo ah masaaxil ayaana ka dhexeeya; khataro badan oo soo wajahaya oo ay tahay inay si wadajir ah uga gaashaantaanna way jiraan. Arrimaha aan kawada hadalnay siyaasad oo keliya ma ahayn dhaqaale ayay lahaayeen, amni ayay lahaayeen, meel fiican ayaana wax soo gaarsiinnay wax badanna way dhiman yihiin; arrimaha taaganna ma ahan kuwo si sahal ah lagu dhameyn karo, laakiin meeshii aan awal joognay waan isaga soo dhawaannay,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliya.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyay “Ujeeddadeena ugu weyn ee shirkan aan diiradda ku saaray waxay ahayd sidii ay gabadha Soomaaliyeed ee ariga ku raacaysa meel ka mid ah Somaliland ama Koonfurta Soomaaliya u heli lahayd caafimaad iyo meel ay ku dhaqso, sidoo kalena shacabka looga difaaci lahaa dhibaatooyinka ay Al-shabaab ku hayso.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gabagabadii sharraxaad ka bixiyay qodob ka mid ah qodobbadii lagu heshiisyay oo ku saabsan wadaagga deeqaha, isagoo sheegay inaanay  jirin wax diidaya in dadka ku nool Somaliland ay qaybtooda ka helaan deeqaha ay Soomaaliya hesho.