Sompower iyo Qiimaha laydhka ee hal kilowatt

0
1091

Maxamed Khayre

Afeef

Beryahan dooda socota bulshada dhexdeeda ee ku saabsan shirkadaha waaweyn ee dalka sida Telesom, Somtel iyo Sompwer waa mid daaha ka qaaday cabashada iyo dareenka shacabka ee adeegyada tayadooda iyo qiimahooda. Runtii doodii waxay dhalisay in Telesom ka garaabto cabashada dadweynaha samaysana qiimo dhimis ka farxisay dhamaan macaamiisha iyo qurbo-jooga, sido kale qormadaydu waxay diirada saaraysa Sompower in ay fahanto dareenka macaamisha ay u adeegto mana aha beegsi gaar ah oo ku salaysan siyaasad , qabiil ama nin jeclaysi.

Aniga wuxuu halqabsigaygu yahay:

Hargeysa waa inay ka nolol jabnaata Newyork, London, Paris, Tokyo..iwm’ .

Waxaan jeclahay arrimaha nolosha dadweynaha si toos ah u taabanaya inaynu dood ka furno iyada oo aan la siyaasadayn maskaxda inta la tuujiyo farta lagu fiiqo halka dhibtu taalo ka bacdi dhamaanteen aan raadino sidii dhibka jira  dawadeeda loo heli laha. Ma haboona in dooda marinkeeda laga leexiyo..

Somaliland oo ah dal aad iyo aad  faqiir u  ah,  miisaaniyada dalku GDP yahay 400 million oo dollar dakhliga sannadkii qofka soo gala noqonayo 100 dollar sannadkii  waa marka tirada dadku tahay 4 million, sidee ayey macquul u tahay in Somaliland oo la miisaniyad ah xaafad ku taal yurub in qiimaha 1 kwh ee korontada hargeysa ka qaalisanaado 3 ilaa 6 jeer marka la barbardhigo 27 dal ee la isku yidhaahdo EU midowga yurub. Waxaa intaas dheer in shirkadaha wadamada yurub ee ka ganacsada korontadu ay si fiican u bixiyaan cashuurta isla markaasna ay dad fara badan shaqaaleeyaan.

Tusaale qiimaha 1 kilowatt KWH ee Denmarak waa 0.3 euro inta badana cashuur ayaa loo qaata oo

ku bixiyaan cashuur celcelis ahaan dhan  64.4%  ku darso iyagoo intaas bixiya ayey macaash fiican sameeyaan weliba shaqaalaha u shaqeeya ay siiyaan mushahar aad u sareeya.

Sompower oo la wareegtay hantidii qaranka isla markana deeq ka hesha World Bank sheegtayna inay korontada ka dhaliso qoraxda waa maxay sababta ay ku noqotay shirkada dunida oo dhan ka koronto qaalisan oo ku iibisa 1KWH qiimo dhan 0,63 mararka qaarkoodna gaadha ilaa 0,79. Qiimaha sida xad dhaafka ah u sareeya wuxuu  dhiig bax ku yahay  shacabka iyo guud ahaanba dhaqaalaha dalka   oo dadka intiisa  badan sabool yahay.  Sompower waxay ka koronto qaalisan tahay USA, CANADA, JAPAN, CHINA, AUSTRALIA, dhamaan Afrika iyo Carabta oo dhan . Bal jaantuskan hoose eeg oo ah 2019 wadamada midowga yurub EU iyo qiimaha korontada iyo weliba cashuurta ay bixiyaan.

Qiimaha Korontada

Qiimaha korontada (oo sidoo kale loogu yeedho electricity tariffs  ama qiimaha korantada) si weyn ayey ugu kala duwanaan karaan waddan ama deegaan ahaan waddan gudahiisa. Qiimaha korontadu waxay ku xidhan yihiin arrimo badan, sida:

Qiimaha mishiinada/qalabka korontada,(power generation price)

Kaabista dhaqaale ee  dowladda ama canshuuraha,( subsidies and taxes)

Qaabka cimilada maxalliga ah, ( climate pattern)

Gudbinta iyo kaabayaasha qaybinta, (transmission and distribution infrastructure)

sharciyeynta Tamarta  ee noocyada badan ah.

Qiimaha iyo cashuurtu sidoo kale way kala duwanaan karaan iyadoo ay ku xidhan tahay noocyada  macaamiisha, sida caadiga ah guryaha degaanka ah, xarumaha  ganacsiga  iyo warshadaha.

Qiimaha korontada  wadan walba wuxuu ku salaysan yahay qiimaha nolosha dalka  madaama ay Tamartu udub dhexaad u tahay horumarka dalka siyaasada wadan weliba waa in la helaa nooca tamarta ee ugu jaban ha noqoto mid laga dhaliyo mishiin, tamarta dabaysha , tamarta cadceeda, tamarta biyaha ama tamarta nukliyeerka. Dhamaan wadamada caalamku waxay u suxul duubayaan si ay shacabkooda ugu heli lahaayeen tamar aad iyo aad u jaban dawladu waxay qayb ka qaadata cashuur dhimis iyo kaabis dhaqaale oo la siiyo shirkadaha koronta, halka baarlamaanka iyo wasaarada ku shaqada lihi dejiyaan sharcigiii lagu hagi lahaa koronta.

Gebogabadii

Wadan kasta caalamka sharciyo iyo hayado gaar ah oo xuquuqda shacabka, ganacsatada iyo dawlada intaba ilaalisa ayaa jira kuwaas oo raaca sharci gaar ah oo loo sameeyo. Tusaale caalamka badankiisu wuxuu leeyahay hayad la yidhaahdo  PUBLIC UTILITY COMMISSION macnaheedu yahay GUDDIGA ADEEGGA DADWEYNAHA.

FG: Shirkada laydhka ee xamar BECO qiimaheedu waa 0.25 – 0.36 dollar halkii KW