Maxaa Sabab U Ah In Dadka Qaar Ay Ku Adkaato Cudur-daarashadu

0
229

Inkasta oo marar badan si cilmiya loo sheegay in raalligelintu ay u fiican tahay caafimaadka nafsadeed ee qofka iyo xidhiidhka bulshada, haddana dadka qaar waa ay ku adagtahay. In ay is illowsiiyaan ama ay si badheedh ah uga warwareegaan ayaa kala fudud in ay raalli gelin siiyaan cid ay ku gefeen.

Daraasado badan oo ay xeeldheereyaasha cilminafsigu arrintan ku sameeyeen ayaa lagu ogaaday sababo kala duwan oo qofka ku keena in uu diido raalligelinta. Waxaa ka mid ah qodobbo ay haweenayda qoraaga ah ee Beverly Engel ku tirisay buuggeeda “The Power of Apology: Healing Steps to Transform All Your Relationships” oo soo baxay sannadkii 2002. qodobbadaas uu qoraagu ku sheegay ‘Awoodda cudurdaarashadu ku leedahay daweynta dhammaan xidhiidhada’ ayaa ah:

  1. Kibirka: Cudur-daarashadu sideedaba waa qofka oo qabkiisa qofkeed dhinac iska dhigaya muddo ku filan qirashada gef uu ku kacay. Sidaas awgeed in qofku uu qabkiisa iska dhaafaa, waxa ay dadka qaar ula muuqataa liidasho iyo in qofku uu ceeb qiranayo. Waana sababta keenta in dadka qaar gefafkooda u raadiyaan cudurdaarro iyo sababo kala duwan ama ay cid kale ku canaantaan, iyaga oo diidaya in ay cudurdaar cad si badheedh ah u gudbiyaan.
  2. Calaamad liidasho: Dad badan, oo gaar ahaan ragga u badani raalligelinta waxa ay u fahmaan in ay tahay liidasho iyo hoosayn. Sidaas awgeed marka ay gef galaan waxaa lagu arkaa hadallo ay ku andacoonayaan in ay saxan yihiin. Dadkani waxa ay aaminsan yihiin in ka muranka sababta gefku ay calaamad u tahay in ay mar kasta awooddoodu sarrayso. Laakiin runtu waxa ay tahay in gefafka oo raalligelin laga bixiyo, lana qaato masuuliyadda waxa ka dhashay gefku ay tahay arrin muujinaysa awoodda iyo isku kalsoonaanta qofka.
  3. Khajilaadda: Dadka qaar ayaa sababta ay u diidaan raalligelintu ay tahay khajilaad badan oo ay dareemaan xaaladdaas oo kale. Waa laga yaabaa in ay dareen ahaan ogyihiin muhiimadda ay leedahay raalligelintu balse dhibtoodu ay tahay in aanay khajilaad ku beeran awgeed ku dhac u lahayn.
  4. Baqasho: Waxaa jira dad badan oo in ay gefafkooda raalligelin ka bixiyaan sababta ka hortaagani ay tahay cabsi ay ka qabaan in lagu diido raalligelinta ama in dadka ku xeerani u arkaan qof qaladaad badan oo ay sababtaas uga dheeraadaan. Waxa kale oo ay mararka qaarkood ka cabsadaan in dadka kale ogaadaan gefka ay galeen ee ay qirteen, sidaas awgeedna aanay sidii hore u ixtiraamin. Iyada oo ay la tahay in raalligelin la’aantu ay keenayso in dadku ay si hubaal ah u garan waayaan in qofku gefka galay iyo in laga qaldan yahay, sidaas awgeed aanay jirin sabab kelideed loogu xambaariyo eedda.
  5. Wacyi yaraan: Dad aad u badan ayaa sababta ka hortaagan raalligelintu ay tahay war la’aan iyo wacyi yaraan ka haysata raadadka ka dhalanaya gefka ay dadka kale ku sameeyeen.

Dhibaatada dadkan haysataa inta badan maskaxdoodu waxa ay xoogga saarta u fiirsiga iyo deymada qaladaadka dadka kale, laakiin awood uma laha in ay arkaan gefafka ay naftoodu dadka kale ka gelayso. Waa dad ay naftoodu ku weyn tahay oo aan danayn cid kale.

  1. Waxaa ka maqan dareenka la dareen-noqoshada qofka: Si guud marka loo eego sababta raalligelinta qofka ku dhiirrinaysaa waa naftiisa oo awood u yeelatay in ay is dhigto halka uu markaas joogo qofka ay ku gefeen iyo dareenka uu qabo, sidaas awgeed maadaama oo aanay xaaladdaas naftooda la jeclayn cidda kalana lama jecela.

Dadka noocan ahi waxa ay u baahan yihiin in ay is weydiiyaan raadadka iyo xaaladaha nafsadeed ee uu arkayo qofka ay ku gefeen. Nasiibdaro dad badan ayaan karti iyo ku dhac u lahayn in ay dadka ku xeeran la dareen noqdaan.