“Inaga Dawlad Ayuu Wada Hadal Inaga Dhexeeyaa Oo Ah Dawladda Somaliya, Yaan La Isku Mashquulin Yaa Wasiiro Ka Ah Halkaas Ee Aynu Garteena Muujino”

1
3522

 

cawilHargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadii hore Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa bulshada Somaliland u soo jeediyay inaanay isku mashquulin cidda uu Madaxweynaha Somaliya u magacaabayo golihiisa xukuumadda, isagoo sheegay inaanay cid kasta oo Somaliland ka soo jeeda oo ka mid noqota  golaha wasiirada Somaliya aanay waxba yeeli karin wada hadalka u bilaabmay Somaliland iyo Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa golihiisa xukuumadda ee cusub ku daray marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxaanay magacaabisteedu abuurtay dood xataa gaadhay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka hadasho. Qaar badan oo ka mid ah bulshada Somaliland ayaa ku dooday inuu Madaxweynaha Somaliya ceel dheer ku riday wada hadal dhex mara labada dal, maadaama oo uu muwaadinad reer Somaliland ah u magacaabay xilka ugu culus dawladiisa. Hase yeeshe Ambassador Cawil, oo shalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, ayaa soo jeediyay inaan la isku mashquulin shakhsiyaad balse culayska la saaro xoojinta garnaqsiga Somaliland, . “Inaga dawlad ayuu wada hadal inaga dhexeeyaa oo ah dawladda Somaliya, qadiyadeenuna waa mid cad, wada hadal ayaynu la galaynaa dawladaas Somaliya.” Ayuu yidhi Md. Cawil, oo la hadlayay Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay , “Inaga inooma taalo dawladaas aynu wada hadalka la galayno yaa ka wasiiro ah, iyagana uma taalo yaa Somaliland wasiiro ka ah, markaas inaga waxa inoo taala inaynu wada hadalkaaas u diyaar garowno oo aynu garteena muujino, oo aynu walaalaheen Somaliya ku qancino inaanay waxba u dhimayn Somaliland oo qaran noqotaa balse ay wax u soo kordhinayso.”

Md. Cawil, oo la weydiiyay dareenka bulshadu ay ka qaadato cidda lagu soo daro dawladda Somaliya ee u dhalatay dalka Somaliland, wuxuu yidhi, “Yaan la isku mashquulin oo aan wakhti lagu lumin yaa wasiiro ka ah dawladda somaliya, maaha in wakhti lagu lumiyo oo wax weyn laga dhigo, waayo Somaliland waxay la hadlaysaa dawladooda Somaliya ee shakhsiyaad lama hadlayso.”

Cawil, oo ka jawaabaya su’aal ahayd bal inay shakhsiyaadka Somaliland ka soo jeeda ee ku biira dawladaha Somaliya loo dhisaa ay wada hadalka labada dal ku keeni karaan culays diblomaasiyadeed, wuxuu yidhi  “Dhinaca diblomaasiyadda wax dhibaato ah inaguma keenayso, waayo dawlad somaliyed ayaynu la hadlaynaa, oo markaad wada hadlaysaan wuxuu adduunku idiin arkayaa laba dawladood oo wada hadlaya, duniduna shakhsiyaad iskuma mashquuliso ee waxa la eegaa mawduuca laga wada hadlayo iyo sida ay doodaadu u xoogantahay.”

Comments are closed.