Ethiopian Airlines oo duulimaadyadeedii Hargeysa dib u bilaabaysa

0
795

Addis Ababa, (Geeska/Nazret)- Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadii ay ku iman jirtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa 10 June, 2012.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay shirkada diyaaradaha Itoobiya, oo lagu baahiyey barta netkooda, ayaa lagu sheegay in diyaaradoodu ku iman  doonto duulimaadyo toos ah saddex jeer aroornimadii iyo afar jeer gelinka danbe iyadoo isticmaalaysa diyaarada Q400 aircraft.

 

Ilaa, markii la joojiyey duulimaadyadii diyaaradaha Itoobiya ku iman jireen Hargeysa November 2008, rakaabka isaga gooshayey Addis Ababa iyo Hargeysa ayaa adeegsan jiray dhinaca dhulka.

Dib-u-bilaabtanka duulimaadyada shirkada diyaaradaha Itoobiya ayaa lagu sheegay inay sare u qaadi doonto xidhiidhkii iyo ganacsigii u dhexeeyey labada shacab, isla markaana u sahli doonto in dalxiisayaasha ka yimaada Barriga dhexe, Afrika, Yurub iyo Maraykanka soo gaadhaan Somaliland.

Shirkada diyaaradaha Itoobiya, oo ka mid ah kuwa ugu balaadhan qaarada Afrika, ayaa la sheegay inay duulimaadkoodii caalami ee ugu horeeyey ku tagtay magaalada Qaahira sannadkii 1946, halka xilligana ay duulimaadyo caalami ah ku tagto 65 magaalo oo ku baahsan afar qaaradood oo aduunka ka mid ah.

Dhinaca kale, madaarka Cigaal airport, oo ah halka duulimaadyada diyaarada Itoobiya iman doonto ayaa hawlo dib u habayn iyo balaadhin xaga dhabaha diyaaraduhu ka soo fadhiistaan la filayaa in dhowaan laga bilaabo, taasoo weli aan caddeyn.

Waxa warsaxaafadeedkan Geeska Afrika soo gaadhsiiyay Cumar Siciid Ducaale, oo sheegay inay Ethiopian Airlines u soo wakiilatay inuu baahiyo warkan.