Maxkamadda Gabiley Oo Ka Garnaqday Dacwad U Dhaxaysa Wiil ka soo jeeda beelaha la hayb sooco iyo qoys uu gabadh ka guursaday

2
838

xukun1Gabiley(Geeska)-Maxakamada degmada Gabiley ee gobalka Gabiley ayaa ka garnaqday dacwad ka dhex oognayd Waalidiinta lamaane is guursaday oo ka soo kala jeeday mid ka mid ah beelaha la hayb sooco oo Gabiley degen iyo beel kale oo degen gobalka Awdal.

Waalidiinta gabadha dhalay ayaa magaalada Gabiley u yimid sidii ay gabadhooda uga kaxaysan lahaayeen wiilka la soo tagay oo lagu magacaabo Mr. Khadar Mooge Mursal, waxaana markii ay labada reer ee wiilka iyo gabadhu ka soo jeedaan xasaasiyadi ka dhex dhalatay, ay ciidamada Boolisku Salaasadii xidheen  lammaanahan, waxaanay shalay kiiskooda u gudbiyeen maxkamadda degmada Gabiley. Dooda labada dhinac waxa dhagaystay Garsoore Faysal Cabdillaahi Ismaaciil, waxaanay Boolisku maxkamadda u soo bandhigeen inay labada qoys isku hayaan waan geyaa iyo ma geydid oo ah dhaqan aan diinta Islaamka meelna ka soo gelin oo lagu takooro dad muwaadiniin ah oo muslim ah. Garsooraha ayaa gabadha oo lagu magacaabo Faysa Cali Ibrahim, waxa uu weydiiyay dareenkeeda iyo sida ay u aragto doodda qoyskooda, waxaanay sheegtay inuu Md. Khadar yahay ninkeeda oo ay jeceshahay, waxaanay maxkamadda ka hor qiratay inay ninkan muddo is qabeen oo ay uur u leedahay. Intaas ka dib ayaa wuxuu Garsoorihii maxkamadu amray in faraha laga qaado wiilka iyo gabadha, waxaanu ciddii ku doodaysa inay xuquuqi kaga maqantahay guurka labada dhinac ka dalbaday inay dacwad madani ah maxkamadda ka furtaan.

Garsooraha maxkamadda Mr. Faysal Cabdillaahi Ismaaciil, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inuu shalay go’aankan gaadhay.

 

Mr. Khadar Mooge Mursal, oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay la xidhiidhay ayaa sheegay inuu gabadhan ku qabo shareecada Islaamka, sabab loogu diidaana aanay jir mar haddii ay iyadu ogoshahay. “Maxkamadu waxay gaadhay go’aan waxaanay tidhi faraha halagala baxo lamaanahan.” Ayuu yidhi Mr. Khadar.

Mar aanu weydiinay sida uu dareenkiisu yahay wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay go’aanka maxkamadda, waxase uu sheegay inuu naftiisa u baqanayo, “Imika waxaan u baqayaa naftayda, waxaanan codsanayaa in ammaankayga la ilaaliyo.”

 

Sida uu Khadar sheegay, gabadhii waxa la geeyay xaafad gaar ah oo lagu ilaalinayo halka uu isna xaafadoodii joogo. Mar uu wargeyska Geeska Afrika isku dayey in uu la xidhiidho qoyska gabadha umay suurtogelin.

 

Geesta kale, sheekadan ayaa waxa ay shalay si weyn ugu faaftay magaalada Gabiley, waxaanay dadweynuhu si weyn u faaqidayeen qisadan.

Comments are closed.