UCID Oo Dibad Bax Balaadhan Ku Samaysay Magaalada Burco

0
570

Burco(Geeska)–Wafti ka tirsan Xisbiga UCID oo uu hugaaminaayo musharaxa Jagadda Madaxweynanimo ee xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa taageerayaasha UCID ee gobalka Togdheer  kala qaybgalay banaanbaxa kaambaynka doorashada  golaha deegaanka Degmadda Burco oo ay shalay Wacdaro ka dhigeen. .

 Masuuliyiintan sar sare ee Xisbiga UCID ee uu horkacaayay Jamaal Cali Xuseen  ayaa taageerayaashooda gobolka Togdheer  oo ay kula hadleen Sayladda Xoolaha Burco oo ay maanta taageerayaasha ururkaasi banaanbax balaadhan ka sameeyeen ku booriyay in ay codkooda isla garabtaagaan musharixiinta golaha deegaanka Degmadda Burco  si uu Xisbigoodu u guulaysto isla markaana uu ka mid noqdo Sedexda Xisbi Qaran ee soo hadhaaya. “ Walaalayaal  waxaad na tusteen taageerada uu Xisbiga UCID ku haysto magaalada Burco ,waana mid aan la dafiri Karin waxaaney na galasisay rajo weyn ,waana mid Xisbiga soo saari-doonta ,walaalayaal waad ogtihiin in maanta Xisbi lagu dagaalamaayo xisbigii soo bixi-lahaa ,waxaananu usoo xulay magaalada Burco musharaxiin qiimo iyo qaayo leh oo dad wanaagsan ah ,balankeenuna waxa weeye waa in aynu musharixiinta soo saaraa waa in aynu Xisbiga soo saaraa ,waaney cadahay in uu Xisbiga UCID ka midnoqon-doono Sedexda Xisbi qaran ee soo baxa waxaanu xisbigu taageero ka haystaan bulshada reer Somaliland Bari ilaa Galbeed “ Sidaasi waxa yidhi musharaxa Jagadda madaxweynaha u taagan ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo la hadlaayay taageerayaashiisa Burco .waxaanu intaasi ku daray oo uu u mahadnaqay taageerayaashiisa gobolka Togdheer.

 Sidoo kale  Xoghayaha arimaha gudaha ee Xisbiga UCID Cabdi Maxamuud Saleebaan (Mingiste) oo isna halkaasi kala hadlay ayaa ku hambalyeeyay taageerayaasha Xisbiga UCID ee xarunta gobolka Togdheer ee Burco wacdaraha ay ka muujiyeen banaanbaxii maanta .

 Geesta kale musharaxiinta golaha deegaanka Burco ee Xisbiga UCID oo iyana halkaasi kula hadlay taageerayaashooda Burco ayaa soo bandhigay barnaamikooda siyaasadeed ee ay ku horumarin-doonaan adeegyada Bulshada Degmadda hadii ay guulaystaan .