Turkiga Oo Bedelay Maamuuskii Uu Somaliland Ugu Tallo Galay

0
711

turkey-flag_000Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu go’aan ku gaadhay inaanu ka qayb gelin shirka ay dawladda Turkigu ku qabanayso dalkeeda bisha June, oo ay u qabanayso Somalida, kaas oo ay ku casuuntay dawladda Somaliland.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay dawladda Turkigu ka soo jawaabtay go’aankii ay Somaliland ku qaadacday ka qayb galka shirka Turkiga, ka dib markii ay qawaday hab maamuuska lagu qaabilay, waxaanu warku intaas ku daray inuu Turkigu sheegay inuu Somaliland ku qaabili doono hab maamuuskii lagu qaabilay shirkii London ee bishii Febarwari qabsoomay. Ilahaas xogogaalka ahi waxay intaas ku dareen inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo go’aansaday inaanu shirkaas tagin, bedelkiisana ay tagi doonaan xubno wasiiro ah oo uu hoggaamin doono wasiirka arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, lanaf ilayo inuu ka mid noqdo wasiirka qorshaynta qaranka Md. Sacad Cali Shire oo isagu ka mid ah wasiirada ugu haldoorsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Ma cadda sababta uu Madaxweynuhu uga baaqsaday ka qayb galka shirkaas, mar haddii ay dawladda Turkigu sheegtay inay Somaliland ku martisoorayso maamuuskii London oo uu hore uga qayb galay, waxase la sheegayaa inuu saluugsanyahay shirkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa dhawaan sheegay inay dawladiisu qaadacday ka qayb galka shirkaas “Shirkaasi imika sida loo soo dhigay ma ah si aanu ku tegi karno, waxaanu Ka dalbaynaynaa Dawladda Turkigu annagoo danaynayna qaybo ka mid ah Arrimaha lagaga hadlayo Shirkaa qayb ka mid ah oo Xagga dhaqaalaha iyo horumarka u badan inay dib u eegto nidaamka ay Somaliland kaga soo qayb gelayso oo aanu jecel nahay inuu noqdo mid la mid ah kii Shirkii London aanu kaga qayb galay Bishii February ee Sannadkan”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland.

Si kastaba ha ahaate, xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inay dhawaan ku dhawaaqdao qorshaha cusub ee uu Turkigu ku bedelay hab maamuskii hore ee Somaliland iyo weliba in Madaxweynaha Somaliland aanu shirka qayb geli doonin ee uu u wakiilan doono xubno wasiiro ah.