UDUB Oo Mar Kale Cod Dheer Ku Qaadacay Doorashada Deegaanka

0
504

Picture3Hargaysa( Geeska )-Xisbiga Mucaaridka ah ee Udub ayaa mar kale ku  celiyey inay qaadacayaan doorashada golaha deegaanka ee dhawaan lagu wado inay dalka ka qabsoonto, waxaanay si adag ugu celceliyeen in anaay ka noqonaynin go’aankoodaas.

 

Masuuliyiinta xisbiga Udub oo  shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa, ayaa ku eedeeyay komishanka doorashooyinka qaybo kamid ah inay go’aan loo yeedhiyay ka gaadheen arintooda, sida oo kale waxa ay beesha caalamka ka codsadeen inay soo dhex galaan doorashada golaha deegaanka ee Somaliland oo uu xisbiga Udub ku tilmaamay mid aan laysu joojinaynin.

Ugu horayn waxa shirkan jaraa’id ka hadlay wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadii Daahir Riyaale, isla markaana ah musharaxa u taagan jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Udub Axmed Xaaji Daahir waxaanu sheegay in go’aanka xisbiga Udub aanu ka noqosho lahayn waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Maanta markii aanu dib iskugu noqonay xubnaha xisbiga Udub intiisii madaxda ka ahayd iyo intii gobolada iyo degmooyinka madaxda ka ahayd waxaanu mar labaad ku celinaynaa inaan go’aankayagii ahaa in xisbiga Udub  uu qaadacay doorashooyinka golaha deegaanka oo aanu galaynin in aanu ka noqosho lahayn, sababtuna waxa weeye waxyaabihii foosha xumaa ee lagula kacay xisbiga ee ka yimid dhinaca xukuumada iyo guddida diwaan galinta oo markii ay bilaabantay musharaxiinta xisbiga Udub  soo fara galiyey  xisbiga.”

Sidoo kale Siciid Sulub Maxamed oo isaguna shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa ka war bixiyey qoraalo ay u direen madaxtooyada iyo guddida doorashooyinka qaranka oo ay kaga codsadeen in dib loogu dhigo wakhtiga la qabanayo liiska musharaxiinta golaha deegaanka   “Waxaanu qoraal u qornay komishanka doorashooyinka qaranka, waxaana ku saxeexnaa qoraalkaas gudoomiyaha xisbiga Udub,markii aanu qoraalkaas u qornay komishanka doorashooyinka waxaanu ka codsanay  inay marka hore naga bogsiiyaan dhawaacii ay na soo gaadhsiisay guddida diiwaangelintu iyo inay noo kordhiyaan mudada loogu  tala galay in la qabto liiska musharaxiinta doorashada golaha deegaanka oo naluugu-dara mudo laba todobaad ah.”

Siciid sulubub oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey   “Markii aanu ka wada hadalnay arintaas guddida doorashooyinka may fogaynin arintaas, waxaanu ka codsanay inay guddida noo fadhiisiyaan oo arintaas nagu kabaan codkoodana  maqashiiya umadda inaan Udub la laalin, waxaanay nagu yidhaahdeen  arinta xisbiga Udub waanu ka fadhiisanaynaa.Waxaanu ogaanay markii ay warqada noo keeneen inaan guddida doorashooyinka qaranku aanay ka fadhiisan arintayada ee cid khaasi ay go’aan gaadhay, sababtoo ah guddida doorashooyinka xubno ka mid ayaa nagu yidhi waanu idiin kordhinaynaa mudada, gudoomiye ku xigeenka komishanka ayaana ka mid ahaa oo nagu yidhi ugu yaraan toban cisho ayaanu idiin kordhinaynaa, markaa qayb ka mida komishanka doorashooyinka ayaa gaadhay qaraar ay leeyihiin maalin idiinku dari mayno, madaxtooyaduna qoraalkii aanu u gudbinay ilaa imika wax jawaab ah kamay soo  bixin.”

Siciid Sulub oo hadalkiisa sii  wata ayaa waxa uu ka hadlay go’aanka uu xisbiga Udub gaadhay “Markii aanu ogaanay inaan xukuumadii,guddidii diwaan gelinta iyo komishankii doorashooyinka qaranku aanay u kala hadhin xisbiga Udub ee ay ugu tala galeen inay reebaan, waxaanu go’aansanay inaan xisbiga Udub galin doorashada golaha deegaanka.”

Sidoo kale Siciid Sulub waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay soo dhex galaan doorashada golaha deegaanka oo uu sheegay in lagu wado hab aan isku joojis lahayn.

Xisbiga mucaaradka ah ee Udub ayaa ay tan iyo intii lagaga guulaystay doorashadii madaxtooayda laba sano ka hor waxa soo wajahaayay guul darooyin siyaasadeed, waxaanu xisbigu tahli waayay inuu soo bandhigo musharaxiintii ugu tartami lahayd doorashada golayaasha deegaanka oo maalin kadib uu leeskoodu xidhi doono.