Turkigu Oo Dadaal Ugu jira Isku filnaanshiyaha Wax-Soo-Saarka Milateriga, Gaadiidka Rayidka Iyo Dayax-gacmeedka

0
639

Dawladda Turkiga oo hore ugu hawlanayd sidii ay iyadu isugu filnaan lahayd awoodaheeda milateri oo aanay dibadda ka soo dejisan, ayaa imikana bilowday dadaal labaad oo ay doonayso in dalkeedu uu soo saaro baahiyaha madaniga ah, gaar ahaan gaadiidka oo uu higsigeedu yahay in dalku ku kaaftoomo gaadiidka uu dalku sameeyo. Waxa aanu dhowaan dhistay warshad weyn oo soo saarta baabuurta.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan oo hadal ka jeediyey munaasabadda furitaanka warshadda gaadiidka TOGG ayaa sheegay dawlado ka xun koboca quwadda dhaqaale ee Turkiga iyo kor u kaca kalsoonida ay isku qabtaa in ay bilaabeen ol’oleyaal ay ku faafinayaan dacaayado a dhan ah wax soo saarka Turkiga”

Turkiga oo ah dawlad guun ah ayaa muddo hadda laga joogo 70 sano waxa uu bilaabay isku dayga soo saarista gaadiidka, gaadhigii ugu horreeyey ee uu soo saarayna waxa uu ahaa ‘Devrim’ oo uu sannadkii 1961 kii afar xabbo oo keliya sameeyey. Laakiin dadaalkaas oo aanu ka hadhin kaddib waxa uu sannadkan horraantiisa madaxweyne Erdogaan tijaabiyey gaadhigii ugu horreeyey ee dhammaan qalabkiisa iyo samayskiisu ay Turki yihiin, waxaana la filayaa in laba sano kaddib ay baabuurta Turkiga ee TOGG ay si xawli ah suuqyada gaadiidka u soo geli doonaan.

Sida ay khubarada dhaqaaluhu qirayaan dalka Turkiga waxaa ka socda horumar weyn oo dhinaca warshadaha waaweyn ah, waxa aanay bilaabeen soo saarista tareennada, diyaaradaha ciidamada, iyo sida oo kale hubka iyo saanadda milateriga, waxsoosaarkaas iyo kan hadda soo socda ee gaadiidka ayaa si weyn u xoojinaya heerka uu dalka Turkigu ka joogo adduunka dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan labadaba

Tobankii sano ee u dambeeyey waxaa dalka Turkiga ka socday kacaan warshadeed, gaar ahaan dhinaca waxsoosaarka cuntada iyo dawada ah, waxa kale oo uu horumar weyn ka sameeyey waxsoosaarka warshadaha ee dhinaca badda, dhoofinta birta iyo qalabka guryaha. Taas oo u suurtagelisay dalka Turkiga oo aan dhoofin shidaal, gaas iyo macdan midna in uu sannadkii 2018 kii, dakhligiisa wax dhoofintu kordho 180 Bilyan oo doolar, waxa aanu qorshaynayaa in uu dhammaadka sannadkan 2020 ka gaadhsiiyo 190 Milyan oo doolar.

‘HSBC Hodings’ bangiga caalamiga ah ee maalgashiga iyo adeegyada maaliyadda oo sannad kasta soo saara liiska kala saraynta dhaqaale ee dalalka adduunka ayaa sannadkii 2019 ka waxa uu ogaaday in dalka Turkigu uu kaalinta toddobaad kaga jiro dalalka adduunka ugu fiican ku noolaanshiyaha iyo ka shaqaysiga, halka ay quwaddiisa milaterina kaalinta tobnaad kaga jirto adduunka, iyada oo la filayo in uu sumcad iyo awood dheeraad ahna ku helo diyaaradaha is wada ee uu sameeyo oo dhowaan awooddooda tiknooljiyadeed mucjiso ku noqotay adduunka oo dhan.

Dalka Turkigu maanta tamarta koronto ee uu u baahan yahay boqolkiiba 46 waxa uu kala soo baxaa mashaariicda tamarta is cusboonaysiisa, ee ay ka mid yihiin qorraxda iyo dabayshu, waxa aanu qorshaynayaa in uu sannadka 2023 ka gaadhsiiyo boqolkiiba 56. Isaga oo dhowaanna bilaabay barnaamij uu doonayo in uu qashinka koronto ka dhaliyo, isla markaana dhammaystiro warshadda Nukliyeerka silmiga ah ee korontada uu ka dhalin doono oo la dhagax dhigay sannadkii 2018 ka.

Dalka Turkiga ayaa dhinaca kalana horumar ballaadhan ka sameeyey dhinaca hawada sare, waxa aanu sannadka foodda innagu soo haya diri doonaa dayaxgacmeedkii u horreeyey, oo lagu magacaabo IMECE, kaas oo si isku mid ah uga shaqayn doona arrimaha milateriga iyo rayidka.