Ugaaska Cabdalla Sacad Oo Madal la isku arkay lagu caleemo saaray

0
1429

DSC07691Hargaysa(Geeska )- Xaflad caleema saar ah oo aan nooceeda hore loogu arag wadanka, ayaa shalay si aan loo kala hadhin loogu caleema saaray Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xasan ( Xawaareeye ).

Ugaaskan ayaa ay caleema saarteen beesha Cabdalle Sacad oo ka mid ah Beelaha Sacad, waxaana munaasabadda lagu caleema saaray si weyn uga soo qaybgalay Salaadiinta Somaliland oo uu gadhwadeen ka ahaa Suldaanka Guud ee beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Cuqaasha beesha Cabdalle Sacad, oday dhaqameedyo,wafti wasiiro ah oo ka socday dalka Jabuuti, tiro wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland,Xildhibaano,xubno ka tirsan xisbiyadda qaranka iyo waliba ururada cusub, ganacsato, shaqsiyaad muhiima oo ka tirsan isla beesha iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Maxamed Cabdi Ismaaciil oo ahaa guddida qaban qaabisay xafladan lagu caleema saaray Ugaaska, ayaa daboolka ka qaaday in markii ay dhinacyo badan ka eegtay beesha Cabdalle Sacad iyo cuqasheedu ay garwaaqsadeen in beeshu ay u baahantahay inay yeelato Ugaas, si ay ula jaanqaado waaqaca wadanka ka jira, taasina ay keentay caleemasaarka Ugaas Cabdilaahi Cabdi xasan Xawaareye.

Xafladan lagu caleema saaray Ugaaska oo ku qabsoontay hotel Maansoor ee magaaladda Hargaysa, ayaa ugu horayntiiba waxa Ugaaska la geeyay goob ku dhex taala hotelka oo uu ka dhisanaa Aqal Somali lagu camiray qalabka hidaha iyo dhaqanka, waxaan Aqal Somaligaas lagu soo siiyay caano isla arkaasna waa loogu duceeyay, waxaana loogu ciyaaray ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo xiiso badnaa.

Intaas kadib waxa Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xawaareeye loo soo gubiyay hoolka, waxaan goobtaas ku sugaayay dhamaan marti sharaftii u timi caleema saarkiisa. Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xasan Xawaareeye waxa cumaamadda caleema saarka dusha ka saaray Sheekh Aadan Siiro,  waxaana hareero taagnaa markaas suldaanka guud ee beesha Subeer Awal, suldanaka Guude ee beesha Samaroon iyo garaad ka soo jeedo beelaha Harti. Caleema saarkaas kadib waxa Ugaaska salaan kuboobay inta badan dadkii mudnaa ee caleema saarkaas ka soo qaybgalay.

Suldanka guud ee beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa si rasmiya xaflada caleema saarka ah ugu qiray inuu  aqoonsaday Ugaaska Beesha Cabdalle Sacad, waxaanu hanbalyo iyo amaanba u soo jeediyay Ugaaska “Runtii farxad weyn ayay ii tahay inaan ka soo qaybgalo xafladan caleemo saarka ah ee Ugaaska Beesha Cabdalle Sacad, waxaan hanbalyo u soo jeedinayaa ugaaska cusub ee beesha Cabdalle Sacad Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xasan.Aniga oo ku hadlaaya afka saldanada guud ee beesha Subeerawal waxaan aqbalay maanta oo an qalbi furan ku saxeexayaa go’aanka beesha Cabdalle Sacad ay ugu garteen Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xasan inuu ugaas noqdo, waanan gudoomay, waxaanan ku soo dhawaynayaa qalbifuran iyo gacmo furan.” 

Suldaanka guud ee beesha Samaroon Suldaan Jaamac Ibraahin Samatar, oo dhankiisa xafladaas caleema saarka ah ka hadlayay ayaa hanbalyeeyay Ugaaska, waxaanu si cad u sheegay in ay beesha Samaroon ay aqoonsatay Ugaas Cabdiraxmaan Cabdi Xasan, isla markaasna ay la shaayn doonaan.

Garaad ka soo jeeda beelaha Harti oo magaciisu yahay Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale, ayaa isaguna soo dhaweeyay Ugaaska cusub, waxaanu amaan iyo hanbalyo u soo jeediyay beesha Cabdalle Sacad.

Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xasan Xawaareeye, oo soo xidhay xafladaas lagu caleema saaray ayaa umahadnaqay beeshiisa soo dooratay,qaybahii bulshada ee xafladaas ka soo qaybgalay, isaga oo si gaara ugu mahadnaqay waftigii wasiirada ahaa ee ka yimi Jabuuti iyom marwadda koowaad ee dalka Jabuuti, waxaanu balan qaaday inuu dhex noqon doono, isla markaasana raaci doono wadadii ay mareen madaxdhaqameedkii wanaagsanaa ee isga ka horeeyay.