Shirweynihii KULMIYE Oo Uu Wakhtigiisii Soo Dhowyahay , Hoggaanka Xisbiga Oo Ku Hawlan Guddiga Qaban-Qaabada Iyo Xumada Loolanka Oo La Dareemayo

7
575

Picture8Hargeysa(Geeska)-Iyadoo shirweynaha KULMIYE uu ku mudaysanyahay inuu qabsoomo dabayaaqada bisha December ee sannadkan, ayaa waxa bilaabmay shirar u socda hoggaanka xisbiga oo la xidhiidha u diyaar garowgiisa iyo magacaabista guddiga qaban qaabada shirweynaha.

Shiweynahan, oo ah shir muhiim ah waxa ay u dhowdahay in si rasmi ah loogu doorto guddoomiyaha KULMIYE iyo weliba murashaxiinta madaxweynaha iyo kuxigeenka ee  xisbiga u tartami doona doorashada madaxtooyada ee 2015. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, waxa shalay shir isugu yimid xarunta xisbiga; hoggaanka xisbiga, kuwaas oo ka arinsanayay u diyaar garowga shirweynahaas iyo weliba magacaabista guddiga qaban qaabada. Guddiga qaban qaabada waxa magacaabi doona hoggaanka xisbiga, waxase ansixin doon guddiga fulinta ee xisbiga oo ka kooban 29 xubnood. Laakiin waxa la sheegay in magacaabista guddigan ka hor la buuxin doono jagooyinka dhawr xubnood oo ka maqan guddiga fulinta, kuwaas oo qaarkood ay ka baxeen xisbiga, qaarna geeriyooday.

Geesta kale, waxa isa soo taraya guux iyo loolan laga dareemayo u diyaar garowga shirweynaha oo ay daruuri tahay in xisbigu ku caleemo saaro murashaxa iyo guddoomiyaha xisbiga ee shanta sannadood ee soo socda. Lama oga in Madaxweyne Siilaanyo mar labaad noqon doono murashaxa xisbiga ee doorashada dambe ee madaxtooyada iyo inuu kursiga banayn doono, waxase qodobkaas oo kala cadaadaa uu saamayn ku yeelanayaa loolanka murashixiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka ee xisbiga. Tusaale ahaan haddii uu Madaxweyne Siilaanyo go’aansado inuu isu sharaxo doorashada dambe ee madaxtooyada, waxa suurto gal inay koobnaadaan murashixiinta isku dayi doonta inay gudaha xisbiga kula tartanto, waxaana la ogyahay in wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale uu horeba u cadeeyay inaanu la tartami doonin Madaxweyne Siilaanyo, balse uu baratanka ka qayb geli doono haddii uu Madaxweyne Siilaanyo tartanka ka hadho.

Hase yeeshe, haddii  uu madaxweyne Siilaanyo go’aansado inaanu doorashada dambe isa soo sharixin, waxa ay xaraarada loolanku tagi doontaa meel sare, ragga sida la saadaalinayo uu loolanka ugu adagi dhex mari doonaana waxay kala yihiin guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa isna suurtogal ah inuu tartanka ku biiro wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo haddii uu tartanka ku soo biiro labadan siyaasi ee horeba ku keeni doona miisaan culus oo siyaasiya.

Lama saadaalin karo ninka ay guushu raaci doonto, waxase la inshaari karaa inay guushu raaci doonto hadba ninka uu Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiiradiisa khusuusiga ahi ay dhabarka ka taabtaan.

Sidoo kale, waxa la sii odorosi karaa in loolankaasi uu xisbiga gudihiisa ku keeni karo khilaaf siyaasadeed oo saamayn taban ku yeesha xukuumadda iyo dalkaba. Si kastaba ha ahaate inta badan dadka siyaasadda xiiseeyaa waxa ay si weyn u dhowrayaan shirweynaha xisbiga KULMIYE iyo natiijada ka soo baxda, iyadoo la ogyahay in shirkoodii golaha dhexe ee u dambeeyay uu ka dhashay khilaaf iyo murano siyaasadeed.

 

wixii waddo la xidhay, hadaan wax la wada qaban waxba ma qabsoomayaan ee gacmaha aynu is qabsano”

 

Comments are closed.