Madaxweynaha Cusub Ee Somaliya Wuxuu Ku Hadlay Luuqad Diblomaasiyadeed

0
472

Picture2Hargeysa(Geeska)-Oday Axmed Maxamed Aadan(Qaybe) ayaa sheegay in luuqadii uu Madaxweynaha cusub ee Somaliya ku cabiray qaddiyadda ka dhaxaysa Somaliland iyo Somaliya markii uu ku jiray ololihii doorashadu ay tahay luuqad diblomaasiyadeed.

 

Madaxweynaha Somaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii uu jeediyay khudbadiisii murashaxnimo ee uu ku xod-xodanayay Baarlamaanka Somaliya ee dooranayay, wuxuu sheegay inaanu aaminsanayn in Somaliland iyo Somaliya dib la isugu celiyo qori caaradii. Laakiin Oday Qaybe ayaa luuqadaas ku tilmaamay mid diblomaasiyadeed.

Waxaana qoraal uu Axmed Maxamed Qaybe soo saaray shalay uu ku yidhi “Madaxweynaha Somaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ku hadlay luuqad Diblomaasiyadeed. Waa runtii oo Somaliland iyo Somaliya qori caaradii laguma midayn karo. Laakiin wuxuu ogyahay oo dugsanayaa inaanay Somaliland midaysnayn oo Harti ka maqanyahay, iyagoo ay u ficantahay inay Somaliland ka mid ahaadaan, waayo hore ayaa loo yidhi ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto. Markaadse sidaas ku tidhaahdid waxay kuugu jawaabayaan Isaaq oo midaysan ayaa kala noqoshada Somaliland iyo Somaliya doonaya ee Daarood in la kala qaybiyo ma ogolin. Markaas aniga odoroskaygu waxa weeye in si arrinkan xal loogu helaa ay adgtahay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan kula talinayaa bal adna isku day, waayo isku daygaa ka fiican inaad isku dayi weydo.”