Prof. Buubaa Oo Sheegay In Xukuumaddu Soo Bandhigto Wixii Ay Beesha Caalamka Kaga Wada Hadleen Shirkii Nairobi

0
1070

Hargeysa (Geeska)-Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay Shirkii gogol xaadhka u ahaa wada hadalada Somaliya iyo Somaliland ee Dalka Kenya, siyaabihii kala duwanaa ee looga hadlay, hadalkii Farmaajo ee ku saabsanaa midnimada labada dal iyo qaabka ugu wanaagsan ee labada dal ku wada hadli karaan.

Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay Shirkii gogol xaadhka u ahaa labada dal ee ka dhacay Kenya ayaa yidhi “Ma haboona in la deg dego, oo  la faafiyo waxyaabo xaqiiqada ka fog, balse waxaa loo baahan yahay oo haboon in wax walba laga fiirsado, Shirkani muu ahayn Shir ay ku wada hadlayeen Somaliland iyo Somaliya, balse wuxuu ahaa Shir gogol xaadh ah, oo waxyaabo badan baa lagu lafo guray, oo waxay muhiimadu ahayd wixii ka soo baxa in la eego, oo waliba la soo bandhigo, oo siday wax u dhaceen wax loo sheego, balse in wixii Shirkan ka soo baxay ee lagu lafo guray, in si kale loo turjumo oo waxyaabo kale oo xaqiiqada ka fog la sheego ma haboona, wax walbana ka fiirsiga ayey ku wanaagsan yihiin”

Mar aanu wax ka weydiinay Shirkan gogol xaadhka u ah wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, iyo labada dhinaca cidda u kala qayb gashay meeqaamkooda ayaa ku jawaabay “Shirkani muu ahayn Shir iyo meelo lagu wada hadlayo, ciddaas ayaa timid iyo ciddaas ayaa ka maqnayd, wax macno leh oo ay sameeynaysaa ma jirto, wuxuu ahaa Shir gogol xaadh ah oo waxyaabo badan lagu lafo gurayo, muu ahayn Shir ay si toos ah u wada hadlayeen labada dal, balse wuxuu ahaa Shir khubaro iyo dalal badan ka soo qayb galeen nuxurkuna wuxuu ahaa inay iyagu noqdaan  ka qayb galayaan iyo dhagaystayaal”.

Mar aanu wax ka weydiinay qaabka ugu wanaagsan ee labada dal ku wada hadli karaan ayaa yidhi “Somaliland waxaa mar walba looga baahan yahay in Dawladda Somaliya  iyo Beesha Caalamkaba ay ku qanciso madax banaanideeda iyo jirtaankeeda dawladnimo, Somaliland waxaa looga baahan yahay inay ku qanciso in labada dal ay kala ahaayeen laba dal oo kala madax banaan, oo isku biiray, haddana kala baxay,marka horena cidda maanta waxay ay inagaga xidhan yihiin waa Somaliya, oo loo baahan yahay inay Somaliland ka shaqeeyso sidii ay ugu qancin lahayd dawladnimadeeda, iyo sidii ay Dawladda iyo Umadda Somaliya ugu dhaadhicin  lahayd inay Somaliland madax banaanideeda aqoonsadaan, oo aanay ka hor iman, maxaa yeelay Caalamku wuxuu yidhi soo wada hadala, maantana wada hadaladu inaga ayuu danteena yahay, maxaa yeelay inaga ayaa rabna inaynu aqoonsi buuxa ka helno Caalamka, aqoonsiguna wuxuu ku iman karaa inagoo Somaliya miiska wada hadalka ku qancina, iyo inaynu ahaano laba dal oo jaar ah, oo iskaashi iyo wax wada qabsi inaga dhexeeyo”

Mar aanu wax ka weydiinay hadalkii Farmaajo ee ku saabsanaa midnimada ayaa ku jawaabay“Farmaajo rayigiisu ayuu ka hadlay,midnimo la isku qasbaayo ma jirto, ee arinta midnimada iyo kala go’a labada dal, waa arin u taala umadda labada dal”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here