Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Soo Saaray Digreeto Uu Ku Mamnuucayo Inay Masuuliyiinta Dawladu Ku Ololeeyaan Lacagta Iyo Gaadiidka Umada

0
523

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa soo saaray digreeto Madaxweyne oo la xidhiidha doorashada goleyaasha deegaanka iyo weliba in ololaha doorashada lagu galo hantida dawladda.

 

Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, ayaa wuxuu ku sheegay inay digreetada Madaxweynuhu mamnuucayso in masuuliyiinta xukuumadu heer kasta oo ay leeyihiin ku ololeeyaan hantida dawladda sida lacagta, gaadiidka iyo IWM. Laakiin go’aanka Madaxweynuhu wuxuu ku soo beegmayaa wakhti ay wasiiro badan oo xukuumadiisa ka tirsani safaro ugu baxeen gobalada iyo degmooyinka si ay xisbiga KULMIYE ugu soo xulaan murashixiin doorashada uga qayb gasha iyagoo isticmaalaya gaadiidka dawladda iyo weliba hantida qaranka. Warsaxaafadeedkaas lagu sharxay digreetada Madaxweynuhu wuxuu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay N0:  0264/092012, ku dhaqan geliyey Wareegtadan. “

Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu arkay:     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay:   Qodobka 12 aad , faqradiisa 2 aad ee Dastuurka                    Jamhuuriyadda Somaliland.                                  

Markuu arkay:    Qodobka 14aad  ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista

         Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda

Xeer Lr. 14/2011

Markuu arkay:     Qodobka 12 aad , faqradiisa 5 aad ee Xeerka Doorashooyinka

             Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr.20/2001

 

Markuu arkay;     Qodobka 30aad ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha

         Deegaanka iyo Madaxtooyada Xeer Lr. 20/2001

 

Markuu Tixgeliyey:    Habsami-u-socodka Doorashooyinka, Hannaanka

Dimuqraadiyadda iyo dhex-dhexaadnimada. 

Wuxuu soo Saaray

Wareegtadan Maamul oo ka reebaysa;

Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, Ururada aan Dawliga ahayn, Shaqaalaha Dawladda, Xubnaha Ka tirsan Garsoorka, Xeer Ilaalinta, Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka; 

In ay ka mid noqdaan ama ku lug yeeshaan arrimaha Axsaabta/Ururada Siyaasadda, isla markaana u ololeeyaan, taageeraan ama ka soo horjeestaan Xisbi/Urur Siyaasadeed.

 

In dhammaan Mas’uuliyiinta Xukuumadda heer kasta oo ay leeyihiin ku ololeeyaan hantida Dawlada; sida, Lacagta Dawladda iyo Gaadiidka Dawladda.

 

In Boodhadhka iyo Waraaqaha Ololaha Doorashooyinka lagu dhejiyo Gaadiidka Dawladda, Masaajidada, Xafiisyada, Xarumaha Diblamaasiyiinta iyo Ururada Caalamiga ah. “