Dhalinyaro Mutadawaciin Ah Oo Burco Ka Hirgaliyay Maxad Qayb Ka Noqda La Dagaalanka Tahriibka Iyo Shaqo-la’aanta

0
4495

Burco-(Geeska)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji, ayaa xadhiga ka jaray machad cusub oo loogu talogalay in uu qayb ka qaato la dagaalanka Tahriibka iyo shaqo-la’aanta aafaysay dhalinyaradda Somaliland gaar’ahaan gobolka Togdheer.

Maxadkan oo ay hirgaliyeen dhalinyaro mudadawaceen ah oo reer Burco ah oo loo bixiyay Machadka Kobcinta Xirfadaha Shaqo ee dhalinta waxa furitaankiisa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay laamaha gobolka Togdheer oo uu horkacaayay Badhasaabka gobolkaas,Waxbarashadda ,Qaybaha bulshadda ,Aqoonyahano ,Culimo-awdiin iyo Marti Sharaf kale.“ Waxa maanta farxad  noo ah in aanu halkan ka furo Maxad aan hore loogu arag , dalka Somaliland ,kaasi oo aanu ugu talogalay in ardaydda Jaamacadaha ka qalinjabiyay ama dugsiyadda sare iyo waliba shaqaalaha Dawliga ah in aanu ku tababaro Xirfadaha shaqo iyo qaababka  loo raad-sado.Run’ahaantiina waxaanu qabnaa in uu Maxadkani qayb libaax ka ciyiraai-doono shaqo abuurka dhalinyaradda gobolka Togdheer oo ay saamayn laxaadleh ku yeelatay shaqola’aanu ,taasi oo sababtay in ay Tahriibaan oo ay badaha shisheeye ku daataan “ Sidaasi waxa yidhi maamulaha Machadkan Iid Ismaaciil Cabdi .waxaanu intaasi raaciyay furitaanka maxadkani in ay ku kaliftay markii ay ka dhiidhiyeen Shaqo la’aanta dhalinta reer Burco aafaysay ee Tahriibka sababtay oo ay ku naf-waayeen dhalinyaro badani.

Gudoonka waxbarashadda gobolka Togdheer Proff. Cabdi Axmed Siciid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi. “Waxaan ku amaanayaa dhalinyaradda keentay fikirkan  in xirfadaha la baro dhalinyaradda ay aqoontooda ku kabana si ay u bartaan wadooyinka loo maro shaqooyinka ,markaa anagu Wasaarad’ahaan ilaa heer wasiir waanu soo dhaweynaynaa waxaananu maxadkan u aqoonsanaynaa in uu ka mid yahay Dugsiyadda ka jira gobolka Togdheer.”

Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Dugsigan cusub iyo shaqooyinka uu qaban-doono ,waxaanu u balanqaaday isaga iyo shaqaalihiisuba in ay ka qaybqaadan-doonaan Xirfadaha iyo tababarada uu bixin-doono.