Mujaahid Cali-Gurey Oo Khasaare Ku Tilmaamay Muddo Kordhinta Loo Abaabulayo Golaha Wakilada

0
477

Picture5Hargeysa (Geeska) – Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa rejo aan fiicnayn ka muujiyey natiijada ay Somaliland kala soo noqon doonto wada-hadalada Soomaaliya ee Turkiga

Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee UCID, waxa uu sheegay in Somaliland looga baahan yahay inay qaadato go’aan rasmi ah oo qadiyadeeda ku meel-marinayso isla-markaana ay dalka dibada uga soo saarto dadka ajaanibka ah ama ay Somaliland isku dhiibto dawladda Somaliya.

Cali Guray oo shalay la hadlay Telefiishanka Madaxa-banaan ee HCTV ayaa isaga oo ka hadlaya waxa-hadallada Somaliland iyo Somaliya yidhi “Anigu ma arko wax faa’iido ah oo Somaliland ugu jira shirkan, inaynu ka wada baxno mucaawinada  Somaliya la leeyahay u daba fadhiista, in la ina yidhaahdo mucaawinada u daba fadhiista meel aan jirin, macnaheedu waxa weeyaan Somaliya ma khaldanayn oo waxay haysay wadadi saxa ahayd ee idinka (Somaliland) ayaa khaldanaa, waxaynu ku khaldanayna waxay ahayd in inaynu wax qabsanay oo itaalkeena ayaynu dedaalnay, waynu baahnayn ee way ina caawin waayeen, taasina waa dambi oo waxa lagu leeyahay maxaad wax u qabsatay, markaa anigu ma arko wax faa’iido ah, Somaliland-na waa inay go’aano adag gaadhaa oo ay qadiyadeeda si rasmi ah u difaacato oo ay ajaanibkan iyo hay’addahanba saarto oo aan wax la inoo yeedhin iyo inaynu is-dhiibno wax inooga dhexeeya ma jiro ayaan qabaa anigu”

Cali Maxamed Yuusuf, waxa kale oo uu eedaymo u jeediyay Golaha Wakiilada Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo lagu khasaaray oo baal-maray dhaartii ay shacabka u mareen “Aqalka Wakiiladu waa meel baab’baday oo hoogtay oo umaddan lugoysay oo ay ku jabtay, dad dhan oo ILAAHAY Magaciisa ku dhaartay oo been iyo khiyaamo qudha ku shaqeynaya oo cido gaar ah u shaqeynaya oo dadkii ay u dhaarteen aan u shaqeynayn, cimri dhararkoodu wax uu Somaliland u tarayo anigu ma arkayo, inaan doorasho qabsoomayna waanu arkaynaa, laakiin waxaanu jeclayn in lix bilood loo kordhiyo”ayuu yidhi