Madaxda Shirkadda General Energy Kulana La Yeeshay Madaxweynaha Somaliland

0
471

Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wefti sare oo ka socda Shirkada General Energy oo dhowaan hawlo sahan baadhis shiidaal ka bilaabi doonta Somaliland.  Wefti ka socday shirkadan ayaa hore u soo booqday Somaliland.

Weftigan Shirkada General Energy oo u hogaaminayey Tony Howard, Agaasimaha Fulinta ee Shirkadaasi  oo shalay ka soo degay madaarka magaalada Hargaysa ayuu ku qaabilay Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha Iyo Tamarta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale .

 Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Muddane Xuseen Cabdi Ducaale iyo Agaasimaha Fulinta ee shirkadaasi Tony Howard oo warbaahinta kula hadlayay markii uu dhamaaday kulanku ayuu , Xuseen Cabdi Ducaale,wasiirka macdanta iyo biyuhu sheegay in socdaalka weftigani yahay kii u horeeyay ee noociisa ah isla markaana ay dalka u yimaadeen hawl galo dhinaca baadhista Shiidaalka iyo Sahamintiisa.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in sannadka soo socda ay shirkadani si rasmi ah dalka uga bilaabi doonto qodista ceelkii ugu horeeyay ee shiidaal laga baadi goobayo,isagoo intaas ku daray in rajada somaliland ee Shiidaal helistu ay tahay mid aad u saraysa.

Agaasimaha Fulinta ee Shirkada Genel Energy Mr Tony Howard ayaa isaguna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sida qiimaha leh ee Xukuumada Somaliland u soo dhawaysay isaga iyo weftigoodaba.

Waxa uu sarkaalkani xusay oo kale inay si niyad sami ah u sii ambo qaadi doonaan hawlaha Sahaminta Shiidaalka isla markaana ay ku maal gelinayaan lacag ka badan Afartan Milyan oo dollar waxaanu u rajeeyay Shacabka Somaliland inay u soo saari doonaan Shiidaal Sannadka 2014ka .

Wasiirka wasaarada arrimaha dibada ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay inay u tahay Somaliland guul u soo korodhay,maadaama laga dhabaynayo in la soo saaro Shiidaalka oo ka mid ah Khayraadka uu dalkani leeyahay 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Xubnaha Weftigu waxay ka wada hadleen arrimaha baadhista iyo sahaminta shiidaalka,iyadoo ay Madaxweynaha Gudoonsiiyeen Bilad ay Shirkada General Energy ku maamuustay .