Ugaaska Sacad Muuse Oo Ka Hadlay Shir Loo Dhan Yahay Oo Beeshu Qabsato

0
525

Hargeysa (Geeska) – Ugaaska guud ee beelaha Sacad Muuse Ibraahin Axmed Kaahin (Jilba-dhige), oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay shirka Hoodaale ee beelaha Sacad Muuse, waxaanu sheegay inuu dhawaan qabsoomi doono shir loo dhan yahay oo ay ku midaysan yihiin beelaha Sacad Muuse.

Ugaas Jilba dhige, waxa uu sheegay inuu isagu toddobaadka dambe ku dhawaaqi doono shir guud oo beelaha Sacad Muuse qabsadaan, isaga oo dadwaynaha beesha ee gudaha iyo dibada dalka ku dhaqan ugu baaqay inay ku soo talogalaan shir loo dhan yahay.

Ugaaska, oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Wax khilaaf ah oo ka jira shirka beesha Sacad Muuse ma jirto,  shirkuna wuu soconayaa oo wuu dhacayaa waanu dhow yahay,  hawshii ayaa la  wadaa muddo dhowna aniga ayaa ku dhawaaqi doona, wax ka xumina ma jiro oo waa meel qudha oo dadku heshiis ku yahay”

Ugaasku wuxuu ka hadlay xubno ka mid ah guddida qabanqaabada shirkii hore la isugu khilaafay oo warbaahinta ka hadlay “Nimanka hadlay ee la idiin sheegay waa niman qayb ah oo gaar ah,  markaa kuwaas ayuunbaa hadlay manay ahayn inay hadlaane meel ayey ka dhaceen, waxaanan leeyahay ka waaqsada wixii aan dadka qaban,  ninka diidan in shirka Sacad Muuse uu mid qudha noqdo oo mid qudha la tago meel aad ku noolaan doonto mooyi,  haddii aad labadii aan u soconayn ee  baaba’ay doonayso mid qudha ayaa la helay oo lagu midaysan yahay, markaa Ummadda midaysan soo raac” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Anniga oo Ugaaskii reerka ah oo shirka hogaamin jiray oo xogogaal ah ninka hadlayaw sida aan wax u ogahay wax u sheegi maayo,  shirkuna wuu qabsoomayaa oo waa loo ducaynayaa cidda  dhex dhexaad ka noqotay ee shirkaas dhalisay ee dhex dhexaad ka noqotay ee adduunkeedii ku bixisay aad ayaanu ugu ducaynaynaa shirkana waa looga dhex ducaynayaa,  waxaanan leeyahay Sacad Muuse ka gudaha jooga iyo ka dibedda joogaba ha ku soo talo galo shirka wanaagsan ee midaysan ee dhowaanta dhici doona, kaas oo toddobaadka inagu soo socda lagu dhawaaqi doono, aniga ayaana ku dhawaaqi doona oo shirkii waa la fasaxay odhan doona”